Sakaryaah 9:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 27:2 : 2 Oo afarteeda rukun waxaad u yeeshaa afar gees; oo geesaheedu waa inay isku waslad la ahaadaan; oo waa inaad naxaas ku dahaadhaa.
  • Sak 12:6 : 6 Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.
  • Sak 10:5 : 5 Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.
  • Sak 10:7 : 7 Oo kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga.
  • Sak 12:8 : 8 Wakhtigaas Rabbigu wuxuu daafici doonaa dadka Yeruusaalem deggan, oo kii iyaga ugu tabaryaru wakhtigaas wuxuu ahaan doonaa sida Daa'uud oo kale, oo reer Daa'uudna wuxuu noqon doonaa sida Ilaah oo kale, iyo sida malaa'igtii Rabbiga oo iyaga hor socota.
  • Laaw 4:18 : 18 Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
  • Laaw 4:25 : 25 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.
  • Sab 78:65 : 65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
  • Hees 1:4 : 4 I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.
  • Hees 5:1 : 1 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,
  • Hees 7:9 : 9 Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.
  • Ish 37:35 : 35 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
  • Ish 55:1 : 1 ¶ Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata.
  • Miik 5:8 : 8 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.
  • Sak 9:17 : 17 Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
  • 1 Sam 17:45 : 45 Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay.
  • Laaw 4:7 : 7 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
  • Sak 14:20 : 20 Wakhtigaas dawannada fardaha waxaa ku qornaan doona, WAA U QUDUUS RABBIGA, oo dheryaha guriga Rabbiga ku jiraana waxay ahaan doonaan sida maddiibadaha meesha allabariga hor yaal.
  • Fal 2:13-18 : 13 Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub. 14 ¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta. 15 Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed. 16 Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel, 17 Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan; 18 Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba, Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
  • 1 Kor 1:18 : 18 ¶ Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya.
  • Ef 5:18 : 18 Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.
  • Muj 19:13-21 : 13 Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah. 14 Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah. 15 Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa. 16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA. 17 ¶ Oo markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah, 18 aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba. 19 ¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii. 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay; 21 oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Oo wakhtigaas ayaa Rabbiga Ilaahooda ahu dadkiisa badbaadin doonaa sida iyagoo idihiisa ah, waayo, waxay ahaan doonaan sida dhagxan qaali ah oo taaj ku jira oo dalkiisa ka kor dhalaalaya.

  • Sak 9:13-14
    2 aayado
    76%

    13Waayo, dadka Yahuudah sida qaanso baan u xootay, oo reer Efrayim sida fallaadh oo kale ayaan qaansadii u gashaday. Siyoonay, wiilashaada waan kicin doonaa, Gariigow, iyagaan ku kicin doonaa wiilashaada, oo waxaan kaaga dhigi doonaa sida seef nin xoog badanu haysto.

    14¶ Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.

  • Coba 1:16-17
    2 aayado
    76%

    16Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.

    17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 5Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.

  • Ish 31:4-5
    2 aayado
    74%

    4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

    5Sida shimbirro duulaya ayaa Rabbiga ciidammadu Yeruusaalem u daafici doonaa, wuu daafici oo wuu samatabbixin doonaa, wuuna u tudhi doonaa oo badbaadin doonaa.

  • 9Laakiinse kuwii soo urursaday ayaa cuni doona, oo Rabbiga ayay ammaani doonaan, oo kuwii canabka soo urursaday ayaa barxadaha meeshayda quduuska ah khamriga ku cabbi doona.

  • 13Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.

  • 14Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah waxaan kaa buuxin doonaa rag sida koronkorro u faro badan, oo iyana way kugu qaylin doonaan.

  • 9Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.

  • 23Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.

  • 5Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.

  • Yer 5:16-17
    2 aayado
    71%

    16Gabooyahoodu waa sida qabri af bannaan, oo kulligoodna waa wada rag xoog leh.

    17Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.

  • 29oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 16Oo iyana way cabbi doonaan, oo way iska dhacdhici doonaan, wayna la waalan doonaan seefta aan dhexdooda u soo dirayo daraaddeed.

  • 16Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.

  • 26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.

  • Ish 29:8-9
    2 aayado
    71%

    8Oo waxay noqon doontaa sida nin gaajaysan oo ku riyooday isagoo wax cunaya, laakiinse markuu toosay arkay isagoo calooshiisu madhan tahay, amase sida nin oomman oo ku riyooday isagoo biyo cabbaya laakiinse markuu soo toosay arkay isagoo itaaldaran oo aan weli oonbeelin, oo quruumaha Buur Siyoon la diriraya oo dhammuna sidaas oo kalay wada noqon doonaan.

    9¶ Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.

  • 3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.

  • 30Sidaas daraaddeed erayadan oo dhan iyaga kaga sii hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu xagga saruu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga soo hadli doonaa hoygiisa quduuska ah, oo wuxuu si weyn ugu qaylin doonaa xeradiisa, oo dadka dhulka deggan oo dhanna wuxuu ugu qaylin doonaa sida kuwa canabka ku tunta.

  • 10Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.

  • 38Oo cunay baruurtii allabaryadooda, Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa? Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen, Oo iyagu ha idin daafaceen.

  • 1¶ Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono.

  • Sak 12:8-9
    2 aayado
    70%

    8Wakhtigaas Rabbigu wuxuu daafici doonaa dadka Yeruusaalem deggan, oo kii iyaga ugu tabaryaru wakhtigaas wuxuu ahaan doonaa sida Daa'uud oo kale, oo reer Daa'uudna wuxuu noqon doonaa sida Ilaah oo kale, iyo sida malaa'igtii Rabbiga oo iyaga hor socota.

    9Oo wakhtigaas waxaan doondoonayaa inaan wada baabbi'iyo quruumaha Yeruusaalem ku kaca oo dhan.

  • 4Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.

  • 39Rabbigu wuxuu leeyahay, Markay kululaadaan ayaan diyaafad u samayn doonaa, oo waan wada sakhraamin doonaa si ay u reyreeyaan oo ay u seexdaan hurdo weligeed ah oo ayan ka soo toosin.

  • 2¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

  • 1¶ Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.

  • 13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.

  • 16Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.

  • 4Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.

  • Saf 2:10-11
    2 aayado
    70%

    10Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.

    11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.

  • 6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.

  • 28Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan!

  • 40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

  • 7Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa, Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.

  • 10Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa; Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida; Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.

  • 10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.

  • 9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

  • 26Oo kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.

  • 9Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.