Bilowgii 17:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 4:24-26 : 24 Intay jidka sii socdeen meel bay ku habeen dhexeen, Rabbi baana ugu yimid, oo wuxuu damcay inuu dilo isaga. 25 Markaasaa Siforaah waxay qaadatay dhagax af leh, oo wiilkeedii buuryadiisii bay ku gooysay, oo waxay ku ag tuurtay cagihiisa oo tidhi, Hubaal waxaad ii tahay arooskii dhiigga. 26 Markaasuu iska daayay isagii. Kolkaasay tidhi, Waxaad ii tahay arooskii dhiigga gudniinta aawadeed.
  • Bax 12:15 : 15 Toddoba maalmood waxaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn; weliba maalinta kowaad waa inaad khamiirka ka saartaan guryihiinna; waayo, ku alla kii cuna kibis khamiir leh maalinta kowaad ilaa maalinta toddobaad, qofkaas waa laga gooyn doonaa reer binu Israa'iil.
  • Bax 12:19 : 19 Toddoba maalmood waa inaan guryihiinna khamiir laga helin; waayo, ku alla kii wax khamiir leh cuna, qofkaas waa laga gooyn doonaa shirka reer binu Israa'iil, hadduu yahay qariib iyo hadduu waddanka ku dhex dhashayba.
  • Bax 30:33 : 33 Oo ku alla kii taas oo kale sameeya, ama ku alla kii qof qalaad mariya, dadkiisa waa laga gooyn doonaa.
  • Bax 30:38 : 38 Oo ku alla kii kaas oo kale sameeya, inuu ku udgoonsado, kaas dadkiisa waa laga gooyn doonaa.
  • Laaw 7:20-21 : 20 Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa. 21 Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
  • Laaw 7:25 : 25 Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
  • Laaw 7:27 : 27 Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
  • Laaw 18:29 : 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.
  • Laaw 19:8 : 8 ku alla kii cunaase dembigiisuu qaadanayaa, maxaa yeelay, nijaas buu ka dhigay Rabbiga wixiisii quduuska ahaa, oo qofkaasna dadkiisa waa laga gooyn doonaa.
  • Tir 15:30-31 : 30 Laakiinse qofkii gacan kibir leh gaf ku sameeyaa hadduu waddani yahay iyo hadduu shisheeye yahayba kaasu wuxuu caayay Rabbiga, oo qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa. 31 Qofkaas dhammaantiis waa in laga gooyaa, oo dembigiisuna waa inuu korkiisa saarnaadaa, maxaa yeelay, isagu Rabbiga ereygiisuu quudhsaday, oo amarkiisiina wuu jebiyey.
  • Yash 5:2-9 : 2 ¶ Oo markaasuu Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waxaad samaysaa mindiyo dhagax adag ah, oo reer binu Israa'iil haddana ku gud mar labaad. 3 Markaasaa Yashuuca wuxuu samaystay mindiyo dhagax adag ah, oo wuxuu reer binu Israa'iil ku guday meel la yidhi Buurta Buuryada. 4 Oo Yashuuca sababtii uu u gudayna waxay ahayd sidan: dadkii dalkii Masar ka soo baxay oo dhammu, intii labka ahayd, xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammuba waxay ku dhinteen cidlada intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed. 5 Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin. 6 Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan. 7 Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin. 8 Oo markay quruuntii oo dhan wada gudeen, waxay iska joogeen meelahoodii ahaa xerada dhexdeeda ilaa ay ka bogsadeen. 9 Oo Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Maantaan idinka rogay ceebtii Masar, oo sidaas daraaddeed meeshaas ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa Gilgaal. 10 ¶ Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda. 11 Oo maalintii Iidda Kormaridda ka dambaysay waxay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay, kaas oo ahaa kibis aan khamiir lahayn, iyo hadhuudh la dubay, maalintaas qudheeda. 12 Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.
  • Sab 55:20 : 20 Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey.
  • Ish 24:5 : 5 Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.
  • Ish 33:8 : 8 Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo.
  • Yer 11:10 : 10 Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.
  • Yer 31:32 : 32 oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • 1 Kor 11:27 : 27 ¶ Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan.
  • 1 Kor 11:29 : 29 Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 17:9-13
    5 aayado
    83%

    9Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

    10Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa.

    11Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka.

    12Kii siddeed maalmood jira oo idinku dhex jira waa in la gudaa, mid kasta oo lab tan iyo qarniyadiinna oo dhan, ha ahaado kii gurigaaga ku dhasha ama kii lacag lagaga soo iibsado shisheeyaha oo aan farcankaaga ahayn.

    13Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara.

  • Bil 17:23-27
    5 aayado
    78%

    23Markaasaa Ibraahim wuxuu kaxaystay wiilkiisii Ismaaciil, iyo intii gurigiisa ku dhalatay oo dhan, iyo kuwii lacagtiisa lagu iibsaday oo dhan, kulli intii labayd oo ka midka ahayd dadkii guriga Ibraahim joogay, oo isla maalintaas ayuu ka guday buuryadoodii sidii Ilaah ku yidhi isaga.

    24Oo Ibraahim wuxuu jiray sagaal iyo sagaashan sannadood markii laga guday buuryadiisii.

    25Wiilkiisii Ismaaciilna wuxuu jiray saddex iyo toban sannadood markii buuryadiisii laga guday.

    26Oo isla maalintaas baa la guday Ibraahim iyo wiilkiisii Ismaaciil.

    27Oo raggii gurigiisa joogay oo dhan, kuwii gurigiisa ku dhashay, iyo kuwii lacagtiisii shisheeyaha lagaga iibsadayba waa lala guday isaga.

  • 3Oo maalinta siddeedaadna wiilka buuryadiisa ha la gudo.

  • 31Qofkaas dhammaantiis waa in laga gooyaa, oo dembigiisuna waa inuu korkiisa saarnaadaa, maxaa yeelay, isagu Rabbiga ereygiisuu quudhsaday, oo amarkiisiina wuu jebiyey.

  • 9Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shisheeyaha reer binu Israa'iil ku dhex jira oo ah shisheeye aan qalbiga ka gudnayn oo aan jidhka ka gudnayn toona waa inuusan meeshayda quduuska ah gelin.

  • 7waayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • Room 2:25-27
    3 aayado
    74%

    25Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.

    26Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin?

    27Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?

  • Laaw 17:9-10
    2 aayado
    74%

    9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

    10¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.

  • 74%

    18Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.

    19Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.

  • Laaw 7:20-21
    2 aayado
    73%

    20Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.

    21Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 18Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,

  • Yer 9:25-26
    2 aayado
    73%

    25Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan,

    26kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.

  • 1¶ Oo kii xiniinyaha ka tuman ama guska ka jaran waa inuusan shirka Rabbiga gelin.

  • 29Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

  • 48Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin.

  • 22Nimanku si uun bay inagu yeelayaan inay inala degganaadaan si aynu isku dad u noqonno, taasuna waa haddii inteenna lab oo dhan loo gudo sida ay iyagu u gudan yihiin.

  • 4isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,

  • 15Si uun baannu idinku yeeli karnaa; taasuna waa haddii aad intiinna ragga ah oo dhan iswada guddaan, oo aad noqotaan sidayada oo kale;

  • 20Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

  • 10Waxaad shisheeyayaal gacantooda ugu dhiman doontaa sida dhimashadii buuryaqabka, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.

  • 29Oo qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa.

  • 16Haddaba sida jidhka loo gudo isaga jara xumaanta qalbigiinna, oo mar dambe ha sii madax adkaanina.

  • 15Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.

  • 5Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin.

  • 8Oo wuxuu isaga siiyey axdiga gudniinta; haddaba Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, oo maalintii siddeedaad ayuu guday isaga; Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub; Yacquubna wuxuu dhalay laba-iyo-tobankii aynu ka soo farcannay.

  • 7Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin.

  • 12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.