Ayuub 36:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 24Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.

  • 26Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.

  • 21Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.

  • 74%

    23Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.

    24Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,

  • Sab 33:13-14
    2 aayado
    74%

    13Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,

    14Oo meesha isaga rugta u ah Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,

  • 17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.

  • 12Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen, Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?

  • 4Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?

  • 7Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa, In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.

  • 9Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan, Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah, Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.

  • 21Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya, Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.

  • 72%

    27Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.

    28Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.

  • 34Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.

  • 17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

  • 1Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.

  • 71%

    10Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.

    11Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.

  • 21Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.

  • 5Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg, Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

  • 6Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.

  • 11Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa, Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.

  • 1Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa? Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?

  • Wacd 3:10-11
    2 aayado
    71%

    10Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.

    11Wax kastuu ka dhigay inay wakhtigooda quruxsanaadaan, oo haddana daa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaatee binu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta.

  • Sab 39:5-6
    2 aayado
    70%

    5Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)

    6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • 5Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.

  • 14Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.

  • 2Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.

  • 29Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,

  • 19Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaalmarisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen.

  • 14In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko, Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.

  • 27Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.

  • 30Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa.

  • 24Waayo, bal yaa gaadhi kara wixii aad u fog ee mool dheer?

  • 11Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah, Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?

  • Wacd 6:10-11
    2 aayado
    70%

    10¶ Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan.

    11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

  • 19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

  • 1Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.

  • 19Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,

  • 21Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.

  • 10Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.

  • 27Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay.

  • 17Bal i maqal, wax baan ku tusayaa, Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;

  • 8Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto.

  • 5Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh, Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.