Ishacyaah 60:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 49:23 : 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Muj 3:9 : 9 Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.
  • Ish 14:1-2 : 1 ¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub. 2 Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.
  • Cib 12:22 : 22 Laakiin idinku waxaad timaadeen Buur Siyoon iyo magaaladii Ilaaha nool oo ah Yeruusaalemtii jannada, oo waxaad u timaadeen guutooyin malaa'igo ah oo isu soo ururay,
  • Ish 45:14 : 14 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Hawsha Masar, iyo baayacmushtariga Itoobiya, iyo reer Saabaa'iim oo ah dad sarajoog dheer idinkay idiin soo gudbi doonaan, oo kuwiinnay ahaan doonaan. Iyagu way idin daba socon doonaan, oo waxay idiin soo gudbi doonaan iyagoo silsiladaysan, oo way idiin sujuudi doonaan, wayna idin baryi doonaan, iyagoo leh, Sida xaqiiqada ah Ilaah dhexdiinnu jiraa, oo mid kalena ma jiro, oo isaga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
  • Sab 87:3 : 3 Magaalada Ilaahay, Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah)
  • Ish 1:26 : 26 Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah.
  • Muj 3:12 : 12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.
  • Muj 14:1 : 1 ¶ Oo bal eeg, waxaan arkay Wankii oo ku dul taagan Buur Siyoon, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo afar iyo afartan kun oo qof, oo waxaa wejiga ugu qornaa isaga magiciisa iyo magaca aabbihiis.
  • Ish 62:12 : 12 Waxaa loogu yeedhi doonaa, Dadka quduuska ah iyo Kuwa Rabbigu soo furtay, oo waxaa lagugu magacaabi doonaa, Tii la doondoonay, iyo Magaalo aan la dayrin.
  • Yer 16:19 : 19 Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 60:15-16
    2 aayado
    84%

    15In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.

    16Oo waxaad nuugi doonta caanaha quruumaha, oo waxaad nuugi doontaa naasaha boqorrada, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.

  • 13Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan.

  • 12Waxaa loogu yeedhi doonaa, Dadka quduuska ah iyo Kuwa Rabbigu soo furtay, oo waxaa lagugu magacaabi doonaa, Tii la doondoonay, iyo Magaalo aan la dayrin.

  • Ish 60:9-11
    3 aayado
    76%

    9Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.

    10Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.

    11Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.

  • Ish 62:2-3
    2 aayado
    75%

    2Oo quruumuhu xaqnimadaaday arki doonaan, oo boqorrada oo dhammuna sharaftaaday arki doonaan, oo waxaa laguu bixin doonaa magac cusub oo Rabbiga afkiisu kugu magacaabi doono.

    3Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

  • Miik 4:10-11
    2 aayado
    74%

    10Magaalada Siyoonay, xanuunso, oo foolo aad dhashide sida naag foolanaysa, waayo, hadda ayaad magaalada ka bixi doontaa, oo waxaad degganaan doontaa duurka, oo xataa waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaas ayaa lagaa soo samatabbixin doonaa, oo halkaas ayaa Rabbigu kaaga soo furan doona gacanta cadaawayaashaada.

    11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • 23Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 23Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.

  • Ish 60:3-4
    2 aayado
    74%

    3Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.

    4Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa.

  • 15Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan, Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan, Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?

  • 32Haddaba bal maxaa loogu jawaabi doonaa wargeeyayaasha quruunta? Waxaa loogu jawaabi doonaa in Rabbigu Siyoon aasaasay oo kuwa dhibaataysan ee dadkiisuna ay dhexdeeda magangeli doonaan.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

  • Miik 4:7-8
    2 aayado
    73%

    7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

    8Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • 26Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah.

  • Ish 52:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Siyoonay, toos oo toos, oo xooggaaga xidho. Yeruusaalemay, magaalada quduuska ahay, dharkaaga quruxda badan xidho, waayo, hadda ka dib kuwa buuryoqab ah iyo kuwa nijaas ah toona kuma ay soo geli doonaan.

    2Yeruusaalemay, boodhka iska jaf oo ka kac, oo fadhiiso, magaalada Siyoon oo maxbuusad ahayday, iska fur waxa qoorta lagaaga xidhay.

  • 7¶ Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta.

  • 19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

  • 14Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda, Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.

  • 5Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.

  • 19¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.

  • 6Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.

  • 21Oo kanu waa erayguu Rabbigu isaga kaga hadlay: Gabadha bikradda ah oo Siyoon Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay; Gabadhii Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.

  • 7Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.

  • 22taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.

  • 16¶ Oo weliba Rabbigu wuxuu yidhi, Gabdhaha Siyoon waa kibirsan yihiin, oo waxay socdaan iyagoo madax taagan oo indhaha ku baaqaya, oo qaadaya tallaabooyin yaryar oo degdeg ah, dugaagadaha cagahana way ka shanqadhiyaan,

  • 14Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.

  • 21Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.

  • 10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

  • 13Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.

  • 21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

  • 5Bal eeg, waxaad u yeedhi doontaa quruun aadan aqoon, oo quruun aan ku aqoonna way kuu soo ordi doontaa, waana Rabbiga ah Ilaahaaga iyo kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, waayo, wuu ku sharfay.

  • 16Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • 17¶ Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.

  • 2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

  • 2Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • 2¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.

  • 10Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah.

  • 17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.