Sharciga Kunoqoshadiisa 10:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isagu waa ammaantiinnii, oo isagu waa Ilaahiinnii idiin sameeyey waxyaalihii waaweynaa oo cabsida lahaa oo aad indhaha ku aragteen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 17:14 : 14 Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.
  • Sab 106:21-22 : 21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa, Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar, 22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam, Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
  • Bax 15:2 : 2 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.
  • 2 Sam 7:23 : 23 Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan, iyo inaad magac isu yeesho, oo aad waxyaalo waaweyn isu samayso, iyo inaad dalkaaga aawadiis waxyaalo cabsi leh ugu samayso dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar, iyo quruumaha iyo ilaahyadooda?
  • Sab 22:3 : 3 Laakiinse adigu quduus baad tahay, Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
  • Sharc 4:32-35 : 32 ¶ Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey, ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn. 33 War weligeed dad ma maqlay codkii Ilaah oo ka hadlaya dab dhexdiisa sidaad u maqasheen oo kale, oo ma sii noolaaday? 34 Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar? 35 Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro.
  • 1 Sam 12:24 : 24 Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.
  • Sab 109:1 : 1 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
  • Ish 12:2-6 : 2 Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda. 3 Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada. 4 Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay. 5 Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya. 6 Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.
  • Ish 60:19 : 19 Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa.
  • Ish 64:3 : 3 Markaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen.
  • Yer 32:20-21 : 20 Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay. 21 Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.
  • Luuk 2:32 : 32 Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
  • Muj 21:23 : 23 Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    18waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.

    19Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.

  • 20Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad u adeegtaan, waana inaad ku dhegtaan oo aad magiciisana ku dhaarataan.

  • 17Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan.

  • 7laakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu sameeyey oo dhan.

  • 22¶ Awowayaashiin markay Masar u dhaadhaceen waxay ahaayeen toddobaatan qof, haatanse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu tiradiinna ka dhigay sida xiddigaha samada oo kale.

  • 3oo idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 10Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan.

  • 77%

    30Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar,

    31iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.

  • 3kuwaas oo ahaa jirrabyadii waaweynaa oo indhihiinnu arkeen, iyo calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa,

  • 19iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi.

  • 21Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.

  • Yer 32:20-21
    2 aayado
    76%

    20Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay.

    21Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.

  • 75%

    34Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?

    35Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro.

  • 10Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.

  • 21Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan iyo inaad magac isugu yeesho waxyaalo waaweyn oo cabsi badan, markaad quruumaha ka eriday dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar?

  • 24Sayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?

  • 75%

    21Eraygaaga aawadiis iyo qalbigaagu siduu yahay ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad i ogeysiisid anoo addoonkaaga ah.

    22Haddaba, Rabbow Ilaahow, waad weyn tahay, waayo, mid kula mid ahu ma jiro, oo adiga mooyaane Ilaah kale ma jiro, siday ahaayeen kulli wixii aannu dhegahayaga ku maqalnay oo dhammu.

    23Bal quruuntee baa dunida joogta oo la mid ah dadkaaga reer binu Israa'iil, kuwaasoo adiga qudhaadu aad soo furatay inay dad kuu ahaadaan, iyo inaad magac isu yeesho, oo aad waxyaalo waaweyn isu samayso, iyo inaad dalkaaga aawadiis waxyaalo cabsi leh ugu samayso dadkaaga hortiisa, kuwaasoo aad ka soo furatay dalkii Masar, iyo quruumaha iyo ilaahyadooda?

  • 11Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?

  • 2Oo bal idinku maanta ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan,

  • 75%

    9Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan.

    10Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan.

  • 74%

    12inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

    13inuu maanta dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

  • 1¶ Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.

  • 14Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iska leh samada, iyo samada samooyinka, iyo dhulka, iyo waxa ku jira oo dhanba.

  • 36laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbigii dalkii Masar idinkaga soo bixiyey xoogga weyn iyo cudud fidsan, isagana u sujuuda oo allabari u bixiya;

  • 24Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.

  • 25Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • 73%

    21¶ Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa.

    22Haddaba ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan.

  • 39laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan.

  • 19Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa, Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey, Bal yaa kula mid ah?

  • 19Rabbow, aniga daraadday, iyo qalbigaaga siduu yahay, ayaad waxyaalahan waaweyn oo dhan u samaysay, inaad waxyaalahan waaweyn oo dhan wada muujiso.

  • 3Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.

  • 10Haddaba kuwanu waa addoommadaada iyo dadkaaga aad ku soo furtay xooggaagii iyo gacantaadii xoogga badnayd.

  • 8Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,

  • 9Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku barwaaqayn doonaa shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan iyo midhaha jidhkiinna iyo midhaha xoolahiinna, iyo midhaha dhulkiinnaba, waayo, Rabbigu mar kaluu ku farxi doonaa inuu wanaag idiin sameeyo siduu awowayaashiin ugu farxay oo kale,

  • 17waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.

  • 11Haddaba isjira oo jeclaada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 11Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga.

  • 31maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.

  • 19Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.

  • 13Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa oo magiciisa ku dhaarataa.