Ishacyaah 32:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 25:4 : 4 Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya.
  • Ish 9:6 : 6 Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.
  • Ish 7:14 : 14 Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.
  • Sab 143:9 : 9 Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
  • Ish 41:18 : 18 Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.
  • Ish 43:20 : 20 Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
  • Ish 44:3 : 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.
  • Sak 13:7 : 7 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
  • Mat 7:24-27 : 24 ¶ Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa. 25 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa. 26 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay. 27 Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.
  • Yoox 7:37 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
  • 1 Tim 3:16 : 16 Oo muranla'aan qarsoodiga cibaadadu waa weyn yahay. Isaga jidh baa lagu muujiyey, oo ruux baa xaq laga caddeeyey, malaa'iguhuna way arkeen, quruumahana waa laga dhex wacdiyey, dunidana waa laga rumaystay, ammaanna kor baa loogu qaaday.
  • Muj 22:1 : 1 ¶ Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,
  • Miik 5:4-5 : 4 Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa. 5 Oo kanu wuxuu noqon doonaa nabaddeenna.
  • Sab 146:3-5 : 3 Ha isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin. 4 Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan. 5 Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
  • Ish 4:5-6 : 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool. 6 Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.
  • Sab 31:2-3 : 2 Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid. 3 Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
  • Sab 32:7 : 7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
  • Sab 63:1 : 1 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
  • Ish 26:20-21 : 20 ¶ Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso. 21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
  • Ish 28:17 : 17 Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada.
  • Ish 32:18-19 : 18 Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto. 19 Laakiinse roobdhagaxyaale ahu wuxuu ku soo degi doonaa duudda, oo magaaladana hoos baa loo soo dejin doonaa.
  • Ish 35:6-7 : 6 Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona. 7 Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.
  • Ish 8:10-14 : 10 Kulligiin isla tashada, taladiinnuna way buri doontaa, erayga ku hadla, mana hagaagi doono, waayo, Ilaah baa nala jira. 11 ¶ Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi, 12 Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina. 13 Quduus ka dhiga Rabbiga ciidammada, oo isagu ha ahaado kan aad ka cabsataan oo aad ka argaggaxdaanba. 14 Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qoys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.

  • Ish 25:4-5
    2 aayado
    76%

    4Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya.

    5Waxaad hoos u ridi doontaa buuqa shisheeyayaasha sida kulaylka meesha engegan oo kale. Sida hooska daruurtu kulaylka u rida ayaa kuwa laga cabsado gabaygooda hoos loo ridi doonaa.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

  • Ish 32:15-19
    5 aayado
    73%

    15ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.

    16Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan.

    17Oo xaqnimada shuqulkeeduna wuxuu ahaan doonaa nabad, xaqnimaduna weligeed waxay keeni doontaa xasilloonaan iyo kalsooni.

    18Oo dadkayguna waxay joogi doonaan rug nabaadiino, iyo hoyaal ammaan ah, iyo meelo xasilloon oo lagu nasto.

    19Laakiinse roobdhagaxyaale ahu wuxuu ku soo degi doonaa duudda, oo magaaladana hoos baa loo soo dejin doonaa.

  • 8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.

  • 6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.

  • 16kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.

  • 22Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya, Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.

  • 30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.

  • 8Waxaan gabbaad kaga carari lahaa Dabaysha hufada ah iyo duufaanka.

  • 20Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon, Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.

  • 8Waxaa iyaga qoya roobka buuraha, Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.

  • 8Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.

  • 16Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.

  • 21Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya, Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.

  • 3Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.

  • 15Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.

  • 11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.

  • 4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.

  • 4Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.

  • 4Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.

  • 15In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.

  • 8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

  • 2Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka, Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa, Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,

  • 3Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.

  • 22oo markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo;

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Anigoo aamusan, ayaan hoygayga wax ka soo fiirin doonaa sida kulaylka widhwidhaya ee qorraxda, iyo sida daruur darab ah oo xilliga beergoosadka hooraysa.

  • 10¶ Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.

  • 26Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,

  • 3Talo ku tali, oo caddaalad ku garsoor, maalin hadh cad ah hooskaaga ka dhig habeen madow oo kale, masaafurisyada qari, oo magantana ha gacangelin.

  • 2Sida addoon hoos u xiisooda, Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,

  • 68%

    25Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.

    26Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.

  • 11Oo wakhtigaas waxaa dadkan iyo Yeruusaalemba lagu odhan doonaa, Dadkayga dabayl kulul ayaa uga iman doonta xagga meelaha dhaadheer ee cidlada ku yaal, mana ahaan doonto mid wax haadinaysa amase wax safaynaysa,

  • 11Biyuhu badda way ka dhammaadaan, Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,

  • 2iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon,

  • 20¶ Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 5Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa, Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa, Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.

  • 1Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.

  • 2Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.

  • 17Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay, Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?

  • 29Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?

  • 2Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.