Sakaryaah 10:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 34:26 : 26 Oo iyaga iyo meelaha buurtayda ku wareegsanba barako baan ka dhigi doonaa, oo roobkana xilligiisaan u soo di'in doonaa, oo waxaa jiri doona tiixo barakee.
  • Ish 30:23 : 23 Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.
  • Ish 44:3 : 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.
  • Yer 10:13 : 13 Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
  • Yer 14:22 : 22 Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.
  • Yac 5:7 : 7 ¶ Haddaba, walaalayaalow, dulqaata ilaa imaatinka Rabbiga. Bal ogaada, ninka beerrey ahu wuxuu sugaa midhaha qiimaha leh ee dhulka, isagoo u dulqaata ilaa uu helo roobka hore iyo kan dambe.
  • Yac 5:16-18 : 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa. 17 Eliyaas wuxuu ahaa nin dabiicaddeenna oo kale leh. Aad buu Ilaah u baryay inaan roob di'in, roobna saddex sannadood iyo lix bilood dhulka kuma uu di'in. 18 Oo kol kale ayuu Ilaah baryay, oo cirku roob buu soo daayay, dhulkuna midhihiisii buu soo saaray.
  • Yer 51:16 : 16 Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
  • Yex 36:37 : 37 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.
  • Hos 6:3 : 3 Oo aynu ogaanno, oo aynu dadaalno inaan Rabbiga ogaanno. Soobixitinkiisa sida subaxda baa loo hubaa, oo wuxuu inoogu iman doonaa sida roobka, sida roobka dambe oo dhulka biyeeya.
  • Hos 10:12 : 12 Nafsaddiinna xaqnimo wax ugu beerta, oo si naxariista waafaqsan wax u goosta, oo jabsada dhulkiinna jeexan, waayo, waa wakhti ku habboon in Rabbiga la doondoona, ilaa uu yimaado oo uu xaqnimo idinku soo dejiyo.
  • Yoel 2:23-24 : 23 Haddaba reer Siyoonay, farxa oo Rabbiga Ilaahiinna ah ku reyreeya, waayo, roobkii hore buu si xaq ah idiin siiyey, oo wuxuu idiin di'iyey roob, intii hore iyo intii dambeba sidii markii hore. 24 Oo goobaha wax lagu tumo waxaa ka buuxsami doona sarreen, oo macsarooyinkuna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri iyo saliid.
  • Aam 4:7 : 7 Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.
  • Miik 5:7 : 7 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin.
  • Mat 7:7-8 : 7 ¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; 8 waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.
  • Yoox 16:23 : 23 Oo maalintaasna waxba ima weyddiin doontaan. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii aad wax uun weyddiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa.
  • 1 Kor 3:6 : 6 Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.
  • Sharc 11:13-14 : 13 ¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, 14 de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.
  • Sharc 28:23 : 23 Oo samada idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu noqon doonaa bir.
  • 1 Boq 17:1 : 1 ¶ Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane.
  • 1 Boq 18:41-45 : 41 Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan! 42 Markaasaa Axaab u kacay inuu wax cuno oo wax cabbo. Oo Eliiyaahna wuxuu fuulay Buur Karmel dusheeda, oo intuu foororsaday ayuu dhulka ku sujuuday oo wejigiisiina wuxuu geliyey lowyihiisa dhexdooda. 43 Markaasuu midiidinkiisii ku yidhi, Bal tag oo badda xaggeeda fiiri. Kolkaasuu tegey oo wax fiiriyey, oo wuxuu yidhi, Waxba lama arko. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Ku noqo toddoba jeer. 44 Oo waxaa dhacday inuu markii toddobaad yidhi, Waxaa badda ka kacday daruur yar oo nin gacantiis le'eg. Isna wuxuu yidhi, Orod oo waxaad Axaab ku tidhaahdaa, War, gaadhifaraskaaga diyaarso oo dhaadhac, yaan roobku ku joojine. 45 Oo wakhti yar dabadiis cirkii ayaa daruuro iyo dabayl la madoobaaday, oo waxaa jiray roob weyn. Oo Axaabna gaadhifaraskiisii buu fuulay, oo wuxuu tegey Yesreceel.
  • Ayuub 29:23 : 23 Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale, Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.
  • Ayuub 36:27-31 : 27 Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota, 28 Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma. 29 Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa? 30 Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa, Oo badda salkeedana wuu daboolaa. 31 Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.
  • Ayuub 37:1-6 : 1 Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa. 2 Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa. 3 Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan, Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan. 4 Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha, Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda; Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo. 5 Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa, Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin. 6 Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.
  • Sab 65:9 : 9 Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
  • Sab 72:6 : 6 Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
  • Sab 104:13 : 13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
  • Maah 16:15 : 15 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
  • Ish 5:6 : 6 oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    14de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.

    15Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

  • 10Oo dhulka roob ku di'iya, Beerahana biyo u soo dira.

  • 12Nafsaddiinna xaqnimo wax ugu beerta, oo si naxariista waafaqsan wax u goosta, oo jabsada dhulkiinna jeexan, waayo, waa wakhti ku habboon in Rabbiga la doondoona, ilaa uu yimaado oo uu xaqnimo idinku soo dejiyo.

  • 23Haddaba reer Siyoonay, farxa oo Rabbiga Ilaahiinna ah ku reyreeya, waayo, roobkii hore buu si xaq ah idiin siiyey, oo wuxuu idiin di'iyey roob, intii hore iyo intii dambeba sidii markii hore.

  • 22Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.

  • 10Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da'aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiinse ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna,

  • 75%

    16Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna.

    17Sow maanta ma aha maalintii sarreenka la gooynayay? Anigu Rabbigaan baryayaa inuu soo diro onkod iyo roob; oo idinna markaasaad ogaan doontaan oo arki doontaan inuu weyn yahay sharkiinna aad Rabbiga hortiisa ku samayseen markaad boqor weyddiisateen.

    18Saas aawadeed Samuu'eel Rabbiguu baryay, oo Rabbiguna maalintaasuu onkod iyo roob soo diray, oo dadkii oo dhammuna aad iyo aad bay uga cabsadeen Rabbiga iyo Samuu'eelba.

  • 75%

    26Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,

    27Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?

    28Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?

  • 10Haddaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii.

  • 10Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.

  • 24Oo innaba qalbigooda iskama ay yidhaahdaan, War haatan aynu ka cabsanno Rabbiga Ilaaheenna ah oo roobka hore iyo kan dambeba xilligiisa ina siiya, oo toddobaadyada beergoosashada loo go'ay inoo haya.

  • 4markaasaan roobkiinna idin siinayaa xilligiisa, oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, dhirta duurkuna midhahooday dhali doonaan.

  • 7Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

  • 8Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.

  • 73%

    16Oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dooxadan boholo miidhan ka dhiga.

    17Waayo, waxaa Rabbigu leeyahay, Dabayl ma arki doontaan, roobna ma arki doontaan, laakiin dooxadaas waxaa ka buuxsami doona biyo, oo idinna waad cabbi doontaan idinka, iyo lo'diinna, iyo xoolihiinnuba.

  • 6Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da'; Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar Iyo roobkiisa weynba.

  • 7Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako,

  • 26Oo iyaga iyo meelaha buurtayda ku wareegsanba barako baan ka dhigi doonaa, oo roobkana xilligiisaan u soo di'in doonaa, oo waxaa jiri doona tiixo barakee.

  • 13Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 6Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.

  • 72%

    27Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha, Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,

    28Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.

  • 18Oo kol kale ayuu Ilaah baryay, oo cirku roob buu soo daayay, dhulkuna midhihiisii buu soo saaray.

  • 2Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka, Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa, Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,

  • 23Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale, Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.

  • 3Oo aynu ogaanno, oo aynu dadaalno inaan Rabbiga ogaanno. Soobixitinkiisa sida subaxda baa loo hubaa, oo wuxuu inoogu iman doonaa sida roobka, sida roobka dambe oo dhulka biyeeya.

  • 71%

    26Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas daraaddeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qiraan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,

    27de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.

  • 11Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan, Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,

  • 11laakiinse dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu biyaha ka cabbaa roobka samada,

  • 1¶ Oo wakhti dheer dabadiis waxay noqotay in sannaddii saddexaad eraygii Rabbigu Eliiyaah u yimid oo uu ku yidhi, Tag oo Axaab istus, oo anna roob baan dhulka ku soo daynayaa.

  • 71%

    35Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas aawadeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qirtaan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,

    36de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.

  • 17oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.

  • 7Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 16Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

  • 44Oo waxaa dhacday inuu markii toddobaad yidhi, Waxaa badda ka kacday daruur yar oo nin gacantiis le'eg. Isna wuxuu yidhi, Orod oo waxaad Axaab ku tidhaahdaa, War, gaadhifaraskaaga diyaarso oo dhaadhac, yaan roobku ku joojine.

  • 41Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan!

  • 4Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.

  • 4Dhulkii wuu dildillaacay, waayo, roob kuma di'in, oo taas darteed raggii beerta qodan jiray ayaa ceebooba, oo madaxay hagoogtaan.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Anigoo aamusan, ayaan hoygayga wax ka soo fiirin doonaa sida kulaylka widhwidhaya ee qorraxda, iyo sida daruur darab ah oo xilliga beergoosadka hooraysa.

  • 9Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan, Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.

  • 12Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.