Laawiyiintii 8:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 29:4-9 : 4 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa. 5 Oo waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka; 6 oo duubkana waa inaad madaxiisa saartaa, oo taajka quduuska ahna duubka saar. 7 Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo madaxiisa ku shub, oo ugu subag isaga. 8 Oo waxaad soo kaxaysaa wiilashiisa oo iyagana jubbado u geli. 9 Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa. 10 Oo dibiga waxaad keentaa teendhada shirka horteeda, Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen dibiga madaxiisa. 11 Oo dibiga waxaad ku qashaa Rabbiga hortiisa xagga iridda teendhada shirka. 12 Oo waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda. 13 Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub. 14 Laakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey. 15 Oo haddana waxaad qaaddaa wan; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa. 16 Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga. 17 Oo markaas waa inaad wanka kala googooysaa, oo waxaad maydhaa uurkujirtiisa iyo lugihiisa, oo meel la dhig googo'iisa iyo madaxiisaba. 18 Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga. 19 Oo haddana waxaad qaaddaa wanka kale; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa. 20 Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga. 21 Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga. 22 Oo waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda. 23 Oo dambiisha hor taal Rabbiga oo ay ku jirto kibista aan khamiirka lahaynu waxaad kala soo baxdaa xabbad kibis ah, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah; 24 oo kulligood waxaad saartaa gacmaha Haaruun, iyo gacmaha wiilashiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux inay ahaadaan qurbaanka la ruxruxo. 25 Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga. 26 Oo waxaad qaaddaa Haaruun wankiisa quduuskadhigidda sakaarkiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux sidii qurbaanka la ruxruxo, oo wuxuuna noqon doonaa qaybtaada. 27 Oo waa inaad quduus ka dhigtaa sakaarka qurbaanka la ruxruxo, iyo bowdada qurbaanka sare loo qaado, oo la ruxruxo, oo sarena loo qaado, ee wanka quduuskadhigidda, xataa qaybta Haaruun iyo qaybta wiilashiisaba, 28 oo intaas waa inay Haaruun iyo wiilashiisu amar ahaan uga lahaadaan reer binu Israa'iil weligoodba, waayo, waa qurbaan sare loo qaado; waana inay ahaato qurbaan sare loo qaado, oo ay reer binu Israa'iil bixiyaan markay ku allabaryaan qurbaannadooda nabaadiinada. Waa qurbaankooda sare loogu qaado Rabbiga. 29 Oo dharka Haaruun oo quduuska ah waxaa qaadan doona wiilashiisa isaga dabadiis, si loogu subko oo quduus looga dhigo iyagoo gashan. 30 Oo wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah. 31 Oo waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah. 32 Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka. 33 Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus. 34 Oo haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus. 35 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa. 36 Maalin walba waa inaad dibiga qurbaanka dembiga u bixisaa kafaaraggud aawadiis, oo meesha allabarigana waa inaad daahirisaa markaad u kafaaro gudaysid, oo waa inaad subagtaa inaad quduus ka dhigtid. 37 Oo toddoba maalmood waa inaad meesha allabariga u kafaaro guddaa oo quduus ka dhigtaa, oo meesha allabarigu waa inay ugu wada quduusnaataa, oo wax kasta oo meesha allabariga taabtaa quduus wuu noqon doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 4Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka.

  • 1¶ Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.

  • 4¶ Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh,

  • Laaw 9:5-6
    2 aayado
    84%

    5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

    6Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo biyuu iyagii ku maydhay.

  • 36Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

  • 1¶ Kolkaasaa Muuse madaxdii qabiilooyinka reer binu Israa'iil la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Intanu waa wixii Rabbigu amray.

  • 20Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • Laaw 17:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • Tir 8:22-23
    2 aayado
    80%

    22Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.

    23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.

  • 27Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan.

  • 5¶ Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 32oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 11Oo sidaasaa Muuse yeelay. Sidii Rabbigu isaga ugu amray ayuu u sameeyey.

  • 40Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.

  • 22Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.

  • 16Sidaasuu Muuse yeelay, oo sidii Rabbigu ku amray oo dhan wuu wada sameeyey.

  • 5¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Markaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen.

  • 12¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 8Markaasaa Muuse ku yidhi, I suga intaan soo maqlayo waxa Rabbigu amri doono oo idinku saabsan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 31Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17¶ Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 22¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

  • 37¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 34Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.

  • 7Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 28Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii uu ku amray oo dhan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,