Laawiyiintii 9:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ef 5:2 : 2 Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.
  • Ef 5:25-27 : 25 Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed, 26 inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga, 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.
  • Laaw 1:1-9 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha. 3 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo. 4 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud. 5 Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal. 6 Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa. 7 Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka, 8 oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 9 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 10 ¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn. 11 Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga. 12 Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 13 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 14 ¶ Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar. 15 Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda. 16 Oo waa inuu ka soo bixiyaa gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo ah meeshii dambaska. 17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Laaw 8:18-21 : 18 Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii. 19 Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga. 20 Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii, 21 oo isna uurkujirtii iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo, wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 9:13-18
    6 aayado
    91%

    13Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.

    14Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.

    15Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.

    16Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa, oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey.

    17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

    18Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 9:7-11
    5 aayado
    87%

    7Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.

    8Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.

    9Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.

    10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    11Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah.

  • Laaw 1:11-12
    2 aayado
    86%

    11Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.

    12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

  • 8Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 8:18-19
    2 aayado
    85%

    18Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

    19Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • 2Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 1:4-9
    6 aayado
    83%

    4Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.

    5Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal.

    6Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.

    7Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,

    8oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

    9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 13Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

  • Laaw 8:14-16
    3 aayado
    82%

    14Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa.

    15Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.

    16Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.

  • 16Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga.

  • Laaw 8:22-24
    3 aayado
    79%

    22Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

    23Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig.

    24Oo haddana wuxuu keenay Haaruun wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

  • Bax 29:20-21
    2 aayado
    78%

    20Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga.

    21Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

  • 22Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen.

  • 9Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.

  • 13Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada.

  • 20Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.

  • 2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

  • 49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

  • 30Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.

  • 18Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

  • 2Meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka xadgudubkana lagu gowracaa, oo dhiiggiisana waa inuu ku dul rusheeyaa hareeraha meesha allabariga.

  • 6Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon.

  • 12Oo waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda.

  • 76%

    18Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.

    19Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.

  • 5Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 30Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

  • 11Oo qaarkeedna wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood quduus uga dhigo.

  • 15Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda.