Yexesqeel 11:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 8:14 : 14 Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qoys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.
  • Sab 90:1 : 1 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
  • Sab 31:20 : 20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon, Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
  • Sab 44:11 : 11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
  • Laaw 26:44 : 44 Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah.
  • Sharc 30:3-4 : 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan. 4 Oo haddii masaafirradiinna qaarkoodu joogaan meesha samada ugu shishaysa, Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaasuu idinka soo ururin doonaa, oo halkaasuu idinka soo kaxayn doonaa,
  • 2 Boq 24:12-16 : 12 Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa. 13 Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi. 14 Oo haddana wuxuu kaxaystay reer Yeruusaalem oo dhan, iyo amiirradii oo dhan, iyo raggii xoog lahaa oo dhan, oo wada ahaa toban kun oo maxaabiis ah, iyo saanacyadii oo dhan, iyo tumaalladii, oo ninna ma hadhin dadkii dalka ugu liitay mooyaane. 15 Oo wuxuu Baabuloon u kaxaystay Yehooyaakiin; oo boqorka hooyadiis, iyo boqorka naagihiisii, iyo saraakiishiisii, iyo raggii dalka madaxda u ahaa maxaabiis ahaan ayuu Yeruusaalem uga kaxaystay oo Baabuloon la tegey. 16 Oo boqorkii Baabuloon maxaabiis ahaan ayuu Baabuloon u keenay raggii xoogga lahaa oo dhan oo tiradoodu ahayd toddoba kun, iyo saanacyadii iyo tumaalladii oo iyana kun ah, oo kulligood way wada xoog badnaayeen, oo dagaalyahan bay ahaayeen.
  • Sab 91:1 : 1 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
  • Sab 91:9-9 : 9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah. 10 Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto. 11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan. 12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin. 13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada. 14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin. 15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa. 16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
  • Maah 18:10 : 10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
  • Ish 4:5 : 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool.
  • Yer 24:5-6 : 5 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sida midhahaas berde oo wanaagsan ayaan wanaag aawadiis u aqoonsan doonaa maxaabiista dadka Yahuudah oo aan meeshan ka diray, oo aan dalka reer Kaldayiin u geeyey. 6 Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.
  • Yer 26:7 : 7 Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,
  • Yer 26:11 : 11 Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.
  • Yer 30:11 : 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
  • Yer 31:10 : 10 ¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.
  • Yer 42:11 : 11 Boqorka Baabuloon oo aad ka baqaysaan ha ka cabsanina. Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba isaga ha ka cabsanina, waayo, anigaa idinla jira inaan idin badbaadiyo oo aan gacantiisa idinka samatabbixiyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 11:17-18
    2 aayado
    85%

    17Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.

    18Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.

  • 25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

  • Yex 36:19-24
    6 aayado
    79%

    19Oo markaasaan iyagii quruumaha ku kala dhex firdhiyey, oo waddammaday ku kala firidhsanaayeen. Waxaan iyaga u xukumay siduu socodkoodu ahaa iyo siday falimahoodu ahaayeen.

    20Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.

    21Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba.

    22Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba.

    23Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.

    24Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.

  • Yex 12:14-17
    4 aayado
    79%

    14Oo kuwa hareerihiisa u jooga inay isaga caawiyaan oo dhanna waan u kala firdhin doonaa xagga dabaylaha oo dhan iyaga iyo guutooyinkiisa oo dhanba, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.

    15Oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku kala firdhin doono.

    16Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 39:25-29
    5 aayado
    77%

    25¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.

    26Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin,

    27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.

    28Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.

    29Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.

  • Yex 11:14-15
    2 aayado
    77%

    14¶ Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

    15Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.

  • 21Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.

  • 8Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.

  • 23Oo weliba gacantaydaan kor ugu qaaday oo ugu dhaartay cidlada dhexdeedii inaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku dhex firdhin doono,

  • 10¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.

  • 15Oo quruumahaan kugu dhex eryi doonaa, oo waddammadaan kugu dhex firdhin doonaa, wasakhdaadana dhexdaada waan ka baabbi'in doonaa.

  • Yex 14:11-12
    2 aayado
    75%

    11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    12¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.

  • 33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.

  • Yex 34:11-13
    3 aayado
    75%

    11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, aniga, xataa aniga qudhayda ayaa idahayga raadin doona oo doondooni doona.

    12Sida adhijir adhigiisa u doondoono maalintii uu dhex joogo idihiisa kala firidhsan, sidaas oo kalaan idahayga u doondooni doonaa, oo waxaan ka soo samatabbixin doonaa meelihii ay maalintii cadarka iyo gudcurka ahayd ku kala firdheen oo dhan.

    13Oo iyagaan dadyowga ka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadaan ka soo wada ururin doonaa, oo dalkoodaan keeni doonaa, oo waxaan daajin doonaa buuraha reer binu Israa'iil, iyo webiyaasha dhinacooda, iyo dalka meelihiisa la deggan yahay, oo dhan.

  • 14laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.

  • 11Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 37Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.

  • 28Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan reer binu Israa'iil quduus ka dhigo, markii meeshayda quduuska ahu ay weligeedba dhexdooda ku sii taallo.

  • 41Oo sida caraf udgoon baan idiin aqbali doonaa markaan dadyowga idinka soo dhex bixiyo oo aan waddammadii aad ku kala dhex firidheen idinka soo ururiyo, oo dhexdiinnaan quduus ku ahaan doonaa quruumaha hortooda.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 5si aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen.

  • 9Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.

  • 34oo dadyowga waan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadii aad ku kala dhex firidheen waxaan idinkaga soo ururin doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay.

  • 12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.

  • 15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • 27Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan.

  • 30Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay markaas ogaan doonaan in anigoo Rabbiga Ilaahooda ah aan iyaga la jiro, iyo in iyagoo reer binu Israa'iil ah ay dadkaygii yihiin.

  • 37¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba reer binu Israa'iil waxaas bay i weyddiisan doonaan inaan iyaga u sameeyo, oo dad sidii adhi oo kale ah ayaan iyaga ku sii badin doonaa.

  • 9Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.

  • 3Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.

  • 11Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Anigu calaamad baan idiin ahay. Sidaan sameeyey oo kale ayaa iyaga lagu samayn doonaa. Iyagu masaafurisyo bay noqon doonaan oo maxaabiisnimay geli doonaan.

  • 8Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.