Sakaryaah 13:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 48:10 : 10 Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.
  • Sab 50:15 : 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
  • Yer 29:11-12 : 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan garanayaa fikirrada aan idiinku fikiro, waana fikirro nabadeed, oo ma aha kuwa masiibeed, si aan ugudambaystiinna rajo idiin siiyo. 12 Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa.
  • 1 But 1:6-7 : 6 Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah. 7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
  • Mal 3:2-3 : 2 Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha. 3 Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
  • Ish 65:23-24 : 23 Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba. 24 Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa.
  • Sak 10:6 : 6 Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.
  • Sab 34:15-19 : 15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda. 16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo. 17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan. 18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa. 19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
  • 1 But 4:12 : 12 ¶ Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.
  • Yer 30:22 : 22 Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
  • Sab 66:10-12 : 10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo. 11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn. 12 Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
  • Sharc 26:17-19 : 17 Oo maanta waxaad Rabbiga u ballanqaaddeen inuu isagu Ilaah idiin yahay, iyo inaad jidkiisa ku soconaysaan, oo aad qaynuunnadiisa iyo amarradiisa iyo xukummadiisa xajinaysaan, oo aad codkiisa dhegaysanaysaan. 18 Oo Rabbiguna wuxuu maanta idiin ballanqaaday inaad ahaanaysaan dad hanti isaga u ah siduu idiin ballanqaaday, iyo inaad xajinaysaan amarradiisa oo dhan, 19 iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi.
  • Sab 144:15 : 15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay, Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
  • Yer 31:33 : 33 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
  • Ish 58:9 : 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah,
  • Ish 43:2 : 2 Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono.
  • Muj 21:3-4 : 3 Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood; 4 oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen.
  • Muj 21:7 : 7 Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil.
  • Mat 22:29-32 : 29 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah. 30 Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira. 31 Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi, 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.
  • Fal 2:21 : 21 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono.
  • Room 10:12-14 : 12 Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga. 13 Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa. 14 Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? Oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? Oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin?
  • 1 Kor 3:11-13 : 11 Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix. 12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal, 13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.
  • Cib 8:10 : 10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
  • Yac 1:12 : 12 ¶ Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.
  • Hos 2:21-23 : 21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaan jawaabo, ayaa Rabbigu leeyahay. Waxaan u jawaabi doonaa samooyinka, oo iyana waxay u jawaabi doonaan dhulka. 22 Oo dhulkuna wuxuu u jawaabi doonaa hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, oo iyaguna waxay u jawaabi doonaan Yesreceel. 23 Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.
  • Yoel 2:32 : 32 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku barya uu samatabbixi doono, waayo, Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, iyo kuwa hadhay oo Rabbigu u yeedhayba waxaa jiri doona kuwo u baxsada sidii Rabbigu yidhi.
  • Sak 8:8 : 8 Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.
  • Sak 12:10 : 10 ¶ Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.
  • Yex 11:20 : 20 si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
  • Maah 17:3 : 3 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.
  • Sab 91:15 : 15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
  • Ayuub 23:10 : 10 Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro, Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.
  • Laaw 26:44-45 : 44 Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah. 45 Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
  • Laaw 26:12 : 12 Oo dhexdiinnaan ku socon doonaa, oo Ilaahiinnaan ahaan doonaa, oo idinkuna dadkaygaad ahaan doontaan.
  • Ish 44:1-6 : 1 ¶ Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla. 2 Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina. 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. 4 Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal. 5 Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil. 6 ¶ Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.
  • Yer 32:38 : 38 Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa.
  • Yex 36:28 : 28 Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
  • Yex 37:27 : 27 Oo taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.

  • 7Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?

  • 17Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega.

  • Sak 8:7-8
    2 aayado
    73%

    7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

    8Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

  • 10Bal eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.

  • 38Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa.

  • Saf 3:8-9
    2 aayado
    72%

    8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

    9¶ Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.

  • 7Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.

  • 30Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay markaas ogaan doonaan in anigoo Rabbiga Ilaahooda ah aan iyaga la jiro, iyo in iyagoo reer binu Israa'iil ah ay dadkaygii yihiin.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan.

  • 23Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.

  • Yex 22:19-22
    4 aayado
    72%

    19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku soo ururin doonaa Yeruusaalem gudaheeda, maxaa yeelay, kulligiin wasakh baad noqoteen.

    20Sida lacag, iyo naxaas, iyo bir, iyo laxaamad, iyo qasacad loo soo ururiyo, oo foornada loogu dhex rido in dabka lagu afuufo si loo dhalaaliyo aawadeed, sidaas oo kalaan idinku soo wada ururin doonaa xanaaqayga iyo cadhadayda, oo halkaasaan idinku ridi doonaa oo aan idinku dhalaalin doonaa.

    21Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan.

    22Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.

  • 22Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.

  • 3Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.

  • 6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.

  • 12inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay.

  • Yoel 3:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

    2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

  • 11Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

  • Saf 3:19-20
    2 aayado
    71%

    19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

    20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 25Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa.

  • 9Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto.

  • 23Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.

  • 12Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan.

  • 3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Yex 5:12-13
    2 aayado
    70%

    12Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.

    13Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.

  • 7Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.

  • 27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.

  • 16Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.

  • 11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 26Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin, Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 27Oo taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

  • 9Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.

  • 23Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 7Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 4ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,

  • 20si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.

  • 7de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.

  • 27Oo markaas waxaad ogaan doontaan inaan dadka Israa'iil dhex joogo, iyo inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan ilaah kale jirin, oo dadkayguna innaba ma ay ceeboobi doonaan.

  • 13Sayidka Rabbiga ah oo ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Maqla oo ku markhaati fura reerka Yacquub.