1 Samuu'eel 2:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddii la helo nin kaa ah ee aanan meeshayda allabariga ka gooyn, kaasu indhahaaguu gubi doonaa oo qalbigaaguu murugayn doonaa, oo dadkii reerkaaga ka dhashaana dhallinyaronimada ayay ku dhiman doonaan dhammaantood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 2:26-27 : 26 Oo boqorkiina wuxuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Waxaad tagtaa Canaatood iyo ilaa beerahaagii, waayo, waxaad istaahishaa in lagu dilo, laakiinse haatan ku dili maayo, waayo, aabbahay Daa'uud waad ku hor sidi jirtay sanduuqii Sayidka Rabbiga ah, oo waxaa lagugu dhibi jiray wax kasta oo aabbahay lagu dhibi jiray. 27 Sidaasuu Sulaymaan Aabyaataar uga eryay wadaadnimadii Rabbiga inuu oofiyo Eraygii Rabbiga ee uu kaga hadlay reerka Ceelii xagga Shiiloh.
  • 1 Sam 22:21-23 : 21 Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga. 22 Kolkaasaa Daa'uud Aabyaataar ku yidhi, Maalintii Do'eeggii reer Edom halkaas joogay, waan garanayay inuu Saa'uul u sheegi doono. Dadkii reerka aabbahaa oo dhan anigaa dhimashada u soo jiiday. 23 Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.
  • 1 Boq 1:7 : 7 Oo isna wuxuu la hadlay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wadaadkii Aabyaataar; oo iyana intay Adoniiyaah raaceen ayay caawiyeen.
  • 1 Boq 1:19 : 19 Oo isagu wuxuu qalay dibi iyo neefaf shishilis iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilmo boqor oo dhan, iyo wadaadka Aabyaataar ah, iyo Yoo'aab oo ah sirkaalkii ciidanka; laakiinse uma uu yeedhin addoonkaaga Sulaymaan.
  • Mat 2:16-18 : 16 ¶ Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday. 17 Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh, 18 Cod baa Raamaah laga maqlay, Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda, Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    29War maxaad u quudhsataan allabarigayga iyo qurbaankayga aan ku dhex amray rugtayda; oo maxaad wiilashaada iiga murwad badisaa, ee aad naftiinna ugu cayilisaan dadkayga reer binu Israa'iil qurbaannadooda oo dhan inta ugu wanaagsan?

    30Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.

    31Bal eeg, waxaa iman doona wakhtigii aan gooyn lahaa gacantaada iyo gacanta reerka aabbahaaba si aan reerkaaga nin da' weyn looga helin.

    32Oo waxaad arki doontaa dhibaatada rugtayda markii Ilaah reer binu Israa'iil maal siiyo, oo reerkaaguna nin da' weyn ma yeelan doono weligiisba.

  • 81%

    34Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamo, waana waxa ku dhici doona labadaada wiil ee ah Hofnii iyo Fiinexaas, oo labadooduba isku maalin bay dhiman doonaan.

    35Oo anigu waxaan kicin doonaa wadaad aamin ah kaasoo samayn doona waxa ku jira qalbigayga iyo maankayga; oo anna waxaan isaga u dhisi doonaa reer ammaan ah, oo isna weligiis wuxuu ku hor socon doonaa kayga subkan.

    36Oo waxaa dhici doona in kuwa reerkaaga ka hadha oo dhammu ay u iman doonaan oo ku hor dhici doonaan isaga, iyagoo ka tuugaya gogo' lacag ah iyo xabbad kibis ah, oo waxay ku odhan doonaan, Waan ku baryayaaye, hawsha wadaaddada middood i sii si aan u cuno xabbad kibis ah.

  • 14haddaba sidaas daraaddeed bal eeg, Rabbigu belaayo weyn ayuu ku dhufan doonaa dadkaaga, iyo carruurtaada, iyo naagahaaga, iyo xoolahaaga oo dhanba.

  • 24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

  • 73%

    10Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.

    11Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, shar baan gurigaaga kaaga kicin doonaa, oo adoo u jeeda ayaan naagahaaga kaa kaxaysan doonaa, oo waxaan siin doonaa deriskaaga, oo isna intay qorraxdanu soo jeeddo ayuu naagahaaga la seexan doonaa.

  • 73%

    31Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.

    32Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.

  • 73%

    12Oo maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka.

    13Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii.

    14Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.

  • 16Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.

  • 20Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?

  • 72%

    54Ninka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay,

    55si uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.

  • 11Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

  • 4Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.

  • 72%

    21Oo bal ogow, Axaabow, belaayo baan kugu soo dejin doonaa, oo farcankaaga waan kaa qaadi doonaa, oo waxaan kaa baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.

    22Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis.

  • 22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.

  • 4inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

  • 71%

    29Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna.

    30Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.

  • 14¶ Oo Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.

  • 10Dadyowga badan oo aad baabbi'isay daraaddood waxaad reerkaagii ugu arrimisay ceeb, oo waxaad ku dembaabtay naftaadii.

  • 16Wiilka Aadamow, bal ogow, waxaan darbad qudha kaaga qaadayaa tii ay indhahaagu jecel yihiin, laakiinse ha u barooran, hana u ooyin, oo ilmadaaduna innaba yaanay u daadan.

  • 12In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!

  • 4Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.

  • 7Oo bal eeg, anoo addoontaada ah waxaa igu kacay reerkii oo dhan, oo waxay igu yidhaahdeen, Noo keen kii walaalkiis dilay, aannu walaalkiis oo uu nafta ka qaaday daraaddiis u dilnee, oo aannu kan dhaxalka lehna dilnee; oo saasna waxay u bakhtiin doonaan dhuxushii ii hadhay, oo ninkaygana dhulka uguma ay reebi doonaan magac iyo wax u hadha toona.

  • 30Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.

  • 17Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.

  • 7de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

  • 12Rabbigu wuxuu teendhooyinka reer Yacquub uga baabbi'in doonaa ninkii waxan sameeya, kan toosa iyo kan ka jawaaba, iyo weliba kan qurbaan u bixiya Rabbiga ciidammadaba.

  • 29Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

  • 12Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa.

  • 15laakiinse raxmaddaada waa inaanad ka gooyn reerkayga weligaa, oo xataa ma aha markii Rabbigu cadaawayaashaada ka dhammeeyo dhulka.

  • 41Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan.

  • 16markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.

  • 12Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga.

  • 34oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan.

  • 8Waayo, Axaab reerkiisa oo dhammu waa halligmayaa; oo Axaab waan ka baabbi'in doonaa wiil kasta ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.

  • 10Sidaas daraaddeed, bal ogow, shar baan ku soo dejin doonaa reer Yaaraabcaam, oo Yaaraabcaam waxaan ka baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan, oo reer Yaaraabcaam oo dhanna waan xaaqi doonaa ilaa uu wada baabbo'o sida digo dibadda loogu xaaqo.

  • 17Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.

  • 17Oo kii warka keenay waa jawaabay oo yidhi, Reer binu Israa'iil way ka carareen reer Falastiin, oo dad badan baa la laayay, oo labadaadii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana way dhinteen, oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay.

  • 25Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.