Yeremyaah 18:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 109:9-9 : 9 Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto. 10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah. 11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday. 12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah. 13 Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro. 14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin. 15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka. 16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed. 17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga. 18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid. 19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba, 20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
  • Yer 9:21 : 21 Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.
  • Yer 15:8 : 8 Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.
  • Yer 16:3-4 : 3 Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba, 4 Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.
  • Bax 22:24 : 24 oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.
  • Sharc 32:25 : 25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
  • Bar 5:3 : 3 Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
  • Aam 4:10 : 10 Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
  • 2 Tim 4:14 : 14 Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen.
  • 2 Taar 36:17 : 17 Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.
  • Yer 20:1-6 : 1 ¶ Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya. 2 Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga. 3 Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay Maagoor Misaabiib. 4 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa. 5 Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan. 6 Fashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba.
  • Yer 20:11-12 : 11 Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin. 12 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.
  • Yer 11:20-23 : 20 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay. 21 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin, 22 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan. 23 Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
  • Yer 12:3 : 3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.
  • Yer 15:2-3 : 2 Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

  • Yer 18:22-23
    2 aayado
    81%

    22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.

    23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • Ish 13:15-16
    2 aayado
    81%

    15Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa.

    16Oo dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa iyagoo arkaya, guryahoodana waa la dhici doonaa, naagahoodana waa la kufsan doonaa.

  • 21Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin.

  • 18Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan.

  • Bar 2:20-21
    2 aayado
    79%

    20Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?

    21Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.

  • 22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.

  • 16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

  • Sab 109:9-10
    2 aayado
    77%

    9Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.

    10Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.

  • Yex 23:46-47
    2 aayado
    77%

    46Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.

    47Oo guutadaasu iyagay dhagxin doontaa oo seefaf ku kala jarjari doontaa, oo wiilashooda iyo gabdhahoodaba way wada layn doonaan, oo guryahoodana dab bay ku gubi doonaan.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed dila dhallaanka mid kastoo lab ah, oo dila naag kastoo nin la seexatay.

  • Yer 15:7-9
    3 aayado
    76%

    7Dalka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.

    8Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.

    9Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.

  • 20Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.

  • 3Kii qaanso xoota iyo kii dharkiisa birta ah la sara kacaba qaansoluhu qaansadiisa ha u xooto, oo barbaarradeedana ha u tudhina, oo ciidankeeda oo dhanna wada baabbi'iya.

  • 40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

  • 21Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.

  • 7Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal maxaad sharkan weyn naftiinna ugu samaysaan, oo aad dalka Yahuudah uga sii baabbi'isaan rag, iyo naago, iyo carruur, iyo caanonuug, si aan ciduna idiinka hadhin?

  • 10Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.

  • 25Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.

  • Bar 4:9-10
    2 aayado
    75%

    9Kuwa seefta lagu laayo waa ka roon yihiin kuwa gaajada u le'da, Waayo, kuwanu way caatoobaan oo abaar bay u bakhtiyayaan iyagoo midhihii beeraha waayay.

    10Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii, Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.

  • Yex 9:5-7
    3 aayado
    75%

    5Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina.

    6Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.

    7Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Guriga nijaaseeya, oo barxadahana meydad ka buuxiya, oo haddana baxa. Markaasay bexeen oo magaaladii dad bay ku dhex laayeen.

  • 9Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.

  • 10Kuwaasu cawradeedii bay soo bandhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey.

  • Yer 5:16-17
    2 aayado
    75%

    16Gabooyahoodu waa sida qabri af bannaan, oo kulligoodna waa wada rag xoog leh.

    17Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.

  • 13oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan,

  • 17Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.

  • Sab 69:24-25
    2 aayado
    75%

    24Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

    25Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,

  • 9Oo waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan.

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • 37Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa.

  • 64Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran.

  • 15Seefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed!

  • Yer 6:11-12
    2 aayado
    74%

    11Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.

    12Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.

  • 16Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.

  • 25Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka.

  • 30Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 12In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!