Ishacyaah 54:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 29:2 : 2 Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah.
  • Sab 34:19 : 19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
  • Sab 129:1-3 : 1 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen, 2 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan. 3 Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
  • Hees 5:14 : 14 Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.
  • Ish 14:32 : 32 Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magangeli doonaan.
  • Ish 28:16 : 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.
  • Ish 49:14 : 14 ¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.
  • Ish 51:17-19 : 17 ¶ Yeruusaalemay tii gacanta Rabbiga koobkii cadhadiisa ka cabtayay, toos oo toos, oo sara joogso. Waxaad cabtay koobka lagu dhacdhaco, waadna heensatay. 18 Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta. 19 Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?
  • Ish 51:21 : 21 Haddaba taada dhibaataysan oo ku sakhraantay wax aan khamri ahaynay, bal waxan maqal:
  • Ish 51:23-52:5 : 23 Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale. 1 ¶ Siyoonay, toos oo toos, oo xooggaaga xidho. Yeruusaalemay, magaalada quduuska ahay, dharkaaga quruxda badan xidho, waayo, hadda ka dib kuwa buuryoqab ah iyo kuwa nijaas ah toona kuma ay soo geli doonaan. 2 Yeruusaalemay, boodhka iska jaf oo ka kac, oo fadhiiso, magaalada Siyoon oo maxbuusad ahayday, iska fur waxa qoorta lagaaga xidhay. 3 ¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa. 4 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygii waa horay Masar ku dhaadheceen inay halkaas joogaan, oo kii reer Ashuurna sababla'aan buu u dulmay. 5 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaa halkan ii jira marka dadkayga waxaan waxba ahayn lagu kaxaystay? Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa iyaga u taliyaa way qayliyaan, oo magacaygana had iyo goor maalin kastaba waa la caayaa.
  • Ish 54:6 : 6 Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.
  • Ish 60:15 : 15 In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.
  • Yer 30:17 : 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.
  • Bar 1:1-2 : 1 Magaaladii dadku ka buuxay sidee bay keligeed u fadhiisataa! Sidee bay carmal oo kale u noqotay! Tii quruumaha dhexdooda ku weynayd, oo dalalka gobolladooda amiirad ku ahayd Sidee bay addoon u noqotay! 2 Habeenkii aad bay u ooydaa, oo ilmadeediina dhabannaday kaga taal. Kuwii jeclaa oo dhan iyadu kama haysato mid u qalbi qaboojiya. Saaxiibbadeedii oo dhammu way wada khiyaaneeyeen, Oo waxay noqdeen cadaawayaasheedii.
  • Bar 1:16-17 : 16 Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday. 17 Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.
  • Bar 1:21 : 21 Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.
  • Yex 1:26 : 26 Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg.
  • Yex 10:1 : 1 ¶ Markaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.
  • Yex 40:1-9 : 1 ¶ Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay. 2 Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen. 3 Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay. 4 Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg. 5 ¶ Oo bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa. 6 Oo wuxuu yimid iriddii xagga bari u sii jeedday, oo jaranjarradeeduu fuulay, oo wuxuu qiyaasay iridda marinkeedii, oo ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur, oo iridda kale marinkeediina ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur. 7 Oo qollad kastaba dhererkeedu wuxuu ahaa cawsduur, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa cawsduur, oo qolladahana waxaa u dhexeeyey shan dhudhun, oo marinka iridda oo balbalada iridda u dhowayd dhankiisa guduhu wuxuu ahaa cawsduur. 8 Haddana wuxuu qiyaasay iriddii balbaladeedii oo daarta u jeedday, waxayna ahayd cawsduur. 9 Oo haddana wuxuu qiyaasay balbaladii iridda, waxayna ahayd siddeed dhudhun, tiirarkeeduna waxay ahaayeen laba dhudhun, oo iridda balbaladeeduna daartay u jeedday. 10 Oo iridda xagga bari qolladeheedana waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo saddexdooduba isku qiyaas bay ahaayeen, oo tiirarkuna dhankan isku qiyaas bay ku lahaayeen oo dhanka kalena isku qiyaas bay ku lahaayeen. 11 Oo haddana wuxuu qiyaasay kadinkii iridda ballaadhkiisii, wuxuuna ahaa toban dhudhun, oo iridda dhererkeeduna wuxuu ahaa saddex iyo toban dhudhun. 12 Oo qolladaha darafkii ka horreeyey dhinaciisuna wuxuu ahaa dhudhun oo darafkii dhinaciisa kalena wuxuu ahaa dhudhun, oo qolladaha dhinacooduna wuxuu ahaa lix dhudhun oo dhinaca kalena wuxuu ahaa lix dhudhun. 13 Oo haddana iridda qollad saqafkeed ilaa qollad kale saqafkeed ayuu qiyaasay, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun albaab ilaa albaab. 14 Oo haddana wuxuu qiyaasay tiirarkii oo ahaa lixdan dhudhun, kuwaas oo gaadhay tiirkii barxaddii iridda ku wareegsanayd. 15 Oo kadinka iridda laga soo galo hortiisa iyo ilaa barxadda iridda hoose inta u dhaxaysaa waxay ahayd konton dhudhun. 16 Oo daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed. 17 ¶ Markaasuu barxaddii dibadda i geeyey, oo bal eeg, waxaa ku yiil qollado iyo dhul sallax ah oo barxadda ku wareegsan loo sameeyey. Soddon qolladood ayaa dhulka sallaxa ah ku tiil. 18 Oo dhulka sallaxa ah oo irdaha dhinacooda ku yiil oo irdaha ka soo hor jeeday wuxuu ahaa dhulka sallaxa ah oo hoose. 19 Markaasuu qiyaasay ballaadhkii iridda hoose horteeda iyo tan iyo barxadda hoose horteeda dibadda ah, xagga bari iyo xagga woqooyi, oo wuxuu ahaa boqol dhudhun. 20 ¶ Oo barxaddii dibadda iriddeedii xagga woqooyi u sii jeeddayna wuxuu qiyaasay dhererkeedii iyo ballaadhkeediiba. 21 Oo qolladaheeduna waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo tiirarkooda iyo meelahooda dedan waxay la qiyaas ahaayeen iridda kowaad. Dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun. 22 Oo daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen. 23 Oo barxadda hoose iriddeeduna waxay ka soo hor jeedday iriddii kale oo xagga woqooyi iyo xagga bari jirtay, oo irid ilaa iridda kale ayuu qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun. 24 ¶ Oo haddana wuxuu i geeyey xaggii koonfureed, oo bal eeg, waxaa ku tiil irid xagga koonfureed u sii jeedda, oo tiirarkeedii iyo meelaheedii dednaa wuxuu u qiyaasay sidii ay qiyaastaasu ahayd oo kale. 25 Oo iyada iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo waxay u ekaayeen daaqadahaas kale; dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun. 26 Oo waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan. 27 Oo barxadda hoosena waxaa ku dhex yiil irid xagga koonfureed u sii jeedday, oo irid ilaa iriddeeda kale ayuu xagga koonfureed u qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun. 28 ¶ Markaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay. 29 Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba sidaas oo kaluu u qiyaasay, oo iyada, iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun. 30 Oo meelaha dedan oo ku wareegsan dhererkoodu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan dhudhun. 31 Oo meelaheeda dedanu waxay u sii jeedeen xagga barxadda dibadda ah, oo tiirarkeedana waxaa ku xardhanaa geedo timireed, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo. 32 Oo haddana wuxuu i dhex geeyey barxaddii hoose oo xagga bari u sii jeedday, oo iriddiina wuxuu u qiyaasay sidii qiyaastaas oo kale. 33 Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba waxay wada lahaayeen qiyaastaas oo kale, oo iyada iyo meelaheedii dednaa oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun. 34 Oo meelaheeda dedanuna waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo tiirarkana waxaa ku xardhanaa geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba kaga yaal, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo. 35 Markaasuu iriddii woqooyi i geeyey, oo sidaas oo kaluu u qiyaasay 36 qolladaheeda, iyo tiirarkeeda, iyo meelaheeda dedan, oo waxay lahayd daaqado ku wareegsan, oo dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun. 37 Oo tiirarkeedu waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo geedo timireed ayaa tiirarkiisa dhinacan iyo dhinacaasba kaga xardhanaa, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo. 38 ¶ Oo waxaa jirtay qollad albaabkeedu ku ag yiil tiirarka irdaha, oo halkaasaa qurbaanka la gubo lagu maydhay. 39 Oo balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka. 40 Oo dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale. 41 Iridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay. 42 Oo waxaa jiray afar miis oo dhagax la qoray laga sameeyey oo allabariga la gubo lagu dul diyaariyo, oo dhererkoodu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, ballaadhkooduna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggooduna wuxuu ahaa dhudhun, oo korkoodana waxaa la saari jiray alaabta qurbaanka la gubo iyo allabariga lagu qalo.
  • Mat 8:24 : 24 Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.
  • Yoox 16:20-22 : 20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waad ooyi doontaan oo barooran doontaan, duniduse waa farxi doontaa. Waad murugoon doontaan, laakiin murugaddiinnu waxay u rogman doontaa farxad. 21 Naagtu goortay umulayso, way murugootaa, waayo, saacaddeedaa timid, laakiin markay ilmaha umusho, dhibtii dib uma xusuusato farxad aawadeed, waayo, nin baa dunida ku dhashay. 22 Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.
  • Yoox 16:33 : 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
  • Fal 14:22 : 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.
  • Fal 27:18-20 : 18 Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen. 19 Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida. 20 Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.
  • Ef 2:20 : 20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.
  • 1 But 2:4-6 : 4 kaas oo aad u imanaysaan, oo ah dhagax nool, oo dadku diiday, laakiin xagga Ilaah laga doortay oo qaali ah. 5 Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix. 6 Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.
  • Muj 11:3-9 : 3 Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba. 4 Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka. 5 Oo haddii nin damco inuu wax yeelo, dab baa afkooda ka soo bixi doona oo gubi doona cadaawayaashooda; oo haddii nin damco inuu wax yeelo, waa in saas loo dilo. 6 Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan. 7 ¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga. 8 Oo meydadkoodu waxay oolli doonaan jidka magaalada weyn oo xagga ruuxa laga yidhaahdo Sodom iyo Masar, halkaasoo Rabbigooda iskutallaabta lagu qodbay. 9 Oo saddex maalmood iyo badh ayaa waxaa meydadkooda daawan doona dad ka yimid dadadka iyo qabiilooyinka iyo afafka iyo quruumaha; oo umana ay oggolaan doonaan in meydadkooda qabri la geliyo. 10 Oo kuwa dhulka degganuna way ku farxi doonaan oo rayrayn doonaan, oo midkoodba midka kale wuxuu u diri doonaa hadiyado; maxaa yeelay, labadan nebi waxay saxariiriyeen kuwa dhulka deggan.
  • Muj 12:13-17 : 13 ¶ Oo masduulaagiina markuu arkay in hoos loogu tuuray xagga dhulka ayuu wuxuu silciyey naagtii ilmaha lab dhashay. 14 Oo waxaa naagtii la siiyey laba baal oo gorgor weyn si ay uga duusho maskii ilaa meesheedii cidlada ku tiil, halkaasoo iyada lagu quudiyo wakhti, iyo wakhtiyo, iyo wakhti badhkiis. 15 Oo maskiina wuxuu afkiisa ka tufay oo naagtii ka daba tuuray biyo ah sidii webi, si uu durdurku u qaado. 16 Markaasaa dhulku naagtii caawiyey, oo afka kala qaaday, oo wuxuu liqay webigii masduulaagu afkiisa ka soo tuuray. 17 Oo masduulaagii aad buu ugu sii cadhooday naagtii, oo wuxuu u soo kacay inuu la diriro farcankeedii kale oo hadhay oo amarrada Ilaah xajiyo oo Ciise u markhaati furo.
  • Muj 21:18-21 : 18 Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah. 19 Oo derbigii magaalada aasaaskiisiina waxaa lagu sharraxay dhagaxyo qaali ah oo cayn kasta ah. Aasaaskii kowaad wuxuu ahaa yasbid, kii labaadna wuxuu ahaa safayr, kii saddexaadna wuxuu ahaa khalkedoon, kii afraadna wuxuu ahaa sumurud, 20 kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos. 21 Oo laba iyo tobankii irdoodna waxay ahaayeen laba iyo toban luul, oo kii kastoo irdihii ka mid ahaaba wuxuu ahaa luul, oo magaaladii jidkeediina wuxuu ahaa dahab saafi ah oo u eg muraayad wax laga dhex arko.
  • Bax 2:23 : 23 ¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.
  • Bax 3:2 : 2 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn.
  • Bax 3:7 : 7 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda;
  • Bax 24:10 : 10 Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan.
  • Bax 28:17-20 : 17 Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya; 18 safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman; 19 safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos; 20 safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah.
  • Bax 39:10-14 : 10 Oo waxay ku dul dhejiyeen afar saf oo dhagaxyo ah; oo safka kowaad wuxuu ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya. 11 Safka labaadna wuxuu ahaa sumurud, iyo safayr, iyo dheemman. 12 Safka saddexaadna wuxuu ahaa yakintos, iyo agate, iyo ametustos. 13 Safka afraadna wuxuu ahaa berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waxaa lagu dhejiyey saldhigyo dahab ah oo meeshooda ku yaal. 14 Oo dhagaxyaduna waxay tiro le'ekaayeen magacyadii reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen laba iyo toban sidii magacyadoodii; oo laba iyo tobankii qabiil, mid kasta waxaa magiciisa loogu xardhay sidii xaradhkii shaabadda.
  • Sharc 31:17 : 17 Oo kolkaasaa cadhadaydu ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa, oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis sow masiibadanu inooguma soo degin?
  • 1 Boq 5:17 : 17 Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 54:12-13
    2 aayado
    86%

    12Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.

    13Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.

  • Ish 54:6-10
    5 aayado
    76%

    6Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.

    7Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.

    8Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.

    9Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin.

    10Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.

  • Ish 28:16-17
    2 aayado
    75%

    16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.

    17Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada.

  • 26Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.

  • Muj 21:19-20
    2 aayado
    74%

    19Oo derbigii magaalada aasaaskiisiina waxaa lagu sharraxay dhagaxyo qaali ah oo cayn kasta ah. Aasaaskii kowaad wuxuu ahaa yasbid, kii labaadna wuxuu ahaa safayr, kii saddexaadna wuxuu ahaa khalkedoon, kii afraadna wuxuu ahaa sumurud,

    20kii shanaadna wuxuu ahaa sardonug, kii lixaadna wuxuu ahaa sardiyos, kii toddobaadna wuxuu ahaa khirusolitos, kii siddeedaadna wuxuu ahaa berullos, kii sagaalaadna wuxuu ahaa tobasiyos, kii tobnaadna wuxuu ahaa khirusobrasos, kii koob iyo tobnaadna wuxuu ahaa yakintos, kii laba iyo tobnaadna wuxuu ahaa ametustos.

  • Ish 60:14-15
    2 aayado
    72%

    14Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

    15In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.

  • 16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 6Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.

  • 13Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.

  • 12Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.

  • 14¶ Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.

  • 14Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda, Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.

  • 6Qaybtaadu waxay dhex taallaa dhagaxyada siman oo dooxada dhex yaal, oo iyaga qudhoodu waa qaybtaada, waayo, iyagaad qurbaan cabniin ah u daadisay, oo iyagaad qurbaan u bixisay. Haddaba bal miyaan waxyaalahaas raalli ka noqon doonaa?

  • 10Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.

  • 17Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya;

  • 17Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.

  • 3Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.

  • 6Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.

  • 16Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin.

  • 10Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.

  • 10Oo aasaaskuna wuxuu ahaa dhagxan qaali ah oo waaweyn, oo qaarna waxay ahaayeen toban dhudhun, qaarna waxay ahaayeen siddeed dhudhun.

  • Yer 30:17-18
    2 aayado
    69%

    17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

    18Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.

  • 14Waxaanan kaa dhigi doonaa sida dhagax diiran oo kale, oo waxaad noqon doontaa meel shabagyada lagu dul wadho, oo mar dambena dib laguuma dhisi doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga Ilaaha ah ayaa saas ku hadlay.

  • 27Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u imtixaantid.

  • 4Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.

  • 13Magaalada Yeruusaalemay, maxaan kuu maragfuraa? Maxaanse kuu ekaysiiyaa? Magaalada Siyoonay, bal maxaan kaala mid dhigaa si aan kuugu qalbi qabowjiyo? Waayo, jabkaagu wuxuu u weyn yahay sida badda oo kale. Bal yaa ku bogsiin kara?

  • 19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

  • 1Dahabkii sidee buu u dhalaal beelay! Dahabkii ugu wada saafiyaysnaase sidee buu u beddelmay! Dhagxantii meesha quduuska ahna waxaa lagu daadshay rukunka jid kasta.

  • 20Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.

  • 3Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.

  • 13Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey.

  • 3iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.

  • Ish 51:22-23
    2 aayado
    68%

    22Sayidkaaga Rabbiga ah oo ah Ilaahaaga dacwada dadkiisa u muddaca wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan gacantaada ka bixiyey koobka lagu dhacdhaco, kaasoo ah koobka cadhadayda. Adigu mar dambe innaba ma aad cabbi doontid.

    23Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.

  • 17Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa.

  • 6Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah

  • 4Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.

  • 18Waayo, bal eeg, maanta waxaan kaa dhigay magaalo deyr leh, iyo tiir bir ah, iyo derbiyo naxaas ah, oo dalka oo dhan col ku ah, oo col ku ah boqorrada dalka Yahuudah, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo dadka dalka oo dhanba.

  • 4In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka Xumaanta, iyo dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.

  • 11Oo weliba wax baan kugu sharraxay, oo gacmahana jijimmo baan kuu geliyey, oo qoortana silsilad baan kuu sudhay.

  • 18Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.