Sakaryaah 14:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 12:6 : 6 Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.
  • Yash 15:32 : 32 iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.
  • 1 Boq 15:22 : 22 Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah.
  • Yer 30:18 : 18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.
  • Yer 37:13 : 13 Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin.
  • Yer 38:7 : 7 Haddaba Cebedmeleg oo ahaa reer Itoobiya oo ahaa bohon guriga boqorka joogay, markuu maqlay inay Yeremyaah godkii ku dhex rideen, iyadoo boqorkii uu iridda Benyaamiin fadhiyo,
  • Nex 3:1 : 1 ¶ Markaasaa Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare ayaa la kacay wadaaddadii walaalihiis ahaa, oo waxay dhiseen Iriddii Idaha, oo intay quduus ka dhigeen ayay albaabbadeedii qotomiyeen, oo waxay quduus ka dhigeen tan iyo Munaaraddii Mee'aah iyo ilaa Munaaraddii Xananeel.
  • Xaak 20:45 : 45 Oo intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin.
  • Xaak 20:47 : 47 Laakiinse lix boqol oo nin ayaa jeesatay oo waxay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon oo waxay dhagaxii weynaa oo Rimmon joogeen afar bilood.
  • Sak 2:4 : 4 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.
  • Sak 4:6-7 : 6 Markaasuu jawaabay oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu u soo diray Serubaabel, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Itaal kuma aha, xoogna kuma aha, laakiinse waxay ku tahay ruuxayga. 7 Buurtan weynay, kumaad tahay? Serubaabel hortiisa waxaad ku noqon doontaa bannaan. Oo isna wuxuu soo bixin doonaa dhagaxa madaxa ah isagoo dhawaaqaya oo leh, Ammaan ha u ahaato, ammaan ha u ahaato.
  • Luuk 3:4-6 : 4 siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 5 Dooxo walba waa la buuxin doonaa, Qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, Wixii qalloocanna waa la toosin doonaa, Jidadka xunxunna waa la simi doonaa, 6 Uunka oo dhammuna badbaadinta Ilaah ayay arki doonaan.
  • Xaak 21:13 : 13 ¶ Markaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad.
  • Yash 21:17 : 17 Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii,
  • 1 Taar 4:32 : 32 Oo tuulooyinkoodiina waxay ahaayeen Ceetaam, iyo Cayn, iyo Rimmon, iyo Token, iyo Caashaan, oo waxay ahaayeen shan magaalo,
  • 1 Taar 6:77 : 77 Oo reer Laawi intoodii hadhay oo ahayd reer Meraarii waxaa qabiilka reer Sebulun laga siiyey Rimmoonoo iyo agagaarkeedii, iyo Taaboor iyo agagaarkeedii.
  • 2 Taar 25:23 : 23 Oo Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, kaasoo ahaa ina Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem u soo kaxeeyey ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.
  • Nex 12:39 : 39 iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.
  • Ish 2:2 : 2 ¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.
  • Ish 10:29 : 29 Way gudbeen meeshii laga gudbi jiray, oo waxay ku dhaxeen Gebac. Raamaah way gariirtay, Gibecaahdii Saa'uulna way carartay.
  • Ish 40:3-4 : 3 ¶ Waxaa yeedhaya mid qaylinaya codkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya. 4 Dooxo walba kor baa loo qaadi doonaa, oo qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, waxa qalloocanna waa la toosin doonaa, oo meelaha xunxunna waxaa laga dhigi doonaa bannaan siman,
  • Aam 9:11 : 11 ¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,
  • Yer 31:38-40 : 38 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka. 39 Oo xadhigga qiyaastuna wuxuu hore ugu sii gudbi doonaa tan iyo buurta Gaareeb oo ka sii horraysa, oo xagga Gocaahna wuu u jeedsan doonaa. 40 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.

  • Yer 31:38-40
    3 aayado
    78%

    38Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.

    39Oo xadhigga qiyaastuna wuxuu hore ugu sii gudbi doonaa tan iyo buurta Gaareeb oo ka sii horraysa, oo xagga Gocaahna wuu u jeedsan doonaa.

    40Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.

  • Sak 14:2-5
    4 aayado
    77%

    2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.

    3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.

    4Oo maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed.

    5Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.

  • Sak 14:8-9
    2 aayado
    75%

    8Oo waxay maalintaas noqon doontaa inay biyo noolu Yeruusaalem ka soo baxaan, oo badhkood wuxuu u qulquli doonaa xagga badda bari, oo badhkooda kalena wuxuu u qulquli doonaa xagga badda galbeed, oo waxay ahaan doontaa wakhtiga kulaylka iyo wakhtiga qabowga.

    9Oo Rabbigu boqor buu ka ahaan doonaa dunida oo dhan, oo maalintaas Rabbigu mid buu ahaan doonaa, oo magiciisuna mid buu ahaan doonaa.

  • Sak 12:2-3
    2 aayado
    73%

    2¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.

    3Oo waxay wakhtigaas ahaan doontaa inaan Yeruusaalem dhagax culaab badan uga dhigo dadyowga oo dhan, oo intii isku culaabaysa oo dhammuna aad bay u dhaawacmi doonaan, oo quruumaha dhulka oo dhammuna iyaday isu soo urursan doonaan inay la dagaallamaan.

  • 10¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

  • 2Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.

  • Ish 10:31-32
    2 aayado
    72%

    31Madmeenaah way carartay, oo dadkii Gebiim degganaana waxay isu soo urursadeen inay baxsadaan.

    32Maantadan wuxuu soo joogsan doonaa Nob, oo wuxuu gacantiisa ku ruxayaa buurta magaalada Siyoon oo ah kurta Yeruusaalem.

  • Yoel 3:17-18
    2 aayado
    72%

    17¶ Oo sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.

    18Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.

  • 12Wakhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale.

  • 25markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa.

  • Ish 24:12-13
    2 aayado
    72%

    12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.

    13Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.

  • 13Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 8oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa.

  • 4Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.

  • 20Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.

  • Sak 1:16-17
    2 aayado
    71%

    16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

    17Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.

  • 17Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.

  • 25Oo wakhtiga laynta weyn oo munaaraduhu soo wada dhici doonaan buur kasta oo dheer iyo kur kasta oo dheerba waxaa jiri doona webiyo iyo durdurro biya ah.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.

  • 34Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

  • Miik 4:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

    8Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.

  • 18Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.

  • 13Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.

  • Aam 9:13-14
    2 aayado
    70%

    13Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti kan beerta falaa uu soo gaadhi doono kan gooya, oo kan canabka ku tuntaana wuxuu soo gaadhi doonaa kan iniinaha beera, oo buurahana waxaa ka soo daadan doona khamri macaan, oo kuraha oo dhammuna way wada dhalaali doonaan.

    14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.

  • 13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

  • 23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • 6Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.

  • 30iyo Saanoo'ax, iyo Cadullaam, iyo tuulooyinkoodii, iyo Laakiish iyo beeraheedii, iyo Caseeqaah iyo magaalooyinkeedii. Sidaasay u degeen Bi'ir Shebac ilaa dooxadii Xinnom.

  • 14Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 39iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.

  • 10Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.

  • 10Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.