Laawiyiintii 4:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 4:5-9 : 5 Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo uu teendhada shirka keenaa, 6 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah. 7 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal. 8 Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 9 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado, 10 sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo. 11 Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa, 12 iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.
  • Cib 9:12-14 : 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay. 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 4:3-7
    5 aayado
    97%

    3iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.

    4Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.

    5Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo uu teendhada shirka keenaa,

    6oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.

    7Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

  • Laaw 4:14-15
    2 aayado
    84%

    14dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.

    15Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.

  • Laaw 4:17-21
    5 aayado
    84%

    17oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.

    18Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

    19Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.

    20Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.

    21Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.

  • Laaw 1:4-5
    2 aayado
    84%

    4Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.

    5Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal.

  • 4Oo markaas wadaadka Elecaasaar ahu waa inuu dhiiggeeda farta ku qaadaa, oo uu dhiiggeeda toddoba jeer ku rusheeya xagga teendhada shirka horteeda.

  • 80%

    18Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.

    19Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.

  • Bax 29:10-12
    3 aayado
    80%

    10Oo dibiga waxaad keentaa teendhada shirka horteeda, Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen dibiga madaxiisa.

    11Oo dibiga waxaad ku qashaa Rabbiga hortiisa xagga iridda teendhada shirka.

    12Oo waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda.

  • 30Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

  • 79%

    14Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.

    15Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba.

  • 6Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon.

  • 2Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • 3Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah.

  • 25Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.

  • 34Oo wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

  • 13Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • Bax 29:20-21
    2 aayado
    76%

    20Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga.

    21Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

  • 8Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • 76%

    32Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah.

    33Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah, waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan.

  • 16Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga.

  • Laaw 8:14-15
    2 aayado
    76%

    14Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa.

    15Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.

  • Laaw 4:11-12
    2 aayado
    75%

    11Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa,

    12iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.

  • 11Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.

  • 75%

    18Oo saliidda inteeda kale oo ku jirta wadaadka calaacashiisana waa inuu taabsiiyaa kan la daahirinayo madaxiisa, oo wadaadku waa inuu isaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu sameeyaa.

    19Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,

  • 22Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen.

  • 11Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo.

  • 9Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.

  • 4isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,

  • 13Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

  • 20Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.

  • 1¶ Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn,

  • 23Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig.