Rooma 3:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Gal 3:8 : 8 Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.
  • Gal 3:20 : 20 Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya.
  • Gal 3:28 : 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.
  • Gal 5:6 : 6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
  • Gal 6:15 : 15 Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.
  • Fil 3:3 : 3 waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,
  • Kol 2:10-11 : 10 oo waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta. 11 Oo isaga xaggiisaa laydinkaga guday gudniin aan gacmo lagu samayn markii aad gudniinta Masiixa ku xoorteen jidhka aadmiga.
  • Room 3:28 : 28 Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.
  • Room 4:11-12 : 11 oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga, 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.
  • Room 10:12-13 : 12 Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga. 13 Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa.
  • Gal 2:14-16 : 14 Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda? 15 ¶ Innagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn, 16 ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 3:26-29
    4 aayado
    81%

    26waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.

    27Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka.

    28Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.

    29Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena,

  • Room 2:25-29
    5 aayado
    77%

    25Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.

    26Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin?

    27Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?

    28Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha;

    29laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.

  • Room 3:20-22
    3 aayado
    77%

    20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

    21¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii,

    22waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.

  • Room 4:9-12
    4 aayado
    77%

    9¶ Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.

    10Sidee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa;

    11oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,

    12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.

  • Gal 3:5-9
    5 aayado
    76%

    5Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?

    6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

    7Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim.

    8Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.

    9Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay.

  • 31De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.

  • Gal 3:11-12
    2 aayado
    76%

    11Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

    12Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa.

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 16ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.

  • 6Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.

  • 39nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.

  • 17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • 16¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen,

  • 3waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,

  • Room 4:2-3
    2 aayado
    72%

    2Waayo, haddii Ibraahim shuqullo xaq ku noqday, wax uu ku faano buu leeyahay ee Ilaah hortiisa ma aha.

    3Maxaa Qorniinku leeyahay? Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 72%

    18Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.

    19Gudniintu waxba ma aha; gudniinla'aantuna waxba ma aha, laakiin waxaa waajib ah in la xajiyo qaynuunnada Ilaah.

  • 14inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.

  • Gal 3:20-22
    3 aayado
    72%

    20Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya.

    21Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga.

    22Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.

  • 1¶ Haddaba maxay Yuhuuddu dadka kale dhaantaa? Ama gudniinta waxtarkeedu waa maxay?

  • 1¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;

  • 5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.

  • 3Haddaba, maxaa jira, haddii qaar aanay rumaysad lahayn? Rumaysaddarradoodu miyey Ilaah aaminnimadiisa burin doontaa?

  • 9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

  • 9oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey.

  • 3Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.

  • 15Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub.

  • 24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

  • 9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

  • 24Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya.