Baxniintii 29:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 8:24 : 24 Oo haddana wuxuu keenay Haaruun wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
  • Laaw 14:7 : 7 Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.
  • Laaw 14:14 : 14 Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.
  • Laaw 14:16 : 16 Oo wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa.
  • Laaw 16:14-15 : 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer. 15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba.
  • Laaw 16:19 : 19 Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.
  • Ish 50:5 : 5 Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.
  • Ish 52:15 : 15 ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.
  • Mark 7:33 : 33 Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay.
  • Cib 9:19-23 : 19 Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba, 20 isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray. 21 Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii. 22 Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro. 23 ¶ Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan.
  • Cib 10:22 : 22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah.
  • Cib 12:24 : 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.
  • 1 But 1:2 : 2 oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 8:22-24
    3 aayado
    91%

    22Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

    23Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig.

    24Oo haddana wuxuu keenay Haaruun wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • 19Oo haddana waxaad qaaddaa wanka kale; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

  • Bax 29:15-17
    3 aayado
    88%

    15Oo haddana waxaad qaaddaa wan; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

    16Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga.

    17Oo markaas waa inaad wanka kala googooysaa, oo waxaad maydhaa uurkujirtiisa iyo lugihiisa, oo meel la dhig googo'iisa iyo madaxiisaba.

  • Bax 29:21-22
    2 aayado
    87%

    21Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

    22Oo waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda.

  • 83%

    25Oo waa inuu gowracaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.

    26Oo waa in wadaadku saliidda ku shubaa calaacasha gacantiisa bidix.

    27Oo waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

    28Oo waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku.

  • 8Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • 2Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • 14Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.

  • 13Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • 12Oo waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda.

  • 30Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.

  • 11Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.

  • 9Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.

  • 5Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal.

  • 10Oo dibiga waxaad keentaa teendhada shirka horteeda, Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen dibiga madaxiisa.

  • Laaw 8:18-19
    2 aayado
    79%

    18Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

    19Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • 79%

    16Oo wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

    17Oo saliidda inteeda kale oo gacantiisa ku hadhayna waa in wadaadku taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo dhiiggii qurbaanka xadgudubka.

  • 12Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • 30Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

  • 78%

    18Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.

    19Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.

  • 19Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gacmaha iyo cagaha ku dhaqdaan:

  • 18Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 4:5-7
    3 aayado
    78%

    5Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo uu teendhada shirka keenaa,

    6oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.

    7Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

  • Laaw 8:14-15
    2 aayado
    78%

    14Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa.

    15Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.

  • 22Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen.

  • Laaw 4:16-18
    3 aayado
    77%

    16Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,

    17oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.

    18Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

  • 4Oo markaas wadaadka Elecaasaar ahu waa inuu dhiiggeeda farta ku qaadaa, oo uu dhiiggeeda toddoba jeer ku rusheeya xagga teendhada shirka horteeda.

  • 4Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.

  • 30Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

  • 31Oo waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah.

  • 41Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 13Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

  • 20Oo waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.