Laawiyiintii 4:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 4:20 : 20 Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.
  • Laaw 4:31 : 31 Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.
  • Laaw 4:35 : 35 Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
  • Laaw 5:10 : 10 Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
  • Laaw 3:5 : 5 Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Laaw 4:8-9 : 8 Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 9 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado, 10 sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.
  • Laaw 5:13 : 13 Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.
  • Laaw 5:16 : 16 Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.
  • Laaw 5:18 : 18 Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.
  • Laaw 6:7 : 7 Oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.
  • Laaw 6:20-30 : 20 Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo. 21 Oo waa in lagu sameeyo digsi oo saliid lagu sameeyo, oo markii la isku qooshay waa inaad gudaha soo gelisaa. Xabbad xabbad la dubay waa inaad u bixisaa qurbaanka hadhuudhka oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 22 Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa. 23 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin. 24 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 25 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 26 Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka. 27 Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah. 28 Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa. 29 Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan. 30 Oo qurbaankii dembiga oo dhiiggiisa la soo geliyo teendhada shirka si meesha quduuska ah kafaaraggud loogu sameeyo innaba waa inaan la cunin, waase in dab lagu gubaa.
  • Tir 15:28 : 28 Oo qofkii qaldamay waa in wadaadku u kafaaro gudaa naftiisa markuu qofkaas kama' ugu dembaabo Rabbiga hortiisa, si uu isaga u kafaaro gudo, oo markaas isaga waa la cafiyi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 4:33-35
    3 aayado
    94%

    33Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.

    34Oo wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

    35Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • Laaw 4:27-31
    5 aayado
    93%

    27¶ Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,

    28haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.

    29Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka ah qurbaanka dembiga, oo waa inuu neefka ah qurbaanka dembiga ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.

    30Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

    31Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • Laaw 5:12-13
    2 aayado
    86%

    12Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.

    13Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.

  • Laaw 4:19-21
    3 aayado
    86%

    19Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.

    20Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.

    21Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.

  • 25Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa.

  • 22Oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo waa inuu Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa dembiguu dembaabay aawadiis, oo isagana waa laga cafiyi doonaa dembigii uu dembaabay.

  • Laaw 5:9-10
    2 aayado
    83%

    9Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.

    10Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 83%

    19Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,

    20oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.

  • 7Oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.

  • 8Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 4Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.

  • 18Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • Laaw 4:23-25
    3 aayado
    80%

    23haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn.

    24Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga, oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah, waayo, kaasu waa qurbaan dembi.

    25Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.

  • 10sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.

  • 16Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 6oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.

  • 3iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.

  • 26Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.

  • 28Oo qofkii qaldamay waa in wadaadku u kafaaro gudaa naftiisa markuu qofkaas kama' ugu dembaabo Rabbiga hortiisa, si uu isaga u kafaaro gudo, oo markaas isaga waa la cafiyi doonaa.

  • 9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 3Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • Bax 29:13-14
    2 aayado
    78%

    13Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub.

    14Laakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey.

  • 10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 14Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 25Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan waa in wadaadku u kafaaro gudaa, oo markaas iyaga waa la cafiyayaa, maxaa yeelay, waxay ahayd qalad kama' loo sameeyey, oo iyana waxay qaladkoodii u keeneen qurbaankoodii kaas oo ahaa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga, iyo qurbaankii dembigooda Rabbiga hortiisa loogu bixiyey.

  • Laaw 1:12-13
    2 aayado
    77%

    12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

    13laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • 16Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo.

  • 5Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka.

  • 18Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.

  • 27Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu meesha quduuska ah iyo barxadda gudaha ah galo, si uu meesha quduuska ah uga dhex adeego aawadeed, waa inuu qurbaankiisii dembiga bixiyaa.

  • 16Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.

  • 6Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon.

  • 22Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo.

  • 16Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.