Rooma 2:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 4:4 : 4 Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.
  • Yer 9:25-26 : 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan, 26 kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.
  • Fal 7:51 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.
  • Room 2:23 : 23 Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis?
  • Room 2:28-3:2 : 28 Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha; 29 laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah. 1 ¶ Haddaba maxay Yuhuuddu dadka kale dhaantaa? Ama gudniinta waxtarkeedu waa maxay? 2 Si walba wuu u badan yahay; marka hore waxaa Yuhuudda lagu ammaaneeyey hadallada Ilaah.
  • Room 4:11-12 : 11 oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga, 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.
  • Gal 5:3-6 : 3 Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo. 4 Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen. 5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada. 6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
  • Gal 6:15 : 15 Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.
  • Ef 2:11-12 : 11 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab. 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn.
  • Sharc 30:6 : 6 Oo markaas Rabbiga Ilaahiinna ahu sida jidhka loo gudo ayuu idinka jari doonaa xumaanta qalbigiinna iyo tan qalbiga farcankiinna inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeclaataan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan si aad u noolaataan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 2:26-29
    4 aayado
    88%

    26Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin?

    27Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?

    28Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha;

    29laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.

  • Gal 5:1-4
    4 aayado
    81%

    1¶ Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

    2¶ Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.

    3Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.

    4Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.

  • Room 2:23-24
    2 aayado
    78%

    23Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis?

    24Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran.

  • 76%

    18Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.

    19Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.

  • Gal 6:12-13
    2 aayado
    76%

    12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

    13Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.

  • 1¶ Haddaba maxay Yuhuuddu dadka kale dhaantaa? Ama gudniinta waxtarkeedu waa maxay?

  • Bil 17:13-14
    2 aayado
    74%

    13Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara.

    14Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.

  • Room 4:9-12
    4 aayado
    74%

    9¶ Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.

    10Sidee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa;

    11oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,

    12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.

  • 15Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.

  • 6Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.

  • 30hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka.

  • 11Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.

  • 11Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.

  • 11¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab.

  • Yoox 7:22-23
    2 aayado
    71%

    22Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.

    23Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey?

  • 25Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan,

  • Bil 17:10-11
    2 aayado
    70%

    10Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa.

    11Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka.

  • 10In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga.

  • Yac 2:9-11
    3 aayado
    69%

    9Laakiin haddaad dadka u kala eexataan waad dembaabtaan, oo sharcigu wuu idinku caddeeyey inaad tihiin kuwa xadgudbay.

    10Ku alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay.

    11Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.

  • Room 2:12-14
    3 aayado
    69%

    12In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa;

    13waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa.

    14Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci.

  • 17¶ Laakiin adigu haddaad isku sheegtid Yuhuudi, oo sharciga isku hallaysid, oo Ilaah ku faantid,

  • 3waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,

  • Room 4:14-15
    2 aayado
    69%

    14Waayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey,

    15maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.

  • 18Waayo, haddaan mar kale dhiso waxyaalihii aan dumiyey, waxaan isku caddaynayaa inaan ahay mid xad gudbay.

  • 12Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa.

  • 2Waayo, haddii Ibraahim shuqullo xaq ku noqday, wax uu ku faano buu leeyahay ee Ilaah hortiisa ma aha.

  • 16Haddaba sida jidhka loo gudo isaga jara xumaanta qalbigiinna, oo mar dambe ha sii madax adkaanina.

  • 13Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.

  • 10¶ Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan.

  • 7Laakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan,