Sharciga Kunoqoshadiisa 32:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga. Idinku weyneeya Ilaaheenna.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 10:6 : 6 ¶ Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay.
  • Yer 23:6 : 6 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
  • Sab 105:1-5 : 1 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega. 2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla. 3 Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo. 4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona. 5 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
  • Yoox 17:26 : 26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
  • Ef 1:19 : 19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa
  • Sharc 3:24 : 24 Sayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?
  • Sharc 5:24 : 24 oo waxaad tidhaahdeen, Bal eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la hadlo oo uu isagu nool yahay.
  • 1 Taar 29:11 : 11 Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.
  • Sab 150:2 : 2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
  • Sab 29:1-2 : 1 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog. 2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
  • Sab 89:16-18 : 16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga, Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada. 17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa. 18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
  • 1 Taar 17:19 : 19 Rabbow, aniga daraadday, iyo qalbigaaga siduu yahay, ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad waxyaalahan waaweyn oo dhan wada muujiso.
  • Bax 3:13-16 : 13 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg, markii aan u tago reer binu Israa'iil, oo aan ku idhaahdo iyaga, Ilaahii awowayaashiin baa ii soo kiin diray, oo iyaga waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa? Haddaba maxaan ku odhan doonaa? 14 Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray. 15 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab. 16 Bal tag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda,
  • Bax 6:3 : 3 oo waxaan ugu muuqday Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, sidii Ilaaha Qaadirka ah, laakiinse magacayga ah RABBI iguma ay aqoonin.
  • Bax 20:24 : 24 ¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.
  • Bax 33:19 : 19 Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto.
  • Bax 34:5-7 : 5 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga. 6 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan, 7 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba.
  • Sab 145:1-9 : 1 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba. 2 Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba. 3 Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin. 4 Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn. 5 Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan. 6 Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada. 7 Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan. 8 Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay. 9 Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan. 10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
  • Mat 1:23 : 23 Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.
  • Yoox 17:6 : 6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 29:1-3
    3 aayado
    76%

    1Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.

    2Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.

    3Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.

  • 2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 4Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.

  • 25Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • 3Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.

  • 32Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

  • 6Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.

  • 4Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil, Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad, Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn, Isagu waa xaq, waana caaddil.

  • Sab 96:3-4
    2 aayado
    74%

    3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

    4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • 3Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.

  • 3Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.

  • 3Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn, Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.

  • Sab 113:1-3
    3 aayado
    73%

    1Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.

    2Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.

    3Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.

  • 28Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.

  • 1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

  • 5Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay, Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.

  • 2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

  • 21Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda, Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.

  • 17Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.

  • 22Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.

  • 2Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.

  • 1Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.

  • 8Anigu waxaan ahay Rabbiga, kaasuna waa magacayga, oo sharaftaydana mid kale ma siin doono, oo ammaantaydana sanamyo xardhan innaba ma siin doono.

  • 13Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

  • 10Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.

  • 3Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.

  • Sharc 32:1-2
    2 aayado
    72%

    1Samooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye, Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.

    2Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka, Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa, Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,

  • 50Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.

  • 7Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

  • 3Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 25Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.

  • 1¶ Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.

  • 1Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.

  • 1 Sam 2:2-3
    2 aayado
    71%

    2Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro, Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro, Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.

    3Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina; Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin; Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan, Falimahana isagaa miisaama.

  • 6¶ Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay.

  • 12Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.

  • 34Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.

  • 12Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.

  • 8Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

  • 7¶ Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.

  • 49Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.

  • 15Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.