Sakaryaah 10:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 6:9 : 9 Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
  • 1 Boq 8:47-48 : 47 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 48 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,
  • Hos 2:23 : 23 Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.
  • Aam 9:9 : 9 Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto.
  • Miik 5:7 : 7 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin.
  • Fal 2:38-39 : 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah. 39 Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.
  • Fal 3:25-26 : 25 Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan. 26 Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.
  • Fal 8:1 : 1 ¶ Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.
  • Fal 8:4 : 4 ¶ Haddaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.
  • Fal 11:19-21 : 19 ¶ Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane. 20 Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise. 21 Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.
  • Fal 13:1-9 : 1 ¶ Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos. 2 Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay. 3 Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii. 4 ¶ Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus. 5 Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen. 6 Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise; 7 kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo. 8 Laakiin waxaa iyagii ka hor istaagay saaxirka Elumas (oo sidaas magiciisa loo fasiri jiray), oo wuxuu isku dayayay inuu taliyihii ka leexiyo iimaanka. 9 Laakiin Sawlos, oo ahaa Bawlos, kaasoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxsamay, ayaa aad u fiiriyey, 10 oo ku yidhi, Kaaga khiyaanada iyo xumaanta oo dhammu ka buuxsantay oo ah wiilka Ibliiska iyo cadowga xaqnimada oo dhan, miyaanad ka joogsanayn qalloocinta aad ku qalloocinaysid jidadka toosan oo Rabbiga? 11 Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga. 12 Kolkaasaa taliyihii, kolkuu arkay wixii dhacay, rumaystay, isagoo ka yaabsan Rabbiga waxbariddiisa. 13 ¶ Haddaba Bawlos iyo kuwii la socday ayaa ka dhoofay Bafos, oo waxay yimaadeen Berga oo Bamfuliya ku jirta; markaasaa Yooxanaa ka tegey iyagii oo Yeruusaalem ku noqday. 14 Laakiin iyagu kolkii ay ka tageen Berga waxay yimaadeen Antiyokh oo Bisidiya ku jirta; oo maalintii sabtidana sunagogga ayay galeen oo fadhiisteen. 15 Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha. 16 Markaasaa Bawlos istaagay isagoo gacan haadinaya, oo wuxuu yidhi. Nimanka reer binu Israa'iilow iyo kuwiinna Ilaah ka cabsadow, dhegaysta. 17 ¶ Ilaaha dadkan reer binu Israa'iil wuxuu doortay awowayaasheen, dadkana buu sarraysiiyey markay dhulka Masar degganaayeen, oo gacan taagan buuna kaga soo saaray iyagii. 18 Oo wakhti abbaaraha afartan sannadood ah ayuu dabiicaddoodii ugu dulqaatay cidlada. 19 Oo markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood; 20 waxyaalahaas dabadeedna wuxuu siiyey xaakinno ilaa nebi Samuu'eel. 21 Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah. 22 Kolkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan. 23 Ninkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise; 24 oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda. 25 Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo. 26 ¶ Walaalayaalow, idinkoo ah farcankii Ibraahim iyo kuwa idinku dhex jira oo Ilaah ka cabsadow, innaga ayaa laynoo soo diray ereyga badbaadintan. 27 Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii. 28 Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo. 29 Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen. 30 Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay, 31 oo maalmo badan waxaa isagii arkay kuwii kala yimid Galili ilaa Yeruusaalem kuwaasoo hadda ah markhaati furayaashiisii xagga dadka. 32 Oo waxaannu idin keenaynaa war wanaagsan oo ku saabsan ballankii awowayaasheen loo ballanqaaday, 33 oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay. 34 Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday. 35 Saas aawadeed wuxuu Sabuur kale ku yidhi, Kaaga quduuska ah uma oggolaan doontid inuu qudhmo. 36 Maxaa yeelay, Daa'uud markuu qarnigiisa ugu shaqeeyey talada Ilaah dabadeed ayuu dhintay, waana lala xabaalay awowayaashiis, wuuna qudhmay; 37 laakiin kii Ilaah sara kiciyey, ma uu qudhmin. 38 Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;
  • Fal 14:1-9 : 1 ¶ Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay. 2 Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii. 3 Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan. 4 Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii. 5 Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan, 6 ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan; 7 meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka. 8 ¶ Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon. 9 Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay, 10 wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday. 11 Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg. 12 Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday. 13 Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo. 14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya 15 oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, 16 kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan. 17 Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad. 18 Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga. 19 ¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay. 20 Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe. 21 ¶ Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,
  • Room 11:11-17 : 11 ¶ Haddaba waxaan leeyahay, Miyey turunturoodeen inay dhacaan? Maya, ma suurtowdo! Laakiin dhicitinkoodii aawadiis ayaa badbaadinu ugu timid quruumaha kale inay ka hinaasaan. 12 Haddaba haddii dhicitinkoodii yahay taajirnimadii dunida, liidnaantoodiina tahay taajirnimadii quruumaha kale, de buuxnaantooduna intee bay sii badin doontaa taajirnimadii? 13 ¶ Laakiin waxaan la hadlayaa kuwiinnan oo ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn. Haddaba anigoo ah rasuulkii dadka aan Yuhuudda ahayn, hawshayda waan derejeeyaa, 14 si aan uga hinaasiyo kuwa aan isku jidhka nahay oo aan qaarkood badbaadiyo. 15 Waayo, haddii xooriddoodu tahay maslaxadda dunida, aqbaliddoodii maxay noqon doontaa, soo noolaadka kuwii dhintay mooyaane? 16 Inta ugu horraysa oo cajiinku hadday quduus tahay, de cajiinkuna wuu yahay, haddii xididku quduus yahayna, de laamahuna way yihiin. 17 Laakiinse haddii laamihii qaarkood laga jebiyey, oo adigoo saytuundibadeed ah lagugu tallaalo meeshoodii, oo aad ka qayb gasho wanaagga xididka geedka saytuunka ah,
  • Room 11:24 : 24 Waayo, haddii adiga lagaa soo gooyay saytuun dibadeed oo si aburiddiisa ka gees ah laguugu tallaalay geed saytuun wanaagsan ah, intee baa in ka sii badan kuwan oo ah laamihii asliga ahaa loogu tallaali doonaa geedkoodii saytuunka ahaa?
  • Nex 1:9 : 9 laakiinse haddaad ii soo noqotaan oo aad amarradayda xajisaan oo aad yeeshaan, in kastoo kuwiinna la tuuray ay joogaan meesha samada ugu fog, halkaasaan ka soo ururin doonaa, oo waxaan keeni doonaa meeshii aan u doortay inaan ka dhigo in magacaygu joogo.
  • Est 8:17 : 17 Oo gobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaaday farxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaar badan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxay noqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacday cabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.
  • Ish 65:9 : 9 Waxaan reer Yacquub ka soo bixin doonaa farcan, oo Yahuudahna waxaan ka soo bixin doonaa mid buurahayga dhaxla, oo kuwayga aan doortay ayaa dhaxli doona, oo addoommadayda ayaa halkaas degi doona.
  • Ish 65:23 : 23 Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba.
  • Yer 31:27 : 27 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba ku dhex beeri doono abuur dad iyo duunyoba.
  • Yer 51:50 : 50 Kuwiinna seefta ka baxsadayow, taga, oo ha joogsanina. Rabbiga meel fog ka soo xusuusta, oo Yeruusaalemna maankiinna ha soo gasho.
  • Daan 3:1-6 : 1 ¶ Boqor Nebukadnesar wuxuu sameeyey ekaan dahab ah, oo jooggeedu lixdan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna lix dhudhun yahay, oo wuxuu qotomiyey bannaankii Duuraa oo ku yaal gobolka Baabuloon. 2 Markaasaa Boqor Nebukadnesar wuxuu cid u diray amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumay oo dhan, inay u yimaadaan furitaanka ekaanta uu Boqor Nebukadnesar qotomiyey. 3 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumi jiray oo dhammu u wada yimaadeen furitaankii ekaantii Boqor Nebukadnesar qotomiyey, oo waxay hor istaageen ekaantii uu Nebukadnesar qotomiyey. 4 Markaasaa naadiye aad u dhawaaqay, oo yidhi, Dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahow, waxaa laydinku amray, 5 in markii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo u sujuuddaan ekaanta dahabka ah oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey, 6 oo mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, isla saacaddiiba waxaa lagu dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa.
  • Sharc 30:1-4 : 1 ¶ Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan, 2 oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u soo noqotaan oo aad idinka iyo carruurtiinnuba qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku addeecdaan codkiisa iyo waxyaalahan aan maanta idinku amrayo oo dhan, 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan. 4 Oo haddii masaafirradiinna qaarkoodu joogaan meesha samada ugu shishaysa, Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaasuu idinka soo ururin doonaa, oo halkaasuu idinka soo kaxayn doonaa,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen.

  • 10Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono.

  • Aam 9:14-15
    2 aayado
    78%

    14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.

    15Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.

  • Yer 31:8-10
    3 aayado
    76%

    8Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.

    9Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii.

    10¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.

  • 9Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa.

  • 15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • 21Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.

  • 3Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.

  • 13Oo iyagaan dadyowga ka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadaan ka soo wada ururin doonaa, oo dalkoodaan keeni doonaa, oo waxaan daajin doonaa buuraha reer binu Israa'iil, iyo webiyaasha dhinacooda, iyo dalka meelihiisa la deggan yahay, oo dhan.

  • 20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 9Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.

  • 16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.

  • 3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 26Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin, Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool.

  • Yer 24:6-7
    2 aayado
    74%

    6Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.

    7Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.

  • 23Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.

  • Hos 1:10-11
    2 aayado
    74%

    10¶ Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool.

    11Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.

  • 27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.

  • Yer 32:37-38
    2 aayado
    73%

    37Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.

    38Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa.

  • 9Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto.

  • 12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.

  • 10Markaan damco ayaan iyaga edbin doonaa, oo dadyowga ayaa isugu soo wada ururi doona iyaga, markii loo xidho labadoodii xadgudub aawadood.

  • 17Ilaahay waa xoori doonaa, maxaa yeelay, codkiisii ma ay dhegaysan, oo waxay quruumaha dhexdooda ku ahaan doonaan kuwa warwareega.

  • Yex 11:16-17
    2 aayado
    73%

    16¶ Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.

    17Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.

  • 25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

  • 6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • 19Oo markaasaan iyagii quruumaha ku kala dhex firdhiyey, oo waddammaday ku kala firidhsanaayeen. Waxaan iyaga u xukumay siduu socodkoodu ahaa iyo siday falimahoodu ahaayeen.

  • 1¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.

  • Nex 1:8-9
    2 aayado
    72%

    8Waan ku baryayaaye, bal xusuuso eraygii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa, oo aad ku tidhi, Haddaad xadgudubtaan, waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga,

    9laakiinse haddaad ii soo noqotaan oo aad amarradayda xajisaan oo aad yeeshaan, in kastoo kuwiinna la tuuray ay joogaan meesha samada ugu fog, halkaasaan ka soo ururin doonaa, oo waxaan keeni doonaa meeshii aan u doortay inaan ka dhigo in magacaygu joogo.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.

  • 19Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan.

  • 9Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa, inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore,

  • 10Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore,

  • 19Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.

  • 41Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.

  • 9Waxaan reer Yacquub ka soo bixin doonaa farcan, oo Yahuudahna waxaan ka soo bixin doonaa mid buurahayga dhaxla, oo kuwayga aan doortay ayaa dhaxli doona, oo addoommadayda ayaa halkaas degi doona.

  • 19Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.

  • 12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.

  • 11Dadka Yahuudahow, markaan dadkayga maxaabiisnimada ka soo celiyo, beergoosasho laydiin amray baa idiin taal.

  • 2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

  • 33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.