Yexesqeel 23:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwaasu cawradeedii bay soo bandhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 23:29 : 29 Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.
  • Hos 2:10 : 10 Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.
  • Yex 23:48 : 48 Oo sidaasaan shar dalka uga joojin doonaa, si naagaha oo dhan loo baro inaanay mar dambe sidii sharkiinnii oo kale u falin.
  • Hos 2:3 : 3 si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.
  • Yer 22:8-9 : 8 Oo quruumo badan baa magaaladan soo ag mari doona, oo midkood kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan magaaladan weyn ugu galay? 9 Oo iyana waxay ugu jawaabi doonaan, Maxaa yeelay, axdigii Rabbiga Ilaahooda ah ayay ka tageen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ilaahyo kale.
  • Yex 16:37-41 : 37 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan. 38 Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka. 39 Oo weliba waxaan kugu ridi doonaa gacantooda, oo iyaguna qudbaddaada way dumin doonaan, oo meelahaaga sarsarena way burburin doonaan, oo weliba dharkay kaa furan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. 40 Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan. 41 Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 23:7-9
    3 aayado
    81%

    7Oo iyadu kulligood bay ka dhillaysatay, kuwaasoo kulligood ahaa raggii Ashuur ee ugu wacanaa, oo ku alla kii ay caashaqday iyo sanamyadoodii oo dhanba way isugu nijaasaysay.

    8Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.

    9Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday.

  • Yex 23:43-47
    5 aayado
    79%

    43Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?

    44Laakiinse iyadii waxay ugu galeen sidii naag dhillo ah loogu galo oo kale, oo sidaasay ugu galeen naagihii sharka ahaa oo ahaa Aaholaah iyo Aaholiibaah.

    45Oo ragga xaqa ahu waxay iyaga u xukumi doonaan sida dhillooyin iyo naago dhiig galay loo xukumo oo kale, maxaa yeelay, iyagu waa dhillooyin, oo gacmahoodana dhiig baa ku yaal.

    46Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.

    47Oo guutadaasu iyagay dhagxin doontaa oo seefaf ku kala jarjari doontaa, oo wiilashooda iyo gabdhahoodaba way wada layn doonaan, oo guryahoodana dab bay ku gubi doonaan.

  • 10Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.

  • 11Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed.

  • 15Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.

  • 20Waxay ku dhex dhici doonaan kuwa seefta lagu laayay, oo seeftaa loo gacangeliyey. Masar iyo dadkeeda badanba wada jiida.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.

  • Yex 23:36-37
    2 aayado
    76%

    36¶ Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg.

    37Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.

  • 21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.

  • 13Oo anigu waxaan arkay inay nijaasowday, oo ay labadoodiiba isku jid qaadeen.

  • Yex 23:17-18
    2 aayado
    75%

    17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

    18Sidaasay dhillanimadeedii u soo bandhigtay oo cawradeedii daahay ka qaadday, markaasaa nafsaddaydii iyada uga go'day sidii ay nafsaddaydu walaasheed uga go'day oo kale.

  • 16Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.

  • Yex 16:38-41
    4 aayado
    75%

    38Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka.

    39Oo weliba waxaan kugu ridi doonaa gacantooda, oo iyaguna qudbaddaada way dumin doonaan, oo meelahaaga sarsarena way burburin doonaan, oo weliba dharkay kaa furan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn.

    40Oo weliba guutay kugu kicin doonaan, wayna ku dhagxin doonaan, oo seefahooday kugu mudhbixin doonaan.

    41Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.

  • 10Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii, Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.

  • Yex 16:20-21
    2 aayado
    74%

    20Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd

    21inaad carruurtayda gowracdid, oo aad iyaga u bixisid in dab loo dhex marsiiyo sanamyadaada aawadood?

  • 3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

  • 6Oo gabdhaheeda berrinka joogana seef baa lagu wada layn doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 10Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.

  • 36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

  • 16Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.

  • Yex 23:29-30
    2 aayado
    73%

    29Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.

    30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • 33Kolkaasuu ku yidhi, Soo tuura iyada. Iyana way soo tuureen, oo dhiiggeedii waxaa qaar ku saydhmay derbigii iyo fardihii; oo isna kolkaasuu iyadii ku tuntay.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed dila dhallaanka mid kastoo lab ah, oo dila naag kastoo nin la seexatay.

  • 10Dhexdaada ayay cawradii aabbahood ku soo bannaan dhigaan, oo dhexdaada ayay tan xaylka qabta ku ceebeeyaan.

  • 25Sariir baa kuwa la laayay dhexdooda loo diyaariyey isaga iyo dadkiisa badanba. Qabuurihiisii isagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen: oo isaga waxaa la dhigay kuwa la laayay dhexdooda.

  • 7Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.

  • 25Raggaagu wuxuu ku le'an doonaa seefta, oo kuwaaga xoogga badanuna waxay ku le'an doonaan dagaalka.

  • Yex 23:25-26
    2 aayado
    72%

    25Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.

    26Oo weliba dharkaaga way kaa wada muruxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan.

  • 11Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.

  • 5Aaholaah waxay dhillaysatay iyadoo taydii ah, oo waxay caashaqday kuwii iyada jeclaa ee reer Ashuur oo deriska la ahaa,

  • 21markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.

  • 15Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.

  • 39Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.

  • 16Oo dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa iyagoo arkaya, guryahoodana waa la dhici doonaa, naagahoodana waa la kufsan doonaa.

  • 9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

  • 9Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.