8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,
9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
10¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.
11Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.