Safanyaah 1:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 83:10 : 10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
  • Ish 24:5-6 : 5 Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen. 6 Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay.
  • Ish 29:10 : 10 Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.
  • Ish 50:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay.
  • Ish 59:9-9 : 9 Sidaas daraaddeed caddaaladu way inaga fog tahay, oo xaqnimana innaba ina soo gaadhi mayso. Waxaynu sugnaa nuur, laakiinse waxaynu aragnaa gudcur, oo waxaynu sugnaa iftiin laakiinse madow baynu ku dhex soconnaa. 10 Sida kuwa indhaha la' ayaynu derbiga u haabhaabannaa, oo sida innagoo aan innaba indho lahayn ayaynu wax u haabhaabannaa. Sida fiid oo kale ayaynu hadh cad u turunturoonnaa, oo waxaynu nahay sida dad dhintay oo kuwa barwaaqaysan ku dhex jira.
  • Ish 59:12-15 : 12 ¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay. 13 ¶ Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna. 14 Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto. 15 Hubaal runta waa la waayayaa, oo ku alla kii sharka ka tagaaba wuxuu iska dhigaa wax la boobo, oo Rabbiguna taas wuu arkay, shar bayna u ahayd inaan caddaalad la arag.
  • Yer 2:17 : 17 Sow adiga qudhaadu isuma aad keenin belaayadan, waayo, waxaad ka tagtay Rabbiga Ilaahaaga ah markuu jidka kugu hagayay?
  • Yer 2:19 : 19 Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.
  • Yer 4:18 : 18 Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.
  • Yer 9:21-22 : 21 Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso. 22 Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.
  • Yer 10:18 : 18 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan.
  • Yer 15:3 : 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.
  • Yer 16:4-6 : 4 Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba. 5 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba. 6 Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.
  • Yer 18:21 : 21 Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
  • Bar 1:8 : 8 Yeruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa.
  • Bar 1:14 : 14 Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.
  • Bar 1:18 : 18 Rabbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay. Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya. Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.
  • Bar 2:21 : 21 Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.
  • Bar 4:13-15 : 13 Sababteeduna waxay ahayd dembiyadii nebiyadeeda iyo xumaatooyinkii wadaaddadeeda Kuwaasoo dhexdeeda dhiiggii kuwa xaqa ah ku daadshay. 14 Sidii iyagoo indha la' ayay jidadka iska daba wareegaan oo dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, Sidaas daraaddeed dharkooda lama taaban karo. 15 Waxaa iyaga loogu qayliyey, War taga, nijaas yahay! Taga, taga, oo hana taabanina. Markay carareen oo ay iska daba wareegeen ayaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Iyagu halkan innaba sii degganaan maayaan.
  • Bar 5:16-17 : 16 Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay! 17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
  • Yex 22:25-31 : 25 Shirqool bay nebiyadeedu dhexdeeda ku sameeyeen, sidii libaax ciyaya oo xoog wax ku qabsada. Nafo dad ayay baabbi'iyeen, oo waxay iska qaataan khasnad iyo waxyaalo qaali ah, oo waxay u yeeleen carmallo badan oo dhexdeeda jooga. 26 Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay. 27 Amiirradeeda dhex joogaa waa sida yeey xoog wax ku qabsata oo kale inay dhiig daadiyaan, iyo inay nafo dad halligaan, si ay faa'iido daacadla'aan ugu helaan aawadeed. 28 Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen. 29 Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen. 30 Oo anigu waxaan dhexdooda ka doondoonay nin heeraarka kor u dhisa oo hortayda ku soo istaaga meesha dunsan dalka aawadiis, si aanan u baabbi'in, laakiinse midna ma aan helin. 31 Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Daan 9:5-9 : 5 waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii, 6 oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan. 7 Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis. 8 Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay. 9 Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay; 10 mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa. 11 Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay. 12 Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale. 13 Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno. 14 Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii. 15 Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay. 16 Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan. 17 Haddaba Ilaahayow, bal maqal tukashadayda iyo baryadayda anoo ah addoonkaaga, oo aawadaa, Sayidow, uga dhig in wejigaagu ka hor iftiimo meeshaada quduuskaa oo kharribantay. 18 Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa. 19 Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.
  • Aam 4:10 : 10 Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Miik 3:9-9 : 9 Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya. 10 Siyoon dhiig bay ku dhisaan, Yeruusaalemna xumaan bay ku dhisaan. 11 Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto. 12 Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.
  • Miik 7:13 : 13 Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.
  • Mat 15:14 : 14 Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.
  • Yoox 9:40-41 : 40 Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay? 41 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.
  • Room 11:7 : 7 Waa maxay haddaba? Wixii reer binu Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey,
  • Room 11:25 : 25 ¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho;
  • 2 Kor 4:4 : 4 Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.
  • 2 But 1:9 : 9 Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.
  • 1 Yoox 2:11 : 11 Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.
  • Muj 3:17 : 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.
  • Sharc 28:28-29 : 28 Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin. 29 Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono.
  • 2 Boq 9:33-37 : 33 Kolkaasuu ku yidhi, Soo tuura iyada. Iyana way soo tuureen, oo dhiiggeedii waxaa qaar ku saydhmay derbigii iyo fardihii; oo isna kolkaasuu iyadii ku tuntay. 34 Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor. 35 Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane. 36 Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda. 37 Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.
  • Sab 79:2-3 : 2 Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka. 3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • Saf 1:15-16
    2 aayado
    76%

    15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,

    16oo waa maalin ay jiraan buun iyo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalooyinka deyrka leh, iyo munaaradaha dhaadheer.

  • 16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

  • Yer 19:7-8
    2 aayado
    75%

    7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

    8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 22Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.

  • 18Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan.

  • Saf 1:12-13
    2 aayado
    75%

    12Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.

    13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • 9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.

  • 15Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.

  • 33Oo kuwa Rabbigu laaya waxay maalintaas oolli doonaan dhulka darafkiisan iyo darafkiisa kale inta ka dhex leh. Oo iyaga looma barooran doono, lamana soo ururin doono, lamana xabaali doono, oo waxay noqon doonaan sida digo dhulka ku kor daadsan.

  • 9Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.

  • 30Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 3Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona.

  • 27Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midba mid kalaan ku garaaci doonaa, xataa aabbayaasha iyo wiilashoodaba. Oo innaba uma aan nixi doono, umana aan tudhi doono, umana aan naxariisan doono, waanan wada baabbi'in doonaa.

  • Yex 7:18-19
    2 aayado
    74%

    18Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.

    19Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.

  • 14Sidii iyagoo indha la' ayay jidadka iska daba wareegaan oo dhiig bay ku nijaasaysan yihiin, Sidaas daraaddeed dharkooda lama taaban karo.

  • 24Sidaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa.

  • 22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.

  • 18Marka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaalmarin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.

  • 6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

  • 16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.

  • 3Bal eega, farcankiinnaan canaanan doonaa, oo wejigiinnana waxaan ku firdhin doonaa uus, kaasoo ah uuska allabaryadiinna, oo waa laydinla qaadi doonaa.

  • 14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • Yex 9:9-10
    2 aayado
    74%

    9Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.

    10Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

  • 7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.

  • 26Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 18Sidaas daraaddeed cadhadaydii iyagaan ugu kor shubay dhiiggii ay dalka ku dhex daadiyeen aawadiis, iyo sanamyadoodii ay ku nijaaseeyeen aawadood.

  • 21Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.

  • 23Belaayo iyo dhiig baan jidadkeeda ku soo dayn doonaa, oo kuwa dhaawaca ahna dhexdeedaa lagu xukumi doonaa iyadoo seefu dhinac kastaba kaga taagan tahay, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 17Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.

  • 4Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.

  • 21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.

  • 21Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.

  • 8Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 73%

    12oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.

    13Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 29Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.

  • 46Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.

  • 11Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.