Ishacyaah 3:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 29:9 : 9 Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.
  • Ish 1:20 : 20 haddiise aad diiddaan oo aad caasiyowdaan, waxaa idin wada baabbi'in doonta seef, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Yer 11:22 : 22 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.
  • Yer 14:18 : 18 Haddaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.
  • Yer 18:21 : 21 Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
  • Yer 19:7 : 7 Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
  • Yer 21:9 : 9 Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.
  • Bar 2:21 : 21 Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.
  • Aam 9:10 : 10 Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 24Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa.

  • 26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

  • 26Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 30Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 20Waxay ku dhex dhici doonaan kuwa seefta lagu laayay, oo seeftaa loo gacangeliyey. Masar iyo dadkeeda badanba wada jiida.

  • 13Bal eeg, dadkaaga ku dhex jooga waa dumar, oo irdaha dalkaaguna waa u bannaan yihiin cadaawayaashaada, oo qataaradaadiina dab baa baabbi'iyey.

  • Yex 16:39-40
    2 aayado
    77%

    39Oo weliba waxaan kugu ridi doonaa gacantooda, oo iyaguna qudbaddaada way dumin doonaan, oo meelahaaga sarsarena way burburin doonaan, oo weliba dharkay kaa furan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn.

    40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

  • Yex 26:8-9
    2 aayado
    76%

    8Oo isagu gabdhahaaga berrinka jooga seef buu ku wada layn doonaa, oo qalcado buu kuu samaysan doonaa, oo tuulmo buu kuu tuulan doonaa, oo gaashaan weyn ayuu kor kuugu qaadan doonaa.

    9Wuxuu derbiyadaada ku tumi doonaa wax lagu jejebiyo, oo munaaradahaagana wuxuu ku dumin doonaa faasaskiisa.

  • 17Barbaarrada Aawen iyo Fiibesed seef bay ku le'an doonaan, oo magaalooyinkaasna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.

  • Yex 32:10-11
    2 aayado
    75%

    10Hubaal maalinta dhiciddaada waxaan ka dhigi doonaa inay dadyow badanu kula yaabaan, oo boqorradooduna aad bay kuugu baqi doonaan, markaan seeftayda hortooda ku ruxruxo, oo midkood kastaaba nafsaddiisuu daqiiqad kasta u gariiri doonaa.

    11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.

  • Yex 26:11-12
    2 aayado
    75%

    11Oo qoobabka fardihiisa ayuu jidadkaaga oo dhan kula tuman doonaa, oo dadkaagana seef buu ku wada layn doonaa, oo tiirarkaaga adadaguna dhulkay ku soo dhici doonaan.

    12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

  • 8Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.

  • 21Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.

  • 37Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa.

  • 25Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.

  • 7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

  • 2¶ Magaalada qaylada iyo bulxanku ka buuxaanay, magaalada farxadda badanay, kuwa dhexdaada lagu laayay seef laguma layn, dagaalna kuma ay dhiman.

  • 9¶ Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen.

  • Nax 3:10-11
    2 aayado
    74%

    10Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.

    11Oo weliba adigu waad sakhraami doontaa oo waad qarsoonaan doontaa, adiguna cadowga aawadiis dufays baad doondooni doontaa.

  • 15Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa.

  • 9Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.

  • 17Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.

  • 21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.

  • 25Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.

  • 28Laakiinse adigu waxaad ku dhex jabi doontaa kuwa buuryaqabyada ah, oo waxaad la jiifsan doontaa kuwa seefta lagu laayay.

  • 3Kii qaanso xoota iyo kii dharkiisa birta ah la sara kacaba qaansoluhu qaansadiisa ha u xooto, oo barbaarradeedana ha u tudhina, oo ciidankeeda oo dhanna wada baabbi'iya.

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed buuq baa dadkiinna ka dhex kici doona, oo qalcadihiinna oo dhanna waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii Shalman Beytarbeel maalintii dagaalka u baabbi'iyey oo kale. Hooyada iyo carruurteediiba ayaa dhulka lagu tuuray.

  • 14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

  • 8Oo buurihiisana waxaan ka buuxin doonaa raggiisa la laayay, oo kurahaaga, iyo dooxooyinkaaga, iyo webiyaashaadaba waxaa ku dhici doona kuwa seefta lagu laayay.

  • 15Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.

  • 18Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.

  • 17Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.

  • Yex 27:30-31
    2 aayado
    73%

    30Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.

    31Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.

  • 73%

    37Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan.

    38Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

  • 11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.

  • 15¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan?

  • 27Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.

  • 27Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen, Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!

  • 10Reer Faaris, iyo reer Luud, iyo reer Fuud ayaa ciidankaagii ku jiray, oo waxay kuu ahaayeen dagaalyahankaagii, oo dhexdaaday gaashaanka iyo koofiyadda dagaalka sudheen, oo waxay soo bandhigeen quruxdaadii.

  • 3Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono.

  • 30Raggii xoogga badnaa ee Baabuloon dagaalkay ka joogsadeen, oo waxay ku hadheen qalcadahoodii. Way taag gabeen, oo waxay noqdeen sidii naago oo kale. Meelaheedii lagu hoyan jiray way gubeen, oo qataarradeediina way kala jabeen.

  • 16Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.

  • 19Reer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare! Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!