12Markay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.
13Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.
14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Nebiyadu wax been ah ayay magacayga ku sii sheegaan. Anigu sooma aan dirin, soomana aan amrin, lamana aan hadlin innaba. Waxay idiin sii sheegaan riyo been ah, iyo faal, iyo wax aan waxba ahayn, iyo khiyaanadii qalbigooda.
15Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.