4Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magiciisa waxaad u bixisaa Yesreceel, waayo, in yar dabadeed waxaan dhiiggii Yesreceel ka aar gudi doonaa reerka Yeehuu, oo boqortooyada dadka Israa'iilna waan joojin doonaa.
5Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.
6Oo haddana mar kalay uuraysatay oo gabadh bay dhashay. Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waxaad magaceeda u bixisaa Lo-Ruxaamaah, waayo, anigu mar dambe dadka Israa'iil u naxariisan maayo, oo sinaba u saamixi maayo.
7Laakiinse waxaan u naxariisan doonaa dadka Yahuudah, oo waxaan iyaga ku badbaadin doonaa Rabbiga Ilaahooda ah, oo kuma badbaadin doono qaanso, ama seef, ama dagaal, ama fardo iyo fardooley toona.