Laawiyiintii 17:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 12:49 : 49 Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    13¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa.

    14Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa.

    15Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.

  • Laaw 17:8-11
    4 aayado
    88%

    8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

    9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

    10¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.

    11Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.

  • 85%

    23Laakiinse waxaa keliyahood hubsataan inaydaan dhiigga cunin, waayo, dhiiggu waa nolosha, haddaba waa inaydaan cunin hilibka noloshiisu la jirto.

    24Waa inaydaan dhiigga cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaan sida biyo oo kale.

  • Laaw 7:25-28
    4 aayado
    85%

    25Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

    26Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona.

    27Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

    28¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 4Laakiin waa inaydnaan cunin hilibka noloshiisu la jirto, taasoo ah dhiiggiisa.

  • 16Laakiinse waa inaydaan dhiigga cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaan sida biyo oo kale.

  • 23Laakiinse waa inaadan dhiiggiisa cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaa sida biyo oo kale.

  • 17Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.

  • 26Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon.

  • Laaw 17:3-4
    2 aayado
    75%

    3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,

    4isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,

  • 25Haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hilib dhiig leh baad cuntaan, oo sanamyadiinna ayaad indhaha kor ugu taagtaan, oo dhiig baad daadisaan, haddaba ma idinkaa dalka dhaxlaya?

  • 43¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin;

  • 21¶ Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.

  • 10Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah.

  • Yex 39:17-19
    3 aayado
    73%

    17¶ Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed.

    18Waxaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey.

    19Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan.

  • Bax 12:45-48
    4 aayado
    72%

    45Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin.

    46Oo waa in isku guri lagu cuno; oo waa inaadan hilibka waxba dibadda uga bixin; lafna waa inaydnaan ka jebin.

    47Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inuu dhawro.

    48Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin.

  • 26Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba,

  • 27oo waa inaad qurbaannadiinna la gubo, hilibka iyo dhiiggaba ku kor bixisaan meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, oo allabarigiinna dhiiggiisana waa in lagu shubo meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, hilibkase waa inaad cuntaan.

  • 33Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane.

  • 20Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.

  • 33Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

  • 31Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.

  • 10si aan dhiig aan xaq qabinu loogu dhex daadin dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waaba intaasoo dhiig idin saarnaadaa.

  • 27Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah.

  • 18Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,