Ishacyaah 61:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 55:3 : 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Sab 11:7 : 7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
  • Bil 17:7 : 7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.
  • Yer 32:40 : 40 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.
  • Aam 5:21-24 : 21 Iidihiinna waan nebcahay, waanna quudhsadaa, oo shirarkiinnana kuma farxo. 22 In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo. 23 Iga fogeeya qaylada gabayadiinna, waayo, anigu dhegaysan maayo luuqda shareeradihiinna. 24 Laakiinse caddaaladdu sida biyo ha u qulqusho, oo xaqnimaduna sida webi fatahaya ha u yaacdo.
  • Sak 8:16-17 : 16 Idinku waxaad samaysaan waxyaalahan, ninkiin kastaaba deriskiisa run ha kula hadlo, oo waxaad irdihiinna ku naqdaan garsoorid run ah oo nabad keenta, 17 oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.
  • Mat 23:13 : 13 ¶ Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.
  • 2 Tes 3:5 : 5 Rabbigu qalbiyadiinna ha ku toosiyo jacaylka Ilaah iyo dulqaadashada Masiixa.
  • Cib 13:20-21 : 20 ¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah, 21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
  • 1 Sam 15:21-24 : 21 Laakiinse dadkii wax bay ka qaateen xoolihii la dhacay ee ahaa ido iyo dibi, iyo waxyaalihii khaaska ahaa ee la nidray inay Gilgaal allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah. 22 Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka. 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid. 24 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, amarkii Rabbiga, iyo erayadaadiiba waan ku xadgudbay, maxaa yeelay, dadkii baan ka cabsaday, codkoodiina waan addeecay.
  • 2 Sam 23:5 : 5 Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.
  • Yer 7:8-9 : 8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin. 9 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan, 10 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan? 11 Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
  • Yer 9:24 : 24 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.
  • Sab 25:8-9 : 8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka. 9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa. 10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya. 11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay. 12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
  • Sab 32:8 : 8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
  • Sab 33:5 : 5 Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
  • Sab 37:28 : 28 Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
  • Sab 45:7 : 7 Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
  • Sab 50:5 : 5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
  • Sab 99:4 : 4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
  • Maah 3:6 : 6 Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
  • Maah 8:20 : 20 Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
  • Ish 1:11-13 : 11 Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona. 12 Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan? 13 Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi.
  • Ish 5:16 : 16 laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 19Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 8Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.

  • Yer 32:40-42
    3 aayado
    73%

    40Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.

    41Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.

    42Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaan dadkan ugu soo dejiyey masiibadan weyn oo dhan ayaan wanaaggii aan u ballanqaaday oo dhan ugu soo dejin doonaa.

  • 17oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.

  • Mal 3:5-6
    2 aayado
    72%

    5Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

    6¶ Ilma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.

  • 72%

    44Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah.

    45Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 8Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

  • 8¶ Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

  • 6Bal eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaalmarin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda.

  • 7Meeshii ceebtiinna sharaf labanlaab ah baad ka heli doontaan, oo meeshii qasmiddana waxay ku rayrayn doonaan qaybtooda, sidaas daraaddeed iyagu dalkooda qayb labanlaab ah bay ku hantiyi doonaan, oo waxaa iyaga u ahaan doonta farxad weligeed ah.

  • 20Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.

  • 21Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan iyaga kala dhex bixi doonaa wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?

  • 7Rabbigu waa ku dhaartay islaweynaanta reerka Yacquub, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah anigu shuqulladooda midnaba ka illoobi maayo.

  • 21Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.

  • 26Oo weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa.

  • 28Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.

  • 6Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga.

  • 18Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 9Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.

  • 8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,

  • 17Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.

  • 8Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 33Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.

  • 29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 31¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,

  • 18Marka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaalmarin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.

  • 60Habase ahaatee axdigaygii aan yaraantaadii kula dhigtay waan soo xusuusan doonaa, oo weliba waxaan kula samaysan doonaa axdi weligiis ah.

  • 4Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.

  • Yex 5:8-9
    2 aayado
    70%

    8haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.

    9Oo waxaan dhexdaada ku samayn doonaa wax aanan hore u samayn, oo hadda ka dibna aanan samayn doonin wax la mid ah, waana waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan daraaddood.

  • 21Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 11Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 28Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.

  • 10Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.

  • 62Aniguna axdigaygaan kula adkaysan doonaa, oo adiguna waxaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay,

  • 10Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;

  • 7de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.

  • 8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.

  • 11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

  • 7¶ Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.

  • 32Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal.