Yeremyaah 31:10
¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.
¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idahayga raadin doona oo doondooni doona.
12Sida adhijir adhigiisa u doondoono maalintii uu dhex joogo idihiisa kala firidhsan, sidaas oo kalaan idahayga u doondooni doonaa, oo waxaan ka soo samatabbixin doonaa meelihii ay maalintii cadarka iyo gudcurka ahayd ku kala firdheen oo dhan.
13Oo iyagaan dadyowga ka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadaan ka soo wada ururin doonaa, oo dalkoodaan keeni doonaa, oo waxaan daajin doonaa buuraha reer binu Israa'iil, iyo webiyaasha dhinacooda, iyo dalka meelihiisa la deggan yahay, oo dhan.
12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.
16¶ Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
17Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada idihii daaqsintayda baabbi'iya oo kala firdhiya!
2Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.
3Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.
4Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.
12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.
5Oo wax kala firdheen, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo waxay cunto u noqdeen dugaaggii duurka oo dhan markay kala firidhsanaayeen.
6Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta.
7Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla,
8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, idahaygii waxay noqdeen wax la dhaco, oo idahaygii waxay cunto u noqdeen dugaagga duurka oo dhan, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo adhijirradayduna ma ay doondoonin, laakiinse adhijirradii way isquudiyeen, adhigaygana ma ay daajin.
9Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla.
21Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.
7Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.
8Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.
9Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii.
25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.
8Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen.
9Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.
10Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono.
19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.
1¶ Dadka Israa'iilow, bal maqla erayga Rabbigu idinkula hadlayo.
8Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.
11Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.
3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
16Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.
34oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay.
17Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.
16Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.
16Kii baadiyoobay baan raadin doonaa, oo kii baxsadayna waan soo celin doonaa, kii jabayna waan kabi doonaa, oo kii bukayna waan xoogayn doonaa, laakiinse ka buuran iyo ka xoogga leh waan wada baabbi'in doonaa, oo caddaalad baan ku daajin doonaa.
1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan.
14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.
21Waayo, adhijirradii way wada doqonoobeen, oo Rabbigana waxba ma ay weyddiin. Oo sidaas daraaddeed ma ay liibaanin, oo adhyahooda oo dhammuna way kala firidhsan yihiin.
14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.
14¶ Dadkaaga oo ah adhigii dhaxalkaaga oo kaynta Karmel ku dhex taal keli ahaantood deggan ushaada ku daaji. Iyagu ha daaqeen Baashaan iyo Gilecaad sidii waagii hore.
6¶ Dadkaygu wuxuu ahaan jiray sidii ido baadiyoobay, oo adhijirradoodii ayaa ka dhigay inay ambadaan. Waxay u celiyeen oo ku sii daayeen xagga buuraha, oo intay buur ilaa kur uga sii bexeen ayay xeradoodii illoobeen.
4¶ Reer Yacquub iyo qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhammow, bal maqla erayga Rabbiga:
3markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.
17¶ Tan la weerarayay, alaabtaada dalka ka soo ururso.
17Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
20¶ Indhihiinna kor u qaada, oo bal waxaad fiirisaan kuwa woqooyi ka soo socda, bal meeh adhigii lagu siiyey oo ah xayntaadii quruxda badnayd?
31Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idahaygiiyow, idihii daaqsintaydow, waxaad tihiin binu-aadmi, oo aniguna waxaan ahay Ilaahiinna.
4¶ Rabbiga Ilaahayga ahu wuxuu yidhi, Daaji idaha la qalayo.
9Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto.