Ayuub 38:6
Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
4Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
7Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
8Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,
5Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.
2Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
12Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?
25Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
26Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada, Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
27Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
28Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
29Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
3Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
10Oo aasaaskuna wuxuu ahaa dhagxan qaali ah oo waaweyn, oo qaarna waxay ahaayeen toban dhudhun, qaarna waxay ahaayeen siddeed dhudhun.
22Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
19Rabbigu wuxuu dhulka ku aasaasay xigmadda, Oo samooyinkana wuxuu ku dhisay waxgarashada.
18Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?
1Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.
10Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,
11Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.
24Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,
33Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
6Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.
12Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
36Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?
10Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
16Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.
17Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.
20Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
16Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?
18Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka U xoogga badan sidii muraayad la shubay?
11Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh, Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
13Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo? Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?
11Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.
48Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay.
11Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka.
6Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.
20oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.
6Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.
11Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
11¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.