Laawiyiintii 3:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa ku bixiyaa neef aan iin lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 1:3 : 3 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.
  • Tir 6:14 : 14 oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,
  • Aam 5:22 : 22 In kastoo aad ii bixisaan qurbaannadiinna aad gubtaan iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah anigu aqbali maayo, oo qurbaannadiinna nabaadiino oo xoolihiinna buurbuuranna dan ka yeelan maayo.
  • Mal 1:8 : 8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markaad neef indha la' allabari u bixisaan, sow taasu shar ma aha? Sowse shar ma aha markaad neef curyaan ah iyo neef buka allabari u bixisaan? Haddaba bal taliyahaaga u gee. Miyuu kugu farxi doonaa? Miyuuse ku aqbali doonaa?
  • Mal 1:14 : 14 Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.
  • Room 5:1-2 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix; 2 kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.
  • Kol 1:20 : 20 iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.
  • Cib 10:22 : 22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah.
  • 1 Yoox 1:3 : 3 Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramaynaa, si aad idinkuna noo soo wehelisaan; oo wehelnimadeennu waa mid la jirta Aabbaha iyo Wiilkiisa Ciise Masiix ah.
  • Bax 20:24 : 24 ¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.
  • Bax 24:5 : 5 Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.
  • Bax 29:28 : 28 oo intaas waa inay Haaruun iyo wiilashiisu amar ahaan uga lahaadaan reer binu Israa'iil weligoodba, waayo, waa qurbaan sare loo qaado; waana inay ahaato qurbaan sare loo qaado, oo ay reer binu Israa'iil bixiyaan markay ku allabaryaan qurbaannadooda nabaadiinada. Waa qurbaankooda sare loogu qaado Rabbiga.
  • Tir 7:17 : 17 Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Naxshoon ina Cammiinaadaab.
  • Xaak 20:26 : 26 Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
  • Xaak 21:4 : 4 Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
  • 1 Taar 21:26 : 26 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo.
  • Maah 7:14 : 14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
  • Yex 45:15 : 15 Oo labadii tiro oo ido ahba waa inaad ka bixisaan wan laga soo kaxeeyey daaqa barwaaqaysan oo reer binu Israa'iil, oo waa inaad u bixisaan qurbaan hadhuudh ah, iyo qurbaan la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, si aad iyaga ugu kafaaragguddaan aawadeed, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Laaw 7:11-34 : 11 ¶ Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo. 12 Oo hadduu mahadnaqid aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey. 13 Kibis khamiir leh waa inuu la bixiyaa qurbaankiisa iyo allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah mahadnaqid aawadeed. 14 Oo qurbaan kastana waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada. 15 Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo, oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe. 16 Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana maalinta ku xigta ha la cuno. 17 Laakiinse hilibka allabariga wixii ka hadha oo maalinta saddexaad gaadha waa in dab lagu gubaa. 18 Oo haddii hilibka allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah la cuno maalinta saddexaad, markaas la aqbali maayo, oo kii bixiyeyna loo xisaabi maayo, laakiin taasu waxay ahaan doontaa karaahiyo, oo qofkii cunaana isagaa dembigiisa qaadanaya. 19 Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka cuno. 20 Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa. 21 Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa. 22 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 23 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood. 24 Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa. 25 Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa. 26 Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona. 27 Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa. 28 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 29 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah. 30 Waa inuu gacmihiisa ku keenaa qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; waa inuu keenaa baruurta iyo sakaarka in sakaarka Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo. 31 Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa. 32 Oo allabariga ah qurbaannadiinna nabaadiinada waxaad ka soo bixisaan bowdada midig oo waa inaad wadaadka siisaan, ha ahaatee qurbaan sare loo qaado. 33 Kii reer Haaruun ka mid ah oo bixiya dhiigga qurbaannada nabaadiinada iyo baruurta ayaa qayb ahaan u leh bowdada midig. 34 Waayo, anigu reer binu Israa'iil ayaan allabariga ah qurbaannadooda nabaadiinada kala baxay sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado, oo waxaan reer binu Israa'iil amar kaga siiyey wadaadka Haaruun iyo wiilashiisa weligoodba.
  • Laaw 17:5 : 5 oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah.
  • Laaw 22:19-21 : 19 si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida. 20 Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo. 21 Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 3:6-9
    4 aayado
    96%

    6¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.

    7Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

    8Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

    9Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan, taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • Laaw 1:2-4
    3 aayado
    92%

    2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.

    3¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.

    4Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.

  • Laaw 1:9-11
    3 aayado
    90%

    9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

    10¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.

    11Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 3:12-14
    3 aayado
    85%

    12¶ Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

    13Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

    14Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 85%

    19si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.

    20Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.

    21Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn.

  • 32¶ Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa.

  • 14oo waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,

  • Laaw 3:2-3
    2 aayado
    83%

    2Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

    3Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 9¶ Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.

  • 3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,

  • 23Oo markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn.

  • 29Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah.

  • 23Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.

  • 11Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa,

  • 28haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.

  • 21Oo haddii curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin.

  • 19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.

  • 23haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn.

  • Laaw 9:2-3
    2 aayado
    78%

    2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

    3Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

  • 5Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo.

  • 11¶ Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo.

  • Tir 29:36-37
    2 aayado
    78%

    36laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    37Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • Laaw 4:3-4
    2 aayado
    78%

    3iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.

    4Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.

  • 8Oo markaad dibi u bixinaysid allabariga la gubo amase allabari aad nidar ku samaynaysid, amase qurbaanno nabaadiino oo aad Rabbiga u bixinayso,

  • 3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,

  • 18Oo waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

  • 6oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.

  • 2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • 8laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,

  • 25Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.

  • 21Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 12Oo maalinta aad xidhmada ruxruxdaan, wan yar oo aan iin lahayn oo gu jira waa inaad Rabbiga ugu bixisaan qurbaan la gubo aawadiis.

  • 15Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 31Oo iyaga iyo qurbaannadooda cabniinka waa inaad bixisaan iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ahu ku jirin (oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn).