Yeremyaah 34:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 15:10 : 10 Oo wuu u kaxeeyey kuwaas oo dhan, oo badhtankuu ka kala wada gooyay, oo badh kastaba kan kaluu hor dhigay: laakiinse shimbirrihii ma uu kala gooyn.
  • Hos 6:7 : 7 Laakiinse iyagu sidii Aadan oo kale ayay axdigii ku xadgudbeen, oo halkaasay khiyaano iigula macaamiloodeen.
  • Hos 8:1 : 1 ¶ Buunka afkaaga saar. Cadowgu sidii gorgor buu u imanayaa guriga Rabbiga, maxaa yeelay, dadku axdigaygay jebiyeen, oo sharcigaygiina way ku xadgudbeen.
  • Sharc 17:2 : 2 ¶ Oo magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar ku ah isagoo axdigiisa ka gudba,
  • Yash 7:11 : 11 Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.
  • Yash 23:16 : 16 Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
  • Sab 50:1 : 1 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
  • Bil 15:17-18 : 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii. 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 19kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,

  • Yer 11:10-11
    2 aayado
    78%

    10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

    11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 17Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.

  • 7Laakiinse iyagu sidii Aadan oo kale ayay axdigii ku xadgudbeen, oo halkaasay khiyaano iigula macaamiloodeen.

  • Yer 31:31-32
    2 aayado
    76%

    31¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,

    32oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Yer 11:2-3
    2 aayado
    76%

    2Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal.

    3Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan

  • Cib 8:8-9
    2 aayado
    76%

    8Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;

    9Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 18Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono.

  • 7waayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 15Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.

  • 14Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.

  • Sak 11:9-10
    2 aayado
    75%

    9Markaasaan idhi, Anigu idin daajin maayo. Kii dhimanayaa ha dhinto, kii halligmayaana ha halligmo, oo intii hadhana mid waluba kan kale hilibkiisa ha cuno.

    10Oo waxaan soo qaatay ushaydii aan Raallinimo u bixiyey, oo waan kala jebiyey, si aan u jebiyo axdigaygii aan dadyowga oo dhan la dhigtay.

  • 59Waayo, wuxuu Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, Waxaan kugu samayn doonaa sidaad samaysay oo kale, waayo, adigu dhaartii waad quudhsatay markaad axdigii jebisay.

  • 20Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • Yex 20:37-38
    2 aayado
    74%

    37Oo waxaan idin soo marin doonaa usha hoosteeda, oo axdigaan idinku xidhi doonaa.

    38Markaasaan idinka dhex sooci doonaa caasiyiinta iyo kuwa igu xadgudba. Waxaan iyaga ka soo bixin doonaa dalka ay qariib ahaanta u joogaan, laakiinse dalka reer binu Israa'iil sooma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 25Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 8oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

  • 15iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,

  • 10hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • 25Markaasaa dadku waxay odhan doonaan, Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar,

  • 12Markay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.

  • 13Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • 17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.

  • 41oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda,

  • 14Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.

  • 11Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 14Oo haddana waxaan kala jebiyey ushaydii kale oo aan Xidhiidh u bixiyey, inaan kala gooyo walaalnimadii dadka dalka Yahuudah iyo dadka dalka Israa'iil ka dhexaysay.

  • 29¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.

  • 9Oo waxaan dhexdaada ku samayn doonaa wax aanan hore u samayn, oo hadda ka dibna aanan samayn doonin wax la mid ah, waana waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan daraaddood.

  • 24Markaasaan ku idhi, Ku alla kii dahab haystaa, ha siibo. Kolkaasay i siiyeen, anna dabkaan ku tuuray, oo waxaa ka soo baxday weyshan.

  • 5Samaariyey, weyshaadii wuu diiday isagoo leh, Cadhadaydii aad bay ugu kululaatay iyaga. Ilaa goormayan karayn inay daahir noqdaan?

  • 13Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.

  • 18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.

  • 20Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.

  • 21Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda.

  • 7Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa.

  • 20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.