Sabuurradii 99:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen, Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 25:22 : 22 Oo halkaasaan kugula kulmi doonaa, oo waxaan kaala hadli doonaa daboolka dushiisa, iyo labada keruub oo sanduuqa maragga dul saaran dhexdooda, oo waxaan kuu sheegi doonaa waxyaalaha aan ku siin doono oo dhan oo aan amar ahaan kuugu dhiibi doono reer binu Israa'iil.
  • Sab 80:1 : 1 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
  • Sab 97:1 : 1 Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
  • Sab 93:1 : 1 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
  • Ish 24:19-20 : 19 Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay. 20 Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.
  • Yer 4:24 : 24 Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.
  • Yer 5:22 : 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan.
  • Yer 49:21 : 21 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii dhiciddooda, oo qayladoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Badda Cas.
  • Yer 50:46 : 46 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.
  • Yex 10:1-9 : 1 ¶ Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay. 2 Markaasuu la hadlay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad kala dhex martaa giraangiraha iyo xataa keruubka hoostiisa, oo markaas labadaada gacmood ka soo buuxi dhuxulo dab ah oo aad keruubiimta dhexdooda ka soo cantoobiso, oo waxaad ku dul daadisaa magaalada. Oo isna wuu dhex maray anigoo indhaha ku haya. 3 Haddaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur. 4 Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga. 5 Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo. 6 Oo markuu amray ninkii dharka wanaagsanaa qabay oo uu ku yidhi, Giraangiraha dhexdooda iyo keruubiimta dhexdooda dab ka soo qaad, markaasuu dhex galay oo wuxuu istaagay giraangir dhinaceed. 7 Oo keruubkii wuxuu gacantiisii u fidiyey dabkii keruubiimta dhexdooda yiil, oo intuu wuxoogaa ka soo qaaday ayuu gacantii kii dharka wanaagsanaa qabay ku riday, oo isaguna intuu soo qaaday ayuu baxay. 8 Oo keruubiimtii waxaa ka muuqday wax nin gacantiis u eg oo baalashooda hoosta uga yaal. 9 Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale. 10 Oo afartooduba isku muuqashay lahaayeen, oo waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta. 11 Oo markay socdeenna waxay ku socdeen afartoodii dhinacba, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen, laakiinse meeshii madaxoodu u sii jeeday ayay u raaceen, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen. 12 Oo jidhkooda oo dhan, iyo dhabarkooda, iyo gacmahooda, iyo baalashooda, iyo giraangirihii afartooda la socdayba waxay ahaayeen indho miidhan oo hareerahooda ku wareegsan. 13 Oo giraangirihiina anigoo maqlaya ayaa lagu magacaabay giraangiraha warwareega. 14 Oo mid kastaaba wuxuu lahaa afar weji. Wejigii kowaad wuxuu ahaa weji keruub, oo wejigii labaadna wuxuu ahaa weji nin, oo kii saddexaadna wuxuu ahaa weji libaax, oo kii afraadna wuxuu ahaa weji gorgor. 15 Keruubiimtii kor bay isu qaadeen. Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay. 16 Keruubiimtu markay socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo markii keruubiimtu ay baalashooda kor u qaadeen inay dhulka kor isaga qaadaan aawadeed, isla giraangirahaasu dhinacoodii kama ay leexan. 17 Oo markay istaageen, kuwaasuna way istaageen, oo markay kor isu qaadeenna, kuwaasuna kor bay isu qaadeen, waayo, xayawaanka naftoodu iyagay ku jirtay. 18 Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa. 19 Oo keruubiimtiina baalashooday kor u qaadeen oo anigoo indhaha ku haya ayay dhulka kor isaga qaadeen, oo markay bexeen giraangirihiina way dhinac socdeen, oo waxay ag istaageen albaabkii iridda bari ee guriga Rabbiga, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ammaantiisiina iyagay ka korraysay. 20 Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan ku arkay Ilaaha reer binu Israa'iil hoostiisa iyagoo Webi Kebaar agtiisa jooga, oo waxaan iqiin inay keruubiim yihiin. 21 Midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg. 22 Oo wejiyadooduna waxay ahaayeen isla wejiyadii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo muuqashadooda iyo iyaga qudhooduba isku mid bay ahaayeen, oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu socday.
  • Luuk 19:12 : 12 Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.
  • Luuk 19:14 : 14 Laakiin dadkii magaaladiisa ayaa nacay, oo waxay ka daba direen ergo iyagoo leh, Dooni mayno ninkaas inuu boqor noo ahaado.
  • Luuk 19:27 : 27 Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.
  • Fil 2:12 : 12 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir,
  • Muj 6:14 : 14 Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.
  • Muj 11:17 : 17 Rabbiyow Ilaaha Qaadirkaa oo jira oo jirayow, mahad baannu kuu naqaynaa; maxaa yeelay, waxaad qaadatay xooggaagii weynaa, oo wax baad xukuntay.
  • Muj 20:11 : 11 ¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
  • Sab 96:10 : 10 Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
  • Sab 82:5 : 5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
  • Sab 2:6 : 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
  • Sab 2:11-12 : 11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya. 12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
  • Sab 18:10 : 10 Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
  • Sab 21:8-9 : 8 Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb. 9 Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
  • Sab 97:4 : 4 Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
  • Ish 19:14 : 14 Oo Rabbigu wuxuu ku dhex qasay wareer, oo iyana waxay Masar shuqulladeedii oo dhan ugu qaldeen sida nin sakhraanu mantaggiisa ugu dhacdhaco oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 97:1-2
    2 aayado
    83%

    1Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.

    2Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.

  • Sab 93:1-2
    2 aayado
    82%

    1Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

    2Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore, Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.

  • Sab 99:2-3
    2 aayado
    82%

    2Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.

    3Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.

  • Sab 96:9-11
    3 aayado
    79%

    9Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.

    10Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.

    11Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,

  • 77%

    30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

    31Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.

  • 19Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka, Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.

  • 8Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.

  • 10Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka, Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.

  • 2Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.

  • 5Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.

  • 16Rabbiyow, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iil, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.

  • 8Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.

  • 9Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

  • 11Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.

  • 16Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba, Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.

  • 7Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,

  • 9Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.

  • Sab 97:4-6
    3 aayado
    72%

    4Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.

    5Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale, Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.

    6Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.

  • 6Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.

  • 5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

  • 4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • Sab 113:4-5
    2 aayado
    71%

    4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

    5Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,

  • 7Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.

  • 3Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn, Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.

  • 1Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa, Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.

  • 7Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah, Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.

  • 13Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.

  • 7Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,

  • 10Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.

  • 9Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.

  • 18Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.

  • 15Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.

  • Sab 29:3-4
    2 aayado
    70%

    3Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.

    4Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay, Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.

  • 4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

  • 32Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa, Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.

  • 11Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.

  • 10Laakiinse Rabbigu waa Ilaaha runta ah. Isagu waa Ilaaha nool iyo boqorka weligiis ah. Cadhadiisa ayaa dhulku la gariiraa, oo quruumuhuna uma ay adkaysan karaan dhirifkiisa.

  • 2Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.

  • 1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

  • 25Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.