Yeremyaah 30:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 16:15 : 15 laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii woqooyi iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan. Oo aniguna waxaan iyaga mar kale ku soo celin doonaa dalkoodii aan awowayaashood siiyey.
  • Yer 29:14 : 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.
  • Yer 32:44 : 44 Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 30:18 : 18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.
  • Yex 20:42 : 42 Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan idin dhex keeno dalka reer binu Israa'iil, kaasoo ah dalkii aan gacanta ugu qaaday awowayaashiin oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siinayo.
  • Sab 53:6 : 6 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
  • Yer 33:26 : 26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
  • Yex 36:24 : 24 Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.
  • Saf 3:20 : 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 31:23 : 23 ¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.
  • Yer 23:7-8 : 7 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey. 8 Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.
  • Yer 27:11 : 11 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.
  • Yer 27:22 : 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.
  • Yer 23:5 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
  • Sharc 30:3 : 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.
  • Cesr 3:1 : 1 ¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.
  • Cesr 3:8 : 8 ¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.
  • Cesr 3:12 : 12 Oo wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen,
  • Yer 31:27 : 27 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba ku dhex beeri doono abuur dad iyo duunyoba.
  • Yer 31:31 : 31 ¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,
  • Yer 31:38 : 38 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.
  • Yer 32:37 : 37 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.
  • Yer 33:7-9 : 7 Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale. 8 Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa. 9 Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan. 10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa 11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 33:14-15 : 14 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay. 15 Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
  • Yer 30:10 : 10 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.
  • Luuk 17:22 : 22 ¶ Markaasuu xertii ku yidhi, Maalmuhu waa iman doonaan goortaad dooni doontaan inaad aragtaan maalmaha Wiilka Aadanaha middood, mana arki doontaan.
  • Luuk 19:43 : 43 Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan.
  • Luuk 21:6 : 6 Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.
  • Cib 8:8 : 8 Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;
  • Yex 37:21-25 : 21 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa. 22 Oo iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan. 23 Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa. 24 Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan. 25 Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.
  • Yex 39:25-28 : 25 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa. 26 Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin, 27 markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan. 28 Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.
  • Yex 47:14 : 14 Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.
  • Yoel 3:1 : 1 ¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,
  • Aam 9:14-15 : 14 Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan. 15 Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.
  • Coba 1:19-20 : 19 Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad. 20 Oo ciidankan dadka Israa'iil ee maxaabiista ahu waxay hantiyi doonaan dalka reer Kancaan tan iyo Sarefta, oo Yeruusaalem maxaabiisteeda Sefaaraad joogtaana waxay hantiyi doonaan magaalooyinka koonfureed.
  • Yex 28:25-26 : 25 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan. 26 Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoel 3:1-2
    2 aayado
    85%

    1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

    2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

  • Saf 3:19-20
    2 aayado
    83%

    19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

    20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 7Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.

  • 18Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.

  • 4¶ Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.

  • 18Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.

  • 14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.

  • 15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.

  • Aam 9:14-15
    2 aayado
    79%

    14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.

    15Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.

  • 15laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii woqooyi iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan. Oo aniguna waxaan iyaga mar kale ku soo celin doonaa dalkoodii aan awowayaashood siiyey.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • 23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • 11Dadka Yahuudahow, markaan dadkayga maxaabiisnimada ka soo celiyo, beergoosasho laydiin amray baa idiin taal.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa.

  • 37Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.

  • 25¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.

  • 3markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.

  • 39Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.

  • Yer 28:3-4
    2 aayado
    77%

    3Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.

    4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.

  • 6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.

  • 21Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.

  • 2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • 44Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 31¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,

  • 4Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan.

  • 4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • 15Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weliba mar dambe dalkan waxaa laga iibsan doonaa guryo iyo beero canab ah.

  • Yer 24:6-7
    2 aayado
    75%

    6Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.

    7Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.

  • Yer 31:7-8
    2 aayado
    75%

    7Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.

    8Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.

  • 25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

  • 8Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.

  • Yex 39:27-28
    2 aayado
    75%

    27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.

    28Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan.

  • 12Waanan idiin naxariisan doonaa si uu isagu idiinku naxariisto, oo uu dalkiinnii idiinku soo celiyo.

  • 7Haddaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna,

  • 17Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.

  • 6Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 3Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.

  • 10¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.

  • 17Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaystaadana rajaa kuu jirta, oo carruurtaaduna mar kalay waddankooda ku soo noqon doonaan.

  • 7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.