Laawiyiintii 4:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo, oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 5:17 : 17 ¶ Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa.
  • Laaw 5:2-5 : 2 Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh. 3 Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh. 4 Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh. 5 Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay,
  • Laaw 4:1-2 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi, 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo waxyaalahaas qaarkood,
  • Laaw 6:4 : 4 markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,
  • Tir 15:24-29 : 24 markaas haddii qaladkii kama' loo sameeyey iyadoo aan shirku ogayn, shirka oo dhammu waa inay qurbaan la gubo aawadiis dibi yar Rabbiga ugu bixiyaan caraf udgoon, isaga iyo qurbaankiisii hadhuudhka, iyo qurbaankiisii cabniinka, iyo orgi ah qurbaanka dembiga, oo ha loo bixiyo sida qaynuunku leeyahay. 25 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan waa in wadaadku u kafaaro gudaa, oo markaas iyaga waa la cafiyayaa, maxaa yeelay, waxay ahayd qalad kama' loo sameeyey, oo iyana waxay qaladkoodii u keeneen qurbaankoodii kaas oo ahaa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga, iyo qurbaankii dembigooda Rabbiga hortiisa loogu bixiyey. 26 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan iyo shisheeyaha iyaga dhex degganba waa la cafiyi doonaa, waayo, qaladkaas dadka oo dhammu kama' bay u sameeyeen. 27 Oo haddii qof keliya kama' u dembaabo, isagu waa inuu qurbaanka dembiga u bixiyaa ceesaan gu jir ah. 28 Oo qofkii qaldamay waa in wadaadku u kafaaro gudaa naftiisa markuu qofkaas kama' ugu dembaabo Rabbiga hortiisa, si uu isaga u kafaaro gudo, oo markaas isaga waa la cafiyi doonaa. 29 Waa inaad isku sharci keliya u yeeshaan kii kama' u qaldama ha ahaadee waddanigii reer binu Israa'iil ku dhex dhashay ama shisheeyihii iyaga dhex degganba.
  • Yash 7:11 : 11 Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.
  • Yash 7:24-26 : 24 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor. 25 Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen. 26 Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.
  • Cesr 10:19 : 19 Oo iyana waxay gacantooda ku dhiibeen oo ku ballanqaadeen inay naagahooda eryaan, oo iyagoo xujo leh waxay xujadooda ugu bixiyeen wan idaha laga soo qabtay.
  • Hos 5:15 : 15 Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.
  • 1 Kor 11:27 : 27 ¶ Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan.
  • 1 Tim 1:13 : 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn.
  • Cib 10:26-29 : 26 ¶ Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho. 27 Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah. 28 Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa. 29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 4:1-3
    3 aayado
    89%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

    2Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo waxyaalahaas qaarkood,

    3iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.

  • Laaw 4:26-28
    3 aayado
    89%

    26Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.

    27¶ Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,

    28haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.

  • Laaw 4:14-15
    2 aayado
    87%

    14dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.

    15Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.

  • Laaw 4:20-24
    5 aayado
    85%

    20Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.

    21Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.

    22¶ Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,

    23haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn.

    24Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga, oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah, waayo, kaasu waa qurbaan dembi.

  • Tir 15:24-29
    6 aayado
    85%

    24markaas haddii qaladkii kama' loo sameeyey iyadoo aan shirku ogayn, shirka oo dhammu waa inay qurbaan la gubo aawadiis dibi yar Rabbiga ugu bixiyaan caraf udgoon, isaga iyo qurbaankiisii hadhuudhka, iyo qurbaankiisii cabniinka, iyo orgi ah qurbaanka dembiga, oo ha loo bixiyo sida qaynuunku leeyahay.

    25Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan waa in wadaadku u kafaaro gudaa, oo markaas iyaga waa la cafiyayaa, maxaa yeelay, waxay ahayd qalad kama' loo sameeyey, oo iyana waxay qaladkoodii u keeneen qurbaankoodii kaas oo ahaa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga, iyo qurbaankii dembigooda Rabbiga hortiisa loogu bixiyey.

    26Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan iyo shisheeyaha iyaga dhex degganba waa la cafiyi doonaa, waayo, qaladkaas dadka oo dhammu kama' bay u sameeyeen.

    27Oo haddii qof keliya kama' u dembaabo, isagu waa inuu qurbaanka dembiga u bixiyaa ceesaan gu jir ah.

    28Oo qofkii qaldamay waa in wadaadku u kafaaro gudaa naftiisa markuu qofkaas kama' ugu dembaabo Rabbiga hortiisa, si uu isaga u kafaaro gudo, oo markaas isaga waa la cafiyi doonaa.

    29Waa inaad isku sharci keliya u yeeshaan kii kama' u qaldama ha ahaadee waddanigii reer binu Israa'iil ku dhex dhashay ama shisheeyihii iyaga dhex degganba.

  • Laaw 5:13-19
    7 aayado
    84%

    13Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.

    14¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    15Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo.

    16Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.

    17¶ Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa.

    18Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.

    19Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.

  • 12iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.

  • 6Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato,

  • Laaw 5:1-6
    6 aayado
    75%

    1¶ Haddii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu dembigiisa qaataa.

    2Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

    3Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

    4Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh.

    5Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay,

    6oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.

  • 7Oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.

  • Laaw 6:2-4
    3 aayado
    74%

    2Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,

    3amase hadduu helo wax lumay oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo oo uu saas ku dembaabo,

    4markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,

  • 22¶ Oo markaad qaldantaan oo aydaan wada xajin amarradan oo dhan oo uu Rabbigu Muuse kula hadlay,

  • Laaw 17:3-4
    2 aayado
    74%

    3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,

    4isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,

  • 22Oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo waa inuu Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa dembiguu dembaabay aawadiis, oo isagana waa laga cafiyi doonaa dembigii uu dembaabay.

  • 17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

  • 20Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.

  • 4haddii laydiin soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega, haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax karaahiyo oo caynkaas ah,

  • 35Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 11Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.

  • 14Oo waxa quduuska ah haddii nin kama' ku cuno, intii uu cunay oo shan meelood loo dhigay meesheed ha ku sii daro, oo waxa quduuska ah wadaadka ha u dhiibo.

  • 15Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.

  • 13Laakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa.