Hosheeca 14:4
Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.
Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah.
12Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay.
22Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.
8Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa.
9Anigu soo dayn maayo kulaylka cadhadayda, oo u soo noqon maayo inaan reer Efrayim baabbi'iyo, waayo, waxaan ahay Ilaah, oo qof aadmi ah ma ihi. Anigu dhexdiinna waxaan ku ahay Kan Quduuska ah, oo magaalada cadho la geli maayo.
17Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.
18Jidadkiisii waan arkay, laakiinse isagaan bogsiin doonaa, oo weliba waan soo hoggaamin doonaa, oo isaga iyo kuwa u barooranayaba waan qalbiqaboojin doonaa.
14Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.
8Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.
5Waxaan dadka Israa'iil u noqon doonaa sida sayaxa oo kale, oo iyaguna waxay u ubxin doonaan sida ubaxa oo kale, oo waxay xididdada u mudan doonaan sida Lubnaan oo kale.
7Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.
8Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.
6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.
3Oo weliba reer Efrayim waan socod baray, oo gacmahaygaan ku xambaaray, laakiinse iyagu ma ay ogayn inaan bogsiiyey iyaga.
4Waxaan iyaga ku soo jiiday dad xadhkihiis iyo jacayl xidhmihiis, oo waxaan u ahaa sidii kuwa daamankooda harqoodka ka dejiya, oo waxaan hortooda dhigay cunto.
16Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.
9Magacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa.
7Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.
38Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
25¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.
15Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin.
18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.
3Reer Ashuur na badbaadin maayo, oo annagu fardo fuuli mayno, oo weliba sancada gacmahayagana mar dambe ku odhan mayno, Waxaad tihiin ilaahayo. Waayo, agoontu adigay naxariis kaa helaan.
5si aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen.
11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
3Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
4Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.
7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.
14Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.
15Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.
40Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.
41Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.
25Aniga qudhayda weeye kan xadgudubyadiinna tirtira, aawaday baan u tirtiraa, oo dembiyadiinnana sooma aan xusuusan doono.
1¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.
1¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.
42Sidaasaan cadhadayda xaggaaga ku dhammaystiri doonaa, oo masayrkayguna wuu kaa tegi doonaa, oo aniguna waan xasilli doonaa. Oo innaba mar dambe ma aan xanaaqi doono.
18Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay.
28markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa.
19Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.
6Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.
3Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.
8Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah.
19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.
22Sidii daruur qaro weyn ayaan xadgudubyadiinnii u tirtiray, oo sidii daruur oo kale ayaan dembiyadiinniina u tirtiray. Haddaba ii soo noqda, waayo, waan idin soo furtay.
14¶ Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.
15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.
12Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.