2 Samuu'eel 23:4
Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.
Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
6Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
7Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
6Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
5Waxaan dadka Israa'iil u noqon doonaa sida sayaxa oo kale, oo iyaguna waxay u ubxin doonaan sida ubaxa oo kale, oo waxay xididdada u mudan doonaan sida Lubnaan oo kale.
6Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.
17Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii, Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.
3Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,
4Waayo, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Anigoo aamusan, ayaan hoygayga wax ka soo fiirin doonaa sida kulaylka widhwidhaya ee qorraxda, iyo sida daruur darab ah oo xilliga beergoosadka hooraysa.
4Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.
3Oo aynu ogaanno, oo aynu dadaalno inaan Rabbiga ogaanno. Soobixitinkiisa sida subaxda baa loo hubaa, oo wuxuu inoogu iman doonaa sida roobka, sida roobka dambe oo dhulka biyeeya.
4¶ Reer Efrayimow, bal maxaan idinku sameeyaa? Dadka Yahuudahow, bal maxaan idinku sameeyaa? Waayo, wanaaggiinnu waa sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a.
36Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
37Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
4Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa, Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
5¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
8Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.
18Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.
3Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
2Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka, Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa, Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,
4Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.
5Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.
1¶ Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.
16Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
2Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko.
2iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon,
4Isagu ma uu taag darnaan doono, mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
15Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
2Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
21Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya, Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.
11Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
16Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda, Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale, Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
5Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.
2Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.
7laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono.
3Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
3Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin? Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?
23Oo waxaan isaga u dhuujin doonaa sida dhidib meel adag haysta, oo isna wuxuu reerka aabbihiis u noqon doonaa carshi sharaf badan.
26Oo weliba iftiinka dayaxu wuxuu noqon doonaa sida nuurka qorraxda, oo nuurka qorraxduna wuxuu toddoba jibbaar u noqon doonaa sida toddoba maalmood iftiinkood oo kale, waana maalinta Rabbigu nabarka dadkiisa duubi doono oo uu dhaawacooda ku dhacay bogsiin doono.
4Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka, Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya. Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.
11Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
27Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
7¶ Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo indhahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan.
3Waana sida dharabka Buur Xermoon, Oo ku soo dega buuraha Siyoon, Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako, Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
13Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
23Haddaba reer Siyoonay, farxa oo Rabbiga Ilaahiinna ah ku reyreeya, waayo, roobkii hore buu si xaq ah idiin siiyey, oo wuxuu idiin di'iyey roob, intii hore iyo intii dambeba sidii markii hore.
15Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.