Laawiyiintii 17:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 17:8 : 8 ¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,
  • Laaw 17:12-13 : 12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin. 13 ¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa.
  • Laaw 17:15 : 15 Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.
  • Sharc 12:5-7 : 5 Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan. 6 Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna. 7 Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.
  • Sharc 12:11-15 : 11 de markaas meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo in magiciisu ku jiro waa inaad wada keentaan wixii aan idinku amrayo oo dhan, kuwaas oo ah qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meeltobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo wax walba oo wanaagsan oo aad Rabbiga u nidartaan. 12 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa waa inaad ku faraxdaan, idinka iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo addoommadiinna lab, iyo addoommihiinna dhaddig, iyo ka reer Laawi oo ku jira irdihiinna, maxaa yeelay, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona. 13 Digtoonaada, oo qurbaannadiinna la gubo ha ku bixinina meel alla meeshii aad aragtaanba, 14 laakiinse qurbaannadiinna la gubo waa inaad ku bixisaan meesha Rabbigu ka dhex dooranayo qabiilooyinkiinna middood, oo halkaas waa inaad ku wada yeeshaan waxaan idinku amrayo oo dhan. 15 Laakiinse waa idiin bannaan tahay inaad wax qalataan oo aad irdihiinna gudahooda hilib ku cuntaan in alla intii naftiinnu doonayso sida ay tahay barakadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba way u cuni karaan, sida cawsha iyo deerada loo cuno.
  • Sharc 12:20-22 : 20 ¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu soohdintiinna u ballaadhiyo siduu idiin ballanqaaday, oo aad tidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaan hilib cuno, sababtoo ah nafsaddiinna oo doonaysa inay hilib cunto, markaas way idiin bannaan tahay inaad hilib cuntaan in alla inta nafsaddiinnu doonayso. 21 Haddii meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo ay idinka fog tahay, markaas waa inaad lo'diinna iyo adhigiinna uu Rabbigu idin siiyey wax uga qalataan sida aan idinku amray, oo waa inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan in alla inta nafsaddiinnu doonayso. 22 Oo waxaad iyaga u cuntaan sida loo cuno cawsha iyo deerada, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen.
  • Sharc 12:26-27 : 26 Laakiinse waxyaalihiinna quduuska ah oo aad haysataan iyo waxyaalihii aad nidartaanba waa inaad qaaddaan oo aad geeysaan meesha Rabbigu dooranayo, 27 oo waa inaad qurbaannadiinna la gubo, hilibka iyo dhiiggaba ku kor bixisaan meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, oo allabarigiinna dhiiggiisana waa in lagu shubo meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, hilibkase waa inaad cuntaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 17:4-5
    2 aayado
    85%

    4isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,

    5oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah.

  • Laaw 17:8-10
    3 aayado
    83%

    8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

    9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

    10¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.

  • 79%

    12Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.

    13¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa.

    14Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa.

    15Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.

  • Laaw 1:10-11
    2 aayado
    78%

    10¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.

    11Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.

  • 25Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • Laaw 1:2-3
    2 aayado
    78%

    2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.

    3¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.

  • Laaw 3:6-8
    3 aayado
    78%

    6¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.

    7Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

    8Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 3:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa ku bixiyaa neef aan iin lahayn.

    2Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • 17Laakiinse dibigii iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Laaw 3:12-13
    2 aayado
    77%

    12¶ Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

    13Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • 76%

    17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    18Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

    19si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.

    20Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.

  • 12iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.

  • Laaw 7:20-22
    3 aayado
    76%

    20Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.

    21Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

    22¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 11Waayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda.

  • 1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 3Oo waxaad iyada siisaan wadaadka Elecaasaar ah, oo isagu iyada ha geeyo xerada dibaddeeda, oo hortiisa waa in lagu gowracaa.

  • 21Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.

  • 3Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

  • 14Laakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey.

  • 11Oo sidaas ha loo sameeyo dibi kasta, ama wan kasta oo weyn, ama wan kasta oo yar, ama orgi kasta oo yar.

  • 21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.

  • 17Laakiinse dibigii curad ah, iyo curadka idaha, iyo curadka riyaha midnaba yaan la madax furin, iyagu waa quduus; haddaba dhiiggooda waa inaad meesha allabariga ku rushaysaa, oo baruurtoodana waa inaad u gubtaa qurbaan dab lagu gubo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • 75%

    27Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa.

    28Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.

  • 4Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.

  • 5Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan,

  • 27Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah.

  • 25Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.

  • 8ku alla kii cunaase dembigiisuu qaadanayaa, maxaa yeelay, nijaas buu ka dhigay Rabbiga wixiisii quduuska ahaa, oo qofkaasna dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

  • 27Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,

  • 11Oo dibiga waxaad ku qashaa Rabbiga hortiisa xagga iridda teendhada shirka.