Aamos 9:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 68:21 : 21 Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa, Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
  • Ish 6:1 : 1 ¶ Sannaddii Boqor Cusiyaah dhintay ayaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer, oo faraqii dharkiisa ayaa macbudkii buuxiyey.
  • Ish 6:3-4 : 3 Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa. 4 Oo aasaaska iridda ayaa la gariiray kii qayliyey codkiisii, oo gurigiina waxaa ka buuxsamay qiiq.
  • Aam 3:14 : 14 Maalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.
  • Xab 3:13 : 13 Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed, Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan. Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday. Aasaaskiina waad soo bandhigtay. (Selaah)
  • Yoox 1:18 : 18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
  • Yoox 1:32 : 32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.
  • Fal 26:13 : 13 ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.
  • Muj 1:17 : 17 Oo markii aan arkay ayaan ku hor dhacay sidii mid dhintay. Oo markaasuu gacantiisii midigta ahayd i saaray, oo wuxuu igu yidhi, Ha cabsan. Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya,
  • Saf 2:14 : 14 Oo waxaa dhexdeeda jiifsan doona xoolo iyo xayawaanka quruumaha oo dhan, oo cantalyaaga iyo caanaqubtuba waxay ku dhex hoyan doonaan tiirarkeeda. Cod baa ka gabyi doona daaqadaheeda, oo waxaa marinnada joogi doona abaar, waayo, isagu wuu soo bandhigay shuqulkii qoriga kedarka ah laga qabtay.
  • Sak 11:1-2 : 1 ¶ Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah. 2 Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday.
  • Ish 24:17-18 : 17 Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin. 18 Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.
  • Ish 30:16 : 16 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdeen, Saas ma noqon doonto, waayo, fardaan ku carari doonnaa, haddaba sidaas daraaddeed waad carari doontaan. Oo waxaad tidhaahdeen, Waxaan fuuli doonnaa fardaha dheereeya, haddaba sidaas aawadeed kuwa idin eryanayaa waxay noqon doonaan kuwa aad u dheereeya.
  • Yer 48:44 : 44 Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.
  • Yex 1:28 : 28 Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.
  • Yex 9:2 : 2 Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.
  • Yex 10:4 : 4 Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.
  • Aam 2:14-15 : 14 Kan dheereeyaa ma carari kari doono, oo kan xoogga badanuna xooggiisa kuma adkaan doono, oo kan itaalka badanuna isma samatabbixin doono, 15 oo kan qaansada haystaana isma taagi doono, oo kan cagaha ka dheereeyaana isma samatabbixin doono, oo kii faras ku joogaana isma samatabbixin doono,
  • 2 Taar 18:18 : 18 Markaasuu Miikayhuu yidhi, Haddaba erayga Rabbiga maqla, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 9:1-10
    10 aayado
    78%

    1¶ Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.

    2Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.

    3Kolkaasaa ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil kor bay uga kacday keruubkii ay kor saarnayd, oo waxay tagtay guriga marinkiisii, oo wuxuu u yeedhay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo dhiniciisa ku sitay geeskii khadka kan wax qora.

    4Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magaalada Yeruusaalem dhexdeeda mar, oo waxaad calaamad ku dhigtaa jaaha dadka u taahaya oo u qaylinaya waxyaalaha karaahiyada ah oo dhexdeeda lagu sameeyo oo dhan.

    5Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina.

    6Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.

    7Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Guriga nijaaseeya, oo barxadahana meydad ka buuxiya, oo haddana baxa. Markaasay bexeen oo magaaladii dad bay ku dhex laayeen.

    8Oo intay dadka laynayeen oo aan anigu hadhay ayaan wejiga u dhacay, oo intaan qayliyey ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad kuwa reer binu Israa'iil ku hadha oo dhan ku wada baabbi'isid cadhadaada aad Yeruusaalem ku dul shubayso?

    9Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.

    10Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

  • 9Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.

  • Aam 9:4-5
    2 aayado
    76%

    4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

    5Oo Sayidka Rabbiga ciidammada ahu waa kan dhulka taabta oo dhulkuna wuu dhalaalaa, oo kuwa deggan oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.

  • Aam 9:8-10
    3 aayado
    75%

    8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

    9Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto.

    10Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.

  • 2Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.

  • 11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • Yer 1:14-16
    3 aayado
    73%

    14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.

    15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

    16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 15Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.

  • Aam 3:14-15
    2 aayado
    72%

    14Maalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.

    15Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.

  • 21Kolkaasaan idhi, Kuwanu maxay u yimaadeen inay sameeyaan? Oo isna wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah si aan ninna madaxiisa ugu qaadin aawadeed. Laakiinse kuwanu waxay haatan u yimaadeen inay ka argaggixiyaan, oo ay hoos u tuuraan quruumaha geesahooda kor ugu qaaday dalka Yahuudah inay kala firdhiyaan.

  • 7Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 9Oo haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan.

  • 10¶ Derbiyadeeda fuula oo dumiya, laakiinse ha wada baabbi'inina. Laamaheedana qaada, waayo, kuwii Rabbiga ma aha.

  • 7¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.

  • 17¶ Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale.

  • 9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.

  • Saf 1:3-4
    2 aayado
    72%

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.

    4¶ Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada,

  • 2Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • 16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

  • Yex 6:11-12
    2 aayado
    71%

    11¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sacabbada isku dhufo oo cagta dhulka ku dhufo, oo Hoogay! u dheh waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan ee ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood, waayo, waxay ku baabbi'i doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo.

    12Kii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.

  • 10Dadkayga sida hadhuudh la tumayow, wixii aan Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ka maqlay waan idin ogeysiiyey.

  • 8¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 21Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.

  • 9Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.

  • 9Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan.

  • 8Waayo, Axaab reerkiisa oo dhammu waa halligmayaa; oo Axaab waan ka baabbi'in doonaa wiil kasta ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.

  • 9Oo meelaha sare ee reer Isxaaq cidla way noqon doonaan, oo meelaha quduuska ah ee dalka Israa'iilna way baabbi'i doonaan, oo anna reerka Yaaraabcaam seef baan kula kici doonaa.

  • 11iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?