Laawiyiintii 8:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 29:31-32 : 31 Oo waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah. 32 Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka.
  • Laaw 6:28 : 28 Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa.
  • Laaw 7:15 : 15 Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo, oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe.
  • Laaw 10:17 : 17 War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?
  • Sharc 12:6-7 : 6 Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna. 7 Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.
  • 1 Sam 2:13-17 : 13 Haddaba caadadii wadaaddadu dadka la lahaayeen waxay ahayd, in markii nin uun allabari bixiyo uu midiidinka wadaadku iman jiray, inta hilibka la karinayo, isagoo gacanta ku sita hilibqabato saddex farood leh, 14 oo wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen. 15 Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane. 16 Oo haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa. 17 Oo raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.
  • Yex 46:20-24 : 20 Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin. 21 Oo haddana wuxuu ii soo bixiyey barxaddii dibadda, oo wuxuu ka dhigay inaan barxadda afarteedii rukun ku soo wareego, oo bal eeg, barxadda rukunkeed kastaba barxad baa ku tiil. 22 Oo barxadda afarteeda rukunba waxaa ku yiil barxado kala xeraysan oo dhererkoodu afartan dhudhun yahay oo ballaadhkooduna soddon dhudhun yahay, oo afartaas barxadood ee rukummada ku tiil isku qiyaas bay ahaayeen. 23 Oo hareerahooda oo dhanna waxaa laga dhisay meel safan oo afartoodaba way ku wareegsanaayeen, oo safafka ku wareegsanna waxaa laga hoos sameeyey meelo wax lagu kariyo. 24 Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.
  • Yoox 6:33 : 33 Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
  • Yoox 6:35 : 35 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
  • Yoox 6:51 : 51 Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed.
  • Yoox 6:53-56 : 53 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna. 54 Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. 55 Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo. 56 Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga.
  • Gal 2:20 : 20 Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 29:31-33
    3 aayado
    88%

    31Oo waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah.

    32Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka.

    33Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

  • 32Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.

  • 16Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.

  • 80%

    12¶ Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

    13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.

  • Laaw 8:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka, iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto.

  • 9Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.

  • Laaw 8:28-30
    3 aayado
    78%

    28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

    29Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    30Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.

  • Laaw 6:18-19
    2 aayado
    78%

    18Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

    19¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 78%

    17War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

    18Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray.

    19Markaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd?

  • Laaw 6:24-26
    3 aayado
    78%

    24¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    25La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

    26Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.

  • 35Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

  • 2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 36Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

  • 7Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.

  • 13Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun, oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 31Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.

  • Laaw 8:5-6
    2 aayado
    76%

    5Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.

    6Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo biyuu iyagii ku maydhay.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 24Muuse sidaasuu kula hadlay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhanba.

  • 49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

  • Laaw 9:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

    2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 21oo isna uurkujirtii iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo, wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 4Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.

  • 31Oo meel kastaad ku cuni doontaan idinka iyo reerihiinnuba, waayo, iyadu waa abaalgudkiinna aad ka heshaan hawsha aad ka qabataan teendhada shirka.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi.

  • 10Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa.

  • 3Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Bal eeg, anna adigaan ku siiyey amarka qurbaannadayda sare loo qaado, kuwaas oo ah waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil oo dhan. Subkidda aawadeed ayaan adiga iyo wiilashaada u siiyey qayb joogto ah weligeed.

  • 17Laakiinse dibigii iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna.

  • 10Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • 8oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,