Laawiyiintii 9:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 5:3 : 3 Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale.
  • Cib 5:1 : 1 ¶ Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood.
  • Cib 9:7 : 7 Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo.
  • Laaw 4:3 : 3 iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.
  • Laaw 4:16-20 : 16 Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka, 17 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka. 18 Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal. 19 Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa. 20 Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.
  • Laaw 8:34 : 34 Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.
  • Laaw 9:2 : 2 oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.
  • 1 Sam 3:14 : 14 Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.
  • Cib 7:27-28 : 27 kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey. 28 Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 9:1-3
    3 aayado
    85%

    1¶ Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

    2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

    3Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

  • 8Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.

  • 49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 16:46-47
    2 aayado
    80%

    46Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay.

    47Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday.

  • 6Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa.

  • 6Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa.

  • 10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 19Markaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd?

  • 3Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah.

  • 11Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo.

  • Laaw 9:21-22
    2 aayado
    78%

    21Kolkaasaa Haaruun Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse amray.

    22Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.

  • 21Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War maxaa dadkanu kugu sameeyey oo aad dembi weyn ugu keentay?

  • Laaw 8:14-15
    2 aayado
    77%

    14Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa.

    15Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.

  • 21Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday.

  • 14¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 11¶ Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Oo orgigii saamigu ugu dhacay Rabbiga, Haaruun waa inuu keenaa, oo qurbaan dembi u bixiyaa.

  • 76%

    16¶ Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.

    17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

  • 31Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.

  • Tir 8:11-12
    2 aayado
    76%

    11Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa.

    12Oo reer Laawina waa inay gacmaha saaraan madaxa dibida, oo mid waxaad u bixisaa qurbaan dembi, kan kalena waxaad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la gubo, si aad reer Laawi ugu kafaaro guddid.

  • 30¶ Oo waxaa dhacday, in Muuse maalintii dambe dadkii ku yidhi, Idinku dembi weyn baad samayseen, oo haatan waxaan kor ugu tegayaa Rabbiga; mindhaa dembigiinna aawadiis ayaan u kafaaro gudi doonaaye.

  • Bax 29:35-36
    2 aayado
    76%

    35Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

    36Maalin walba waa inaad dibiga qurbaanka dembiga u bixisaa kafaaraggud aawadiis, oo meesha allabarigana waa inaad daahirisaa markaad u kafaaro gudaysid, oo waa inaad subagtaa inaad quduus ka dhigtid.

  • 5Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.

  • 15Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.

  • 24oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba.

  • Laaw 6:24-25
    2 aayado
    76%

    24¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    25La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • 21oo isna uurkujirtii iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo, wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 34Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • 4Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.

  • 3Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.

  • 34Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • 19¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 38ee uu Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay maalintii uu reer binu Israa'iil ku amray inay Rabbiga u bixiyaan qurbaannadooda iyagoo jooga cidladii Siinay.

  • 12Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.