1 Taariikhdii 16:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 89:7 : 7 Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah, Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
  • Sab 144:3-6 : 3 Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga? 4 Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha. 5 Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan. 6 Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
  • Sab 66:3-5 : 3 Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan. 4 Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah) 5 Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
  • Sab 76:7 : 7 Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
  • Bax 15:11 : 11 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?
  • Ish 40:12-17 : 12 ¶ Bal yaa biyaha sacabkiisa godan ku qiyaasay, oo samada taako ku qiyaasay, oo ciidda dhulka miisaan ku qiyaasay, oo buuraha miisaammo saaray, oo kurahana kafado ku miisaamay? 13 Bal yaa Ruuxa Rabbiga la taliyey? Bal yaase intuu lataliyihiisii noqday isaga wax baray? 14 Bal yuu isagu la tashaday? Oo bal yaa tacliimiyey, oo dhabbaha caddaaladda baray? Oo yaa aqoon baray, oo jidka waxgarashada tusay? 15 Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale. 16 Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla. 17 Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn.
  • Yer 5:22 : 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan.
  • Yer 10:6-9 : 6 ¶ Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay. 7 Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro. 8 Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun. 9 Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis. 10 Laakiinse Rabbigu waa Ilaaha runta ah. Isagu waa Ilaaha nool iyo boqorka weligiis ah. Cadhadiisa ayaa dhulku la gariiraa, oo quruumuhuna uma ay adkaysan karaan dhirifkiisa.
  • Muj 15:3-4 : 3 Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run. 4 Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 96:3-6
    4 aayado
    94%

    3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

    4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

    5Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

    6Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.

  • 3Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn, Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.

  • 81%

    26Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

    27Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo farxaduna meeshiisay ku jiraan.

  • 5Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay, Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.

  • Sab 89:6-7
    2 aayado
    80%

    6Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa? Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,

    7Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah, Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.

  • 2Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.

  • 3Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.

  • 9Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.

  • Sab 113:4-5
    2 aayado
    78%

    4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

    5Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,

  • 24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • Sab 150:1-2
    2 aayado
    78%

    1Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

    2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

  • 11Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?

  • 8Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.

  • 77%

    29Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan u keena, oo hortiisa kaalaya, Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,

    30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

  • 9Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.

  • 17Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan.

  • Sab 99:2-3
    2 aayado
    76%

    2Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.

    3Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.

  • 6¶ Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay.

  • 22Haddaba, Rabbow Ilaahow, waad weyn tahay, waayo, mid kula mid ahu ma jiro, oo adiga mooyaane Ilaah kale ma jiro, siday ahaayeen kulli wixii aannu dhegahayaga ku maqalnay oo dhammu.

  • 11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.

  • 7Kuwa sanamyada la qoray u adeega Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen, Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.

  • 3Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga. Idinku weyneeya Ilaaheenna.

  • 13Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

  • 1Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

  • Sab 29:1-2
    2 aayado
    74%

    1Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.

    2Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.

  • 11Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.

  • 15Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,

  • 10Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

  • 21Isagu waa ammaantiinnii, oo isagu waa Ilaahiinnii idiin sameeyey waxyaalihii waaweynaa oo cabsida lahaa oo aad indhaha ku aragteen.

  • 11Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.

  • 11Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.

  • 2Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin, Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.

  • 1Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.

  • 5Oo guriga aan dhisayaana waa weyn yahay, maxaa yeelay, Ilaahayagu waa weyn yahay oo waa ka wada sarreeyaa ilaahyada oo dhan.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

  • 1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

  • 14Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.

  • 13Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.

  • Sab 86:9-10
    2 aayado
    72%

    9Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.

    10Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.