Galatiya 5:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 25:31-40 : 31 ¶ Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. 32 Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. 33 Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. 34 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • 1 Tes 1:3 : 3 Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Yac 2:14-26 : 14 ¶ Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga? 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa? 17 Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd. 18 ¶ Laakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa. 19 Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan. 20 Doqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin? 21 Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey? 22 Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada. 23 Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah. 24 Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya. 25 Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay? 26 Sida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.
  • 1 Yoox 3:14-20 : 14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa. 15 Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. 16 Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga? 18 Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno. 19 ¶ Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa 20 xagga wax alla wixii qalbigeennu inagu eedeeyo, maxaa yeelay, Ilaah waa ka weyn yahay qalbigeenna, oo wax walbaba wuu og yahay.
  • 1 Yoox 4:18-21 : 18 Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka. 19 ¶ Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday. 20 Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag? 21 Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.
  • Gal 6:15 : 15 Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.
  • 1 Kor 7:19 : 19 Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.
  • 2 Kor 5:14 : 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
  • 1 But 1:8 : 8 Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.
  • Cib 11:8 : 8 Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.
  • Cib 11:17-19 : 17 ¶ Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha, 18 in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 19 Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.
  • Gal 3:28 : 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.
  • Gal 5:2-3 : 2 ¶ Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo. 3 Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.
  • Kol 3:11 : 11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.
  • Room 2:25-29 : 25 Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo. 26 Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin? 27 Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta? 28 Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha; 29 laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.
  • Room 3:29-31 : 29 Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena, 30 hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka. 31 De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Gal 6:12-15
    4 aayado
    84%

    12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

    13Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.

    14Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.

    15Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.

  • Gal 5:1-5
    5 aayado
    76%

    1¶ Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

    2¶ Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.

    3Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.

    4Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.

    5Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.

  • 16ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.

  • Room 2:25-29
    5 aayado
    75%

    25Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.

    26Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin?

    27Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?

    28Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha;

    29laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.

  • 74%

    18Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.

    19Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.

  • 30hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka.

  • 3waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,

  • Room 4:9-12
    4 aayado
    72%

    9¶ Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.

    10Sidee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa;

    11oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,

    12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.

  • Gal 3:5-6
    2 aayado
    72%

    5Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?

    6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 11Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.

  • 11Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.

  • 28Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.

  • 20Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.

  • 9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

  • 5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.

  • Gal 3:11-12
    2 aayado
    70%

    11Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

    12Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa.

  • 28Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.

  • 14¶ Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga?

  • 7Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin?

  • 22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

  • 11Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.

  • 10Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa; jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.

  • 13¶ Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.

  • 3Laakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo

  • 9oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey.

  • 17Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.

  • 26Sida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.

  • 6annagoo isku caddaynayna daahirnimo, iyo aqoon, iyo samir, iyo roonaan, iyo Ruuxa Quduuskaa, iyo jacayl aan labaweji lahayn,

  • 24Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya.

  • 11¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab.

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.

  • 22Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada.