Sakaryaah 14:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Aam 1:1 : 1 ¶ Kuwanu waa erayadii Caamoos oo ka mid ahaa xoolojirkii reer Teqooca, iyo wixii uu arkay oo ku saabsanaa dalka Israa'iil wakhtigii uu Cusiyaah dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, iyo wakhtigii uu Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil boqorka ka ahaa, muddo laba sannadood ka horraysay dhulgariirkii.
  • Mat 16:27 : 27 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu ammaanta Aabbihiis kula iman doonaa malaa'igihiisa, markaasuu nin kasta ugu abaalgudi doonaa siduu falay.
  • Ish 29:6 : 6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.
  • Mat 25:31 : 31 ¶ Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa.
  • Ish 66:15-16 : 15 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis. 16 Waayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.
  • Yuud 1:14-15 : 14 ¶ Enoog oo ahaa farcankii toddobaad oo Aadan isna kuwanuu wax ka sii sheegay isagoo leh, Bal eega, Rabbigu wuxuu yimid isagoo wata quduusiintiisii aan tirada lahayn, 15 inuu xukun ku soo dejiyo kulli, iyo inuu kuwa aan cibaadada lahayn oo dhan ku caddeeyo shuqulladoodii cibaadola'aanta ahaa oo ay cibaadola'aanta ku sameeyeen, iyo waxyaalihii adkaa oo dhan oo ay dembilayaasha aan cibaadada lahaynu isaga ka sheegeen.
  • 1 Tes 3:13 : 13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.
  • Sab 96:13 : 13 Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
  • Sab 97:4-6 : 4 Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray. 5 Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale, Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan. 6 Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
  • Sab 98:9 : 9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.
  • Tir 16:34 : 34 Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.
  • Sharc 33:2 : 2 Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
  • Daan 7:9-9 : 9 Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya. 10 Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay. 11 Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo. 12 Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti. 13 Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay. 14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.
  • Daan 7:21-27 : 21 Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday; 22 ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada. 23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa. 24 Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa. 25 Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis. 26 Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta. 27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.
  • Yoel 3:11 : 11 Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
  • Mark 13:26-27 : 26 Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan. 27 Markaasuu wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa, oo kuwuu doortay ayuu ka soo ururin doonaa afarta jahood ee meesha dhulka ugu fog ilaa meesha cirka ugu fog.
  • Luuk 21:27 : 27 Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.
  • Ish 64:1-3 : 1 ¶ Maad samooyinka soo jeexdid, oo maad hoos u soo dhaadhacdid, si ay buuruhu hortaada uga gariiraan 2 sida dab xaabo uu u gubo oo uu biyahana u karkariyo, in magacaaga cadaawayaashaada la ogeysiiyo, iyo in quruumuhu ay hortaada ku gariiraan! 3 Markaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen.
  • Mat 24:3 : 3 ¶ Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa?
  • Mat 24:27-31 : 27 Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 28 Meel alla meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan. 29 ¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa. 30 Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn. 31 Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.
  • 2 Tes 1:7-9 : 7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa, 10 markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
  • 2 Tes 2:8 : 8 Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono.
  • Yac 5:8 : 8 Idinkuna dulqaata, qalbiyadiinnana xoogeeya, waayo, imaatinka Rabbigu wuu dhow yahay.
  • Muj 6:16-17 : 16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka, 17 waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?
  • Muj 11:13 : 13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.
  • Muj 16:18-21 : 18 Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan. 19 Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa. 20 Oo gasiirad kastaaba way carartay, buurihiina lama helin. 21 Oo waxaa samada ka soo daatay oo dadka ku soo dul daatay roob dhagaxyaale, oo dhagax kastaba miisaankiisu le'eg yahay talanti; markaasaa dadkii waxay Ilaah u caayeen belaayadii roob dhagaxyaalaha aawadeed, maxaa yeelay, belaayadiisu aad bay u weynayd.
  • Muj 20:4 : 4 ¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
  • Muj 20:11 : 11 ¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 14:3-4
    2 aayado
    85%

    3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.

    4Oo maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed.

  • Miik 1:3-4
    2 aayado
    75%

    3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

    4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

  • 6Oo waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona,

  • 14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 1¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay.

  • Ish 2:2-3
    2 aayado
    73%

    2¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.

    3Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • 1¶ Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.

  • Miik 4:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan.

    2Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • Coba 1:16-17
    2 aayado
    72%

    16Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.

    17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 12Wakhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale.

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

  • Ish 60:13-14
    2 aayado
    72%

    13Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan.

    14Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 16markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.

  • 13¶ Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.

  • 13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

  • 21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

  • Yoel 3:16-17
    2 aayado
    71%

    16Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.

    17¶ Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

  • 14Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.

  • 12Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan.

  • 10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

  • 14Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka.

  • 32Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.

  • 19Oo iyana way iman doonaan, oo kulligood waxay ku degi doonaan dooxooyinka cidlada, iyo godadka dhagaxyada, iyo geedaha qodxanta leh oo dhan, iyo meelaha daaqsinta ah oo dhan.

  • 16Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.

  • 3Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda

  • 20¶ Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso.

  • 21Markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen, kuwa gudaheeda ku jiraana ha ka baxeen, kuwa beeraha joogaana yaanay gelin.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 20oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa.

  • 14¶ Laakiin goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah oo taagan meeshii uusan lahayn inuu taagnaado (kii akhriyaa ha garto), markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen.

  • 11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.

  • 16Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka.

  • 6Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee.

  • 10¶ Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga.

  • Ish 66:14-15
    2 aayado
    70%

    14Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.

    15Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.

  • 32Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku barya uu samatabbixi doono, waayo, Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, iyo kuwa hadhay oo Rabbigu u yeedhayba waxaa jiri doona kuwo u baxsada sidii Rabbigu yidhi.

  • 9¶ Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega!

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

  • 1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.

  • 5Waayo, waa maalin ay naxdin iyo kutumasho iyo isku qasnaanu Sayidka ah Rabbiga ciidammada ka iman doonaan oo ay dooxada muujinta ku dhici doonaan, waana wakhti derbiyada la dumin doono oo buuraha lagu qaylin doono.