1 Samuu'eel 2:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

War maxaad u quudhsataan allabarigayga iyo qurbaankayga aan ku dhex amray rugtayda; oo maxaad wiilashaada iiga murwad badisaa, ee aad naftiinna ugu cayilisaan dadkayga reer binu Israa'iil qurbaannadooda oo dhan inta ugu wanaagsan?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 10:37 : 37 Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.
  • 1 Sam 2:13-17 : 13 Haddaba caadadii wadaaddadu dadka la lahaayeen waxay ahayd, in markii nin uun allabari bixiyo uu midiidinka wadaadku iman jiray, inta hilibka la karinayo, isagoo gacanta ku sita hilibqabato saddex farood leh, 14 oo wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen. 15 Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane. 16 Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa. 17 Oo raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.
  • Sharc 12:5-6 : 5 Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan. 6 Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.
  • Sharc 32:15 : 15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
  • Sharc 33:9 : 9 Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag, Oo walaalihiisna aan aqoonsan, Oo carruurtiisiina aan aqoon, Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen, Oo axdigaagiina way dhawreen.
  • Yash 18:1 : 1 ¶ Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.
  • Ish 56:11-12 : 11 Eeyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii. 12 Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.
  • Yex 13:19 : 19 Waxaad dadkaygii iigu dhex nijaasayseen cantoobooyin shaciir ah iyo dhawr xabbadood oo kibis ah daraaddood, si aad nafaha aan dhiman lahayn u dishaan, oo aad nafaha aan sii noolaan lahayn badbaadisaan, idinkoo dadkayga beenta dhegaysta been u sheegaya.
  • Yex 34:2 : 2 Wiilka Aadamow, adhijirrada reer binu Israa'iil wax ka sii sheeg. Wax ka sii sheeg, oo waxaad adhijirrada ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada reer binu Israa'iil oo iyagu isquudiya! Miyaanay adhijirrada ku habboonayn inay adhiga daajiyaan?
  • Hos 4:8 : 8 Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.
  • Miik 3:5 : 5 Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.
  • Mal 1:12-13 : 12 Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado. 13 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?
  • Mat 22:16 : 16 Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.
  • Luuk 14:26 : 26 Haddii qof ii yimaado oo aanu nicin aabbihiis iyo hooyadiis iyo afadiisa iyo carruurtiisa iyo walaalihiis, xataa naftiisana xer iima ahaan karo.
  • Room 16:18 : 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta.
  • 2 Kor 5:16 : 16 ¶ Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
  • Yac 3:17 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.
  • Laaw 19:15 : 15 Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 28Oo miyaan isaga ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu wadaad ii noqdo, iyo inuu ku allabaryo meeshayda allabariga, iyo inuu uunsi shido, iyo inuu hortayda eefod ku xidho? Oo miyaan reerkii aabbahaa siiyey qurbaannadii reer binu Israa'iil oo dhan ee dab lagu sameeyo?

  • 30Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.

  • Mal 1:6-8
    3 aayado
    76%

    6¶ Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay?

    7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.

    8Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markaad neef indha la' allabari u bixisaan, sow taasu shar ma aha? Sowse shar ma aha markaad neef curyaan ah iyo neef buka allabari u bixisaan? Haddaba bal taliyahaaga u gee. Miyuu kugu farxi doonaa? Miyuuse ku aqbali doonaa?

  • 23Adhigiinnii qurbaannadiinna la gubo iiguma aydaan keenin, oo allabaryadiinniina iguma aydaan sharfin. Anigu idinkuma aanan dhibin inaad qurbaanno ii bixisaan, oo idinkumana aanan daalin inaad foox ii shiddaan.

  • Ish 1:11-12
    2 aayado
    75%

    11Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona.

    12Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan?

  • 10Waxaan jeclaan lahaa inuu idinku dhex jiro mid albaabbada xidha, inaydaan meeshayda allabariga dab ugu shidin si aan waxtar lahayn! Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu idinkuma faraxsani, oo gacmihiinnana innaba qurbaan ka aqbali maayo.

  • Mal 1:12-14
    3 aayado
    74%

    12Idinkuse waad nijaasaysaan markaad tidhaahdaan, Miiskii Rabbigu waa nijaasaysan yahay, oo cuntadiisuna waa wax la quudhsado.

    13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?

    14Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 9Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

  • 13Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.

  • 22In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo.

  • 73%

    15Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.

    16Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.

    17Oo raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.

  • Yer 7:21-22
    2 aayado
    73%

    21¶ Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.

    22Waayo, waagii aan awowayaashiin dalka Masar ka soo bixiyey kalama hadlin, kumana amrin wax ku saabsan qurbaanno la gubo iyo allabaryo toona,

  • Yex 20:27-28
    2 aayado
    73%

    27¶ Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen.

    28Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen.

  • 11Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.

  • 29Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.

  • 8Waxyaalahaygii quduuska ahaa waad quudhsatay, oo sabtiyadaydiina nijaas baad ka dhigtay.

  • 2Reer binu Israa'iil amar, oo waxaad ku tidhaahdaa, Qurbaankayga oo ah cuntada qurbaannada dabka la iigu sameeyo oo carafta udgoon ii ah waa inaad dhawrtaan inaad wakhtigoodii bixisaan.

  • 25Bal reer binu Israa'iilow, allabaryo iyo qurbaanno miyaad cidladii iigu bixiseen afartankii sannadood?

  • 29¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.

  • Tir 18:8-9
    2 aayado
    72%

    8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Bal eeg, anna adigaan ku siiyey amarka qurbaannadayda sare loo qaado, kuwaas oo ah waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil oo dhan. Subkidda aawadeed ayaan adiga iyo wiilashaada u siiyey qayb joogto ah weligeed.

    9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

  • 13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.

  • 20Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.

  • 29Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan.

  • 40Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil oo dhan kulligoodba dalka dhexdiisa ayay iigu adeegi doonaan buurtayda quduuska ah taasoo ah buurta dheer ee dalka reer binu Israa'iil, oo halkaasaan iyaga ku aqbali doonaa. Oo halkaasaan qurbaannadiinna iyo inta ugu horraysa ee hadiyadihiinna, iyo waxyaalihiinna quduuska ah oo dhanba idinku weyddiisan doonaa.

  • 31Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan.

  • 22Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka.

  • 8Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.

  • 15Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.

  • 8Oo idinku ma aydaan dhawrin adeegiddii waxyaalahayga quduuska ah, laakiinse waxaad meeshayda quduuska ah dhigateen kuwo adeegidda idiin dhawra.

  • 16Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa, Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.

  • 10Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada, Reer binu Israa'iilna sharcigaaga. Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox, Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.

  • 6Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.

  • 6Qaybtaadu waxay dhex taallaa dhagaxyada siman oo dooxada dhex yaal, oo iyaga qudhoodu waa qaybtaada, waayo, iyagaad qurbaan cabniin ah u daadisay, oo iyagaad qurbaan u bixisay. Haddaba bal miyaan waxyaalahaas raalli ka noqon doonaa?

  • 9Haddaba sidaas daraaddeed waxaan dadka oo dhan hortiisa idinkaga dhigay wax la quudhsado oo hooseeya, maxaa yeelay, jidadkayga ma aydaan dhawrin, laakiinse dadka baad ugu kala eexateen sharciga.

  • 13Digtoonaada, oo qurbaannadiinna la gubo ha ku bixinina meel alla meeshii aad aragtaanba,

  • 17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

  • 8Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay.

  • 33Oo haddii la helo nin kaa ah ee aanan meeshayda allabariga ka gooyn, kaasu indhahaaguu gubi doonaa oo qalbigaaguu murugayn doonaa, oo dadkii reerkaaga ka dhashaana dhallinyaronimada ayay ku dhiman doonaan dhammaantood.

  • 23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;