Ayuub 37:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya, Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 26:9 : 9 Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
  • Ayuub 36:32 : 32 Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.
  • Ayuub 38:25 : 25 Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 22Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya, Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.

  • 78%

    11Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.

    12War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!

    13Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?

    14Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag, Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.

  • 78%

    24Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?

    25Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,

  • 77%

    32Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.

    33Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa, Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.

  • 11Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan, Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,

  • 76%

    15War miyaad taqaan siduu iyaga u amro, Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?

    16Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha, Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?

    17Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay, Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?

    18Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka U xoogga badan sidii muraayad la shubay?

  • 2iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon,

  • 21Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa, Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.

  • 18Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?

  • 74%

    27Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,

    28Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.

    29Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?

    30Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.

  • 4Kii dabaysha eegaa waxba ma uu beeran doono, oo kii daruuraha fiiriyaana waxba ma goosan doono.

  • 20Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono? Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?

  • 16Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.

  • 16Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • Yer 4:11-12
    2 aayado
    72%

    11Oo wakhtigaas waxaa dadkan iyo Yeruusaalemba lagu odhan doonaa, Dadkayga dabayl kulul ayaa uga iman doonta xagga meelaha dhaadheer ee cidlada ku yaal, mana ahaan doonto mid wax haadinaysa amase wax safaynaysa,

    12laakiinse waxay ahaan doontaa dabayl xoog badan oo amarkayga ku imanaysa, oo weliba haatan anigu xukunkoodii waan ku hadli doonaa.

  • 7¶ Sida runta ah iftiinku waa macaan yahay, oo indhahana way u wanaagsan tahay inay qorraxda arkaan.

  • 7Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 32Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo, Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.

  • 19Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,

  • 25Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

  • 5Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh, Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.

  • 11Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.

  • 13Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 12Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.

  • 9Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka, Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.

  • 8Markaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay.

  • 5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 34Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?

  • 38Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?

  • 3Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin? Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?

  • 17Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii, Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.

  • Ayuub 26:8-9
    2 aayado
    70%

    8Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.

    9Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.

  • 21Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.

  • 6Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.

  • 3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

  • 26Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda,