Yeremyaah 30:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xag 2:7-9 : 7 Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. 8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh. 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
  • Yer 30:3 : 3 Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sab 102:13 : 13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa, Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
  • Sak 1:16 : 16 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.
  • 1 Taar 29:19 : 19 Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.
  • Ish 44:26 : 26 kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa.
  • Ish 44:28 : 28 kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.
  • Yer 23:3 : 3 Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.
  • Sab 78:69 : 69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
  • Yer 46:27 : 27 Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba.
  • Yer 49:6 : 6 Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 49:39 : 39 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.
  • Yer 33:7 : 7 Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.
  • Yer 33:11 : 11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 12:6 : 6 Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.
  • Yer 31:40 : 40 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
  • Yer 31:4 : 4 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.
  • Yer 31:23 : 23 ¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.
  • Yer 31:38 : 38 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.
  • 1 Taar 29:1 : 1 ¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.
  • Cesr 6:3-9 : 3 Sannaddii kowaad oo Boqor Kuuros ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar ku saabsan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo wuxuu yidhi, Guriga ha la dhiso, kaasoo ah meeshii allabaryo lagu bixiyo, oo aasaaskiisana si adag ha loo dhigo, oo sarajooggiisu ha ahaado lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna lixdan dhudhun; 4 oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka. 5 Oo weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah. 6 Haddaba sidaas daraaddeed Tatenay, oo ah taliyaha dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiinna reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogow, idinku halkaas iskaga fogaada, 7 oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen. 8 Oo weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba. 9 Oo wax alla wixii ay u baahan yihiin oo ay wadaaddada Yeruusaalem jooga idin weyddiistaan oo ah dibi yaryar, iyo wanan, iyo baraar, oo ay Ilaaha samada qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, iyo sarreen, iyo cusbo, iyo khamri, iyo saliidba ha la siiyo maalin kasta, oo yaan laga baajin, 10 inay iyagu Ilaaha samada u bixiyaan allabaryo caraf udgoon, oo ay u duceeyaan boqorka naftiisa iyo tan wiilashiisaba. 11 Oo weliba waxaan kaloo amar ku bixiyey in ku alla kii eraygan beddela gurigiisa loox weyn laga bixiyo, oo inta la qotomiyo, isaga lagu deldelo, oo gurigiisana taas aawadeed ha laga dhigo taallo digo ah, 12 oo Ilaahii magiciisa halkaas dejiyey ha afgembiyo boqorradii iyo dadkii gacantooda u soo fidiya inay amarkaas beddelaan si ay u dumiyaan gurigaas Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. Anigoo Daariyus ah amar baan bixiyey, ee haddaba dadaal ha loo sameeyo. 13 ¶ Wixii Boqor Daariyus u soo diray aawadiis ayay Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadoodba dadaal ku wada sameeyeen. 14 Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris. 15 Oo gurigaas dhismihiisii waxaa la dhammeeyey sannaddii lixaad oo dowladnimadii Boqor Daariyus bishii Adaar maalinteedii saddexaad.
  • Nex 3:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare ayaa la kacay wadaaddadii walaalihiis ahaa, oo waxay dhiseen Iriddii Idaha, oo intay quduus ka dhigeen ayay albaabbadeedii qotomiyeen, oo waxay quduus ka dhigeen tan iyo Munaaraddii Mee'aah iyo ilaa Munaaraddii Xananeel. 2 Oo intii isaga ku xigtayna waxaa dhisay dadkii Yerixoo, oo intii iyaga ku xigtayna waxaa dhisay Sakuur ina Imrii. 3 Iriddii Kalluunkana waxaa dhisay reer Hasenaa'aah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii. 4 Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah, oo ahaa reer Xaqoos. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah oo ahaa ina Mesheysabeel. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Bacanaa. 5 Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, laakiinse kuwoodii gobta ahaa waxba kama qaban shuqulkii sayidkooda. 6 Iriddii Gabowdayna waxaa cusboonaysiiyey Yooyaadaac oo ahaa ina Faasee'ax iyo Meshullaam oo ahaa ina Besoodyaah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii. 7 Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Melatyaah oo ahaa reer Gibecoon, iyo Yaadoon oo ahaa reer Meeronotii, iyo dadkii reer Gibecoon, iyo kuwii reer Misfaah, oo ku hoos jiray carshiga taliyaha webiga ka shisheeya. 8 Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Cusii'eel oo ahaa ina Xarhayaah oo ka mid ahaa dahabtumayaashii. Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah oo ka mid ahaa dawosameeyayaashii, oo waxay Yeruusaalem adkeeyeen tan iyo derbiga ballaadhan. 9 Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Refaayaah oo ahaa ina Xuur oo ahaa taliyihii degmada Yeruu saalem badhkiis. 10 Oo meeshii iyaga ku xigtay oo ka soo hor jeedday gurigiisa waxaa cusboonaysiiyey Yedacyaah oo ahaa ina Xaruumaf. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa dhisay Xatuush oo ahaa ina Xashabneyaah. 11 Malkiiyaah ina Xaarim iyo Xashuub ina Faxad Moo'aabna waxay cusboonaysiiyeen meel kale iyo Munaaraddii Foornooyinka. 12 Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shalluum ina Hallooxeesh oo ahaa taliyihii dhistariga Yeruusaalem badhkiis, isagii iyo gabdhihiisii. 13 Iriddii Dooxadana waxaa cusboonaysiiyey Xaanuun iyo dadkii Saanoo'ax degganaa. Iyagu way dhiseen, oo waxay qotomiyeen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo waxay dhiseen kun dhudhun oo derbigii ah tan iyo Iriddii Digada. 14 Iriddii Digadana waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah ina Reekaab oo ahaa taliyihii degmada Beyd Hakerem; wuu dhisay, wuuna qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii. 15 Iriddii Isha biyaha ahna waxaa cusboonaysiiyey Shalluun ina Kaalxoseh oo ahaa taliyihii degmada Misfaah, wuu dhisay oo deday, oo wuxuu qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo derbigii Warta Shelax oo beerta boqorka u dhowaana wuu dhisay, oo wuxuu gaadhsiiyey tan iyo jaranjarada hoos uga degata magaalada Daa'uud. 16 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Nexemyaah ina Casbuuq oo ahaa taliyihii degmada Beytsuur badhkiis, oo isagu wuxuu dhisay tan iyo meesha ka soo hor jeedda xabaalihii Daa'uud, iyo tan iyo balligii la sameeyey, iyo tan iyo gurigii ragga xoogga badan. 17 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Laawi oo Rexuum ina Baanii ka mid ahaa. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xashabyaah oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis oo degmadiisa aawadiis ayuu u dhisay. 18 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey walaalahood oo uu ka mid ahaa Baway ina Xeenaadaad oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis. 19 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Ceser ina Yeeshuuca oo ahaa taliyihii Misfaah, taas oo ahayd meel ka soo hor jeedda meesha loo fuulo maqsinka hubka oo ku ag yiil meeshuu derbigu ka leexdo. 20 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa dadaal ku cusboonaysiiyey Baaruug ina Sabbay, tan iyo leexashada derbiga iyo ilaa albaabkii guriga Eliyaashiib oo ahaa wadaadka sare. 21 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah oo ahaa reer Xaqoos, tan iyo guriga Eliyaashiib albaabkiisa iyo ilaa guriga Eliyaashiib dabadiisa. 22 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii ahaa dadkii Bannaanka. 23 Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Benyaamiin iyo Xashuub taas oo ahayd meel guryahooda ka soo hor jeedday. Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Casaryaah ina Macaseeyaah oo ahaa reer Cananyaah, taas oo ahayd gurigiisa dhinaciisa. 24 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Binnuwii ina Xeenaadaad, taas oo ka bilaabmaysay gurigii Casaryaah ilaa meeshuu derbigu ka leexdo iyo tan iyo derbiga geeskiisii. 25 Faalaal ina Uusayna wuxuu cusboonaysiiyey meel leexashadii derbiga ka soo hor jeedday iyo munaaraddii ka taagnayd gurigii boqorka oo sare ee u dhowaa barxaddii waardiyayaasha, oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Fedaayaah ina Farcosh. 26 (Haddaba reer Netiiniim waxay degganaayeen Cofel iyo tan iyo meel ka soo hor jeedday Iridda Biyaha oo xagga bari, iyo ilaa munaaraddii kor u taagnayd.) 27 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, taasoo ka soo hor jeedday munaaraddii weynayd oo kor u taagnayd, iyo tan iyo derbigii Cofel. 28 Iriddii Faraska korkeedana waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii, oo mid waluba wuxuu sameeyey meeshii gurigiisa ka soo hor jeedday. 29 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Immeer, taasoo ahayd meel gurigiisa ka soo hor jeedday. Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shemacyaah ina Shekaanyaah oo ahaa kii dhawri jiray Iridda Bari. 30 Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah ina Shelemyaah iyo Xaanuun oo ahaa Saalaaf wiilkiisii lixaad. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah, taasoo ahayd meel qolkiisii ka soo hor jeedday. 31 Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah oo ahaa dahabtumayaasha midkood oo wuxuu dhisay tan iyo gurigii reer Netiiniim iyo baayacmushtariyada oo ka soo hor jeedday Iridda Mifqaad iyo ilaa meeshii geeska laga fuulo. 32 Oo meeshii geeska laga fuulo iyo Iriddii Idaha intii u dhaxaysayna waxaa cusboonaysiiyey dahabtumayaashii iyo baayacmushtariyadii.
  • Nex 7:4 : 4 ¶ Haddaba magaaladu way ballaadhnayd, wayna weynayd, laakiinse dadku way ku yaraayeen, oo guryihiina ma ay dhisnayn.
  • Yex 7:20-22 : 20 Quruxdii sharraxaaddiisa kibir bay u beddeleen, oo waxay ka sameeyeen sanamyada waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo la nacay, sidaas daraaddeed waxaan iyaga uga dhigay sida wasakh oo kale. 21 Oo booli ahaan ayaan shisheeyayaal gacanta ugu gelin doonaa oo sida wax la soo dhacay oo kalena ayaan sharrowyada dunida u siin doonaa, oo iyaguna way nijaasayn doonaan. 22 Oo weliba wejigaygana iyagaan ka sii jeedin doonaa, oo iyana meeshayda qarsoon bay nijaasayn doonaan, oo kuwa wax dhaca ayaa gudaheeda geli doona oo nijaasayn doona.
  • Sak 14:10 : 10 ¶ Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga.
  • Yer 29:14 : 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.
  • Sab 85:1 : 1 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

  • Yer 33:6-7
    2 aayado
    80%

    6Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.

    7Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.

  • 23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • Sak 1:16-17
    2 aayado
    80%

    16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

    17Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.

  • 25¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.

  • 15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • Saf 3:19-20
    2 aayado
    77%

    19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

    20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

  • 38Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.

  • 14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.

  • 6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.

  • 26kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.

  • 6Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • 4Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.

  • 2Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.

  • 37Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.

  • Yer 28:3-4
    2 aayado
    74%

    3Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.

    4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.

  • 10Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.

  • 10Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey.

  • 12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.

  • 11¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,

  • 16Waxyaalahaas dabadeed waan soo noqon doonaa, Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay; Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa jajabkiisa, Waanan taagi doonaa;

  • 7Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.

  • 3markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.

  • 25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

  • 28Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in sidaan iyaga ugu dhawray inaan rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan afgembiyo, oo aan baabbi'iyo, oo aan wada dhibo, sidaas oo kale ayaan iyaga ugu dhawri doonaa inaan dhiso, oo aan beero.

  • 12Waanan idiin naxariisan doonaa si uu isagu idiinku naxariisto, oo uu dalkiinnii idiinku soo celiyo.

  • 19¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa.

  • 33Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.

  • 20Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.

  • 1¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

  • 10Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 35Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.

  • 26markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • 4Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.