Hosheeca 9:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 7:13 : 13 Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.
  • Sharc 31:17 : 17 Oo kolkaasaa cadhadaydu ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa, oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis sow masiibadanu inooguma soo degin?
  • Sharc 32:25 : 25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
  • 1 Sam 28:15-16 : 15 Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo. 16 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?
  • Hos 9:16 : 16 Reer Efrayim wax baa lagu dhuftay, xididkoodiina waa qallalay, oo innaba midho ma ay dhali doonaan! Oo xataa in kastoo ay wax dhalaan, haddana waan wada layn doonaa midhaha ay jecel yihiin oo maxalkooda.
  • Hos 9:5-6 : 5 Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba? 6 Waayo, bal eeg, iyagu waxay ka tageen halligaad, laakiinse Masar baa iyaga soo urursan doonta, oo waxaa iyaga aasi doonta magaalada Mof. Waxyaalahooda wacan oo lacagta ahna waxaa qaadan doona maraboob, oo teendhooyinkoodana waxaa ka soo dhex bixi doonta qodxan.
  • Hos 9:13 : 13 Sidii aan Turos u arkay ayaa reer Efrayim meel wacan lagu beeray, laakiinse reer Efrayim wuxuu carruurtiisa u soo bixin doonaa kan wax laaya.
  • Tir 26:65 : 65 Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.
  • Sharc 28:32 : 32 Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.
  • Sharc 28:41-42 : 41 Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan. 42 Dhirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona ayax.
  • 2 Boq 17:18 : 18 Sidaas daraaddeed Rabbigu aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu hortiisa ka fogeeyey; oo iyagii waxba kama hadhin qabiilkii Yahuudah oo keliya mooyaane.
  • 2 Boq 17:23 : 23 ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.
  • Ayuub 27:14 : 14 Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef, Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.
  • Yer 15:7 : 7 Dalka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.
  • Yer 16:3-4 : 3 Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba, 4 Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.
  • Bar 2:20 : 20 Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?
  • Xaak 4:16 : 16 Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
  • 1 Sam 16:14 : 14 ¶ Haddaba Ruuxii Rabbigu Saa'uul wuu ka tegey, oo ruux shar leh oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa dhibay isagii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 9:13-14
    2 aayado
    84%

    13Sidii aan Turos u arkay ayaa reer Efrayim meel wacan lagu beeray, laakiinse reer Efrayim wuxuu carruurtiisa u soo bixin doonaa kan wax laaya.

    14Rabbiyow, iyaga wax sii. Maxaad siin doontaa iyaga? Waxaad siisaa maxal dhiciya iyo naaso gudhay.

  • 11Oo weliba reer Efrayimna sharaftoodu waxay u haadi doontaa sidii shimbir oo kale, oo innaba dhalasho, iyo uuraysi, iyo wallacid ma jiri doonaan.

  • Hos 9:16-17
    2 aayado
    82%

    16Reer Efrayim wax baa lagu dhuftay, xididkoodiina waa qallalay, oo innaba midho ma ay dhali doonaan! Oo xataa in kastoo ay wax dhalaan, haddana waan wada layn doonaa midhaha ay jecel yihiin oo maxalkooda.

    17Ilaahay waa xoori doonaa, maxaa yeelay, codkiisii ma ay dhegaysan, oo waxay quruumaha dhexdooda ku ahaan doonaan kuwa warwareega.

  • Yer 15:7-9
    3 aayado
    76%

    7Dalka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.

    8Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.

    9Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.

  • 21Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen?

  • 3Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,

  • 18Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan.

  • 7Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal maxaad sharkan weyn naftiinna ugu samaysaan, oo aad dalka Yahuudah uga sii baabbi'isaan rag, iyo naago, iyo carruur, iyo caanonuug, si aan ciduna idiinka hadhin?

  • 13Oo waxaa iyaga ku soo kor degi doonta murugtii naag foolanaysa. Iyagu waa sida wiil aan caqli lahayn, waayo, haatan waa wakhtigii uusan ku sii raagin meeshii carruurtu ka soo dhalan jireen.

  • 21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.

  • Hos 2:3-4
    2 aayado
    74%

    3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

    4Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed.

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • Ish 51:18-19
    2 aayado
    73%

    18Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta.

    19Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?

  • 16Xiiro oo timahaaga iska jar carruurtaadii aad jeclayd daraaddood, oo intaad xiirata sii ballaadhi sida bidaarta gorgorka oo kale, waayo, iyagu way kaa tageen, oo waxaa loo kaxaystay maxaabiis ahaan.

  • 16Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.

  • 11Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen.

  • 20Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.

  • 9Dumarkii dadkayga waxaad ka saartaan guryahoodii wacnaa, oo carruurtoodii yaryaraydna waxaad weligiin ka qaadataan ammaantaydii.

  • 57Wayna ka qarsan doontaa mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo, qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.

  • 16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.

  • 15Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?

  • 17Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan.

  • 20Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midba mid kalaan ku garaaci doonaa, xataa aabbayaasha iyo wiilashoodaba. Oo innaba uma aan nixi doono, umana aan tudhi doono, umana aan naxariisan doono, waanan wada baabbi'in doonaa.

  • 22Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed buuq baa dadkiinna ka dhex kici doona, oo qalcadihiinna oo dhanna waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii Shalman Beytarbeel maalintii dagaalka u baabbi'iyey oo kale. Hooyada iyo carruurteediiba ayaa dhulka lagu tuuray.

  • 17Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

  • 24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

  • 10Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii, Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.

  • 33Oo haddii la helo nin kaa ah ee aanan meeshayda allabariga ka gooyn, kaasu indhahaaguu gubi doonaa oo qalbigaaguu murugayn doonaa, oo dadkii reerkaaga ka dhashaana dhallinyaronimada ayay ku dhiman doonaan dhammaantood.

  • 13Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.

  • 16Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,

  • 16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

  • 19Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

  • 22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.

  • 21Meel lagu laayo u diyaarsha carruurtiisa xumaantii aabbayaashood aawadeed, si ayan u sara kicin, oo ayan dhulka u hantiyin, oo ayan dunida korkeedana magaalooyin uga buuxin.

  • 41Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan.

  • 9Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii.

  • 22Laakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.

  • 8Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.

  • 12Waxay hooyooyinkood ku yidhaahdaan, Meeh hadhuudhkii iyo khamrigii? Iyagoo jidadka magaalada ku itaaldaran sida dad dhaawac ah oo kale, Markii ay naftoodu kaga baxayso laabta hooyooyinkood.

  • 9Dalka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona.